Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban (5)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

U Hiili Afkaaga Hooyo

Af Soomaaligu waa af hodon ah. Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af- soomaaliga ereyadiisa oo  dhan, lasoo tira-koobo, loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo. Meeday kolkaas hodonnimadii Afka lagu sheegayey? Ma cidla-ka-faan bay iska ahayd? Maya, ee bal qabsoo waa mid ee Afka hodonnimadiisa meelo kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirtaa baaxad-weynida iyo qota- dheerida ereyadiisa ku duugan.

Inkastoo aynu niri Af-soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rog-rogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qoddobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.

Si kale haddan u dhigno,  Af-soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay asalahaan iyo dhismo ahaanba waa Af aad ugu nugul una laylsan nolol-awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, iskorintiisa, aqoon-qaadkiisa, adduun-hiigsadkiisa, isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khalkhal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqoodaan  dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jibuuti iyo Wajeer,  Bosaaso iyo Hawaas iyo inta u dhexsaysa oo idil.

Hodonnimada Afka: Rogrogga Ereyga  ‘ DHAC’

1.  Qabyaaladdu ha dhacdo ( ha guuldarraysato)

2.  Sidaasi waa dhac la arko ( boob)

3.  Tanise waa meel ka dhac (gaf)

4.  Cir kasoo dhac (lama filan)

5.  Waxba iga ma dhacaan (lacag ma haysto)

6.  Geel/xoolo la dhacay (la xoogay)

7.  Dhirbaaxuu la dhacay ( ku dhiftay)

8.  Markuu sawirka arkay, ayuu qosol la dhacay (hayn kari waayay)

9.  Geed buu kasoo dhacay (Xajisan waayay)1

10. Tulud geel ah oo dhacantay (luntay)

11.  Casharka ka dhaadhici (si deggan ugu sharax)

12.  Dhacdooyin inna soo maray (arrimo)

13.  Markaan hoos ugu dhaadhacay ( u fiirsaday)

14.  Meel durugsan bay ku dhacday (meel aan looga fadhiyin)

15.  Marka xiddiggaasi dhaco (libdho)

16.  Hebel ku dhac ma laha (wax kuma dhiirado)

17.  Imtixaankii buu ku dhacay (gudbi waayay)

18.  Noloshii buu ka dhacay (ku fashilmay)

19.  Ceel buu ku dhacay (galay)

20.  Qaybtan waa hordhaca buugga (iftiiminta)

21. Dhereg-dhacsiga nala dhaaf.. ha nagu dhereg dhac san. (cayaarta naga daa)

22.  Warqaddii la soo diray, meel daran iyo reero muskood bay ka dhacday       (way luntay)

23.  Cid iga dhicisa ayaan waayay (Iga celisa)

24.  Jeedal buu la dhacay (ku garaacay)

25.  Duumaa ka dhaadhacday (dishootay)

26.  Libaax xoolaha u dhaca (weerara)

27.  Jaadkii baa soo dhacay (magaalada yimi)

28.  Lacagtii baa jeebkayga ka dhacday (siibatay)

29. Waxaas baa ka Dhaadhacsan (buu aaminsan yahay)

30.  Geel laga qaaday bay soo  dhiciyeen (soo ceshadeen)

31.  Ma mooddaa in cirku ku soo dhacay (masiibo heshay)

32.  Dhaxaa laygu yiri lagaa dhacan (cidlaa lagaaga tegey)

33.  Isagoo dhacdhacaya ayuu aqalka soo gaaray (liita.. ama sakhraan ah)

34.  Arrintii geesna uma dhicin (go’aan lagama gaarin)

35.  Dayuuradey soo dhac ! (burbur)

36.  Belaayaa ku dhacday ( masiibaa heshay)

37.  Mashruucii wuu ka  dhicisoobay (uma fulin)

38.  Ismaqiiqii guuldarray uga dhaceen (kala kulmeen)

39. Covid-19 baa ku dhacday (haleeshay)

40.  Dhinaca iijaarbixinta  dibudhac kuma iman (waxba kuma baaqan)

41.  Dabinkii bay ku dhaceen (waa la khiyaameeyay)

42.  Siddig-siddigtaada mooyee, dhul dhacaaga hubso (miyir u soco)

43.  Dhiciskaa maxaad kala hadlaysaa (naaquskaa)

44.  Qorrax-dhac ka hor ma iman karo (maqribka)

45.  Siday filayeen ma noqon, dhac-dhac bay ka heleen       (kharash yar)

46.  Habaar waalid baa ku dhacay (inkaar baa heshay)

47.  Ha ka dhicin sallaamada, qaar lagu sigtaa jira (is ilaali)

48. Isagoo khudbaddii ku jira ayaa waqtigii ka dhacay ( ka dhammaaday)

49.  Xoolihii Jarra Horato ayay kala dhaceen. (meel fog ayay geesteen)

MARWADA WAA LA WEHELIYAY

Dantoo kugu qasabta mooyee, qof maankiisa qabaa ma hawaysan karo inu Jibuuti xagaa u safro.  Anigana dan culus ayaa igu sandulleysay, Xaaskayga oo Xamar ka imanaysey ayaa xilligaas Jibuuti kusoo aaddanayd.

Sannadku waa 1980kii.  Waa afartan sano ka hor.  Saban kale ayaa lagu jirey, marka laga eego heerka isgaarsiintu xilligaas ka maraysey Soomaaliya, Yaman, iyo Jibuuti.  Iska daa shicibweynaha ee xafiisyada dawladda ayaa telefoonada yaallaa tirsanaayeen.  Boosta iyada ka warran? Markaad dan gaar ah leedahay, boos shaqaynaysa ama aad aamini kartid ma ay jirin.  Faafreeb (censorship) ayaa dadka cunaha haystey.  

Maalmo badan ayey igu qaadatay intaan xaaska Jibuuti ku sugayey. Toddobaad walba garoonka diyaaradaha ayaan iska xaadirin jirey oo shaqaalihii aanu aad isu baranay.  Jeer aan imaatinkii xaaska ka quustay oo ku tashaday inaan Cadan-taan ka imid dib ugu laabto.

Muddadaan magaalada Jibuuti joogey, dad aanu hore isu niqiin iyo qaar aanu isbaranay ayaa inta badan i marti qaadi jirey.  Kooxdaasi qiyaas ahaan waxay u badnaayeen dad mutacallimiin ah, iska ladan, shaqaale dawladeed ama ganacsato madaxbannaan ka kooban.  Waa dabaqad is yara mahadisay loona ogyahay.  Maalin tilmaan mudan ayaa safarkaas iga soo martay oo maskaxdayda ka bixi la’.  Maalintaa iyada ah, sidaanu isaga barjaynayney ee loogu jirey sheeko, wada hadal teel teel ah, kaftan, qosol, duryan iska socota oo jaantaa rogan ah, ayaa idaacadda Jibuuti war sii daysey sheegaya inay geeriyootay marwadii maxadweynihii hore ee dalka Faransiiska, Janankii De Gaulle.

Mar keliya ayaa la wada aammusay.  Naxdin ayaa jawigii ku hab tiri.  Nin raggii ka mid ah ayaa is-haysan kari waayey: “ Qofta waa lagu jirey, qofta waa la weheliyey, waan xasuustaa oo maalintii uu De Gaulle dhintay, ayey xabaasha korkeeda Ilaahay ka bariday inay iyana maalintaas oo kale dhimato oo agtiisa lagu xabaalo.  Waa taas oo waa laga ajiibay,” cod qaylo ku dhow ayuu mucjisaddaa kusoo tebiyey.  Cabbaar aamus ah ayaa la wada galay.  Dhawr qaybood ayaa raggii u kala baxay: Kuwo in  warka ninkani sheegayo jiro iyo in kale isku haya. Kuwo in qofta la weheliyey ee aanay iyagu ka warhayn ku maqan. Kuwo uu ku jiro kii warkan dambe soo tebiyey oo u muuqda rag runtii murugaysan oo faataxada hoos ugu maraya qoftan ikraaman ee xijaabatay,  marwadii DeGaulle.

Aniga laba dhacdo oo kala durugsan ayaa maskaxdayda iska daba rogmayey: Tan kowaad, waa qoys deggan mafrashka aan ku jaadayney barbarkiisa oo shalaytadii wiilkii keliya ay lahaayeen xijaabtay oo kafantiisii iyo aaskiisii aan ragga meesha joogay ‘faran’ u tuurin, lagana war qabey.  Tan labaad waa booqashadii Janan De Gaulle ee Jibuuti 1967 iyo sidii magaalada ‘siligga’ birta ah lagu wareejiyey; ka dibna dalka magacii Soomaaliyeed  laga tirtiray, markii shicbigu aayahiisa si bareer ah u caddeeyey inuu xornimo ka madax bannaan gumeysiga Faransiiska doonayo.  Iska horimadkaas, gurmadkii daawooyinka laanqayrta cas diyaaradaha Cadan ka  keenaysey ayaan ka  tirsanaa.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.