Muqdisho, Abril 05, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Muqdisho ku qaabilay ajaaniib dooneysa inay maal-gashi ku sameystaan Muqdisho, Shirkii garsoorka oo Muqdisho wali ka socda, QM oo ku baaqday in garsoorka Soomaaliya la adkeeyo iyo qodobbo kale.
Dowladda Soomaaliya oo deeq hub ah ka guddoontay dawladda Jabuuti
Djibouti, (WDN)- Warbixin naga soo gaadhay xafiiska warbaahinta ee ra’iisal wasaaraha Sooomaaliya Md. Cabdi Faarax, ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaarah Soomaaliya uu ka gudoomay dawlada Jabuuti deeq gaadiid ciidan,. Warabixintaasi ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan. _________ Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq...
Dhageys Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 04, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Jabuuti oo gaadiid ciidan ku wareejisay dowladda Soomaaliya, Wafdi ka socda Puntland oo Kismaayo gaaray, Garroonka dayaaradaha ee Taleex oo dhismayaal lagu kordhinayo iyo qodobbo kale.
Maamulka Faroole oo Saddex Idaacaddood Afka Qabtay
Garowe, Abril 03, 2012 (WDN)- Sida lagu xusay wareegto ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta ee dawlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo ku taariikhaysnayd 25kii bisha Maarso ee aan ka soo gudubnay, waxaa la xidhay xarumihii ay idaacadaha Daljir, One Nation iyo Codka Nabddu ku lahaayeen Puntland. Xannibaadda lagu soo rogay baahintii idaacaddahan ayaa lagu sababeeyay ka...
Ra’iisal wasaar Saacid oo Markii Ugu Horreysay Safar Waddanka Dibaddiisa Ugu Baxay
Muqdisho, Abril 03, 2013 (WDN)- Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo toddobaaddadiii ugu dambeeyay socdaallo ku kala baxinayay gobollada dalka qaarkood, ayaa markii ugu horreysay tan iyo intii xilka loo magacaabay socdaal ugu kicitimay wadanka dibaddiisa. Ra’iisal wasaaraha yo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa booqasho ku tagey wadanka Jabuuti iyadoo garoonka...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 03, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka ad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Raysal wasaare Saacid oo safarkiisi ugu horreeyey ee dibbadda maanta booqasho ku tagay Jabuuti, Dhalinyaro lagu eedeyey Shabab oo Baladxaawo lagu dilay, Xildhibaanno gaaray Kismaayo iyo qodobbo kale.
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Yeeshay
Muqdisho, Abril 02, 2013 (WDN)- Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta golaha shacabka xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay kaga doodayeen xiliga uu furmayso doodda golaha iyo waqtiga imaanshaha barlamaanka. Doodda oo maanta ahayd mid wax badan ka duwan kuwii dhawaanaha ka dhacay xarunta barlamaanka Soomaalia, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii...
AMISOM oo Sheegtay Inay Dishey Horjooge Sare oo Shabaab Ka Tirsanaa
Muqdisho, Abril 01, 2013 (WDN)- Saraakiisha ciiddamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa shaaciyay inay howl gal ay ciidanku ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose, ay ku dileen horjeege ka tirsanaa maleeshiya al-Shabaab. Sida uu shaaciyay Major Henry Obo oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Taliska AMISOM ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ninka ay dileen la oran...
Wasiirro Ka Socda Dawladda Finland oo Muqdisho Yimid
Muqdisho, Abril 01, 2013 (WDN)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay Wafdi ka socda dowladda Finland oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee daalkasi Md. Erkki Sakari Tuomioja, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibada Foosiya Yuusuf X. Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda Soomaaliya....
Shir Looga Hadlayo Dib-u-habeynta Garsoorka Dalka oo Muqdisho Ka Furmey
Nayroobi, Abril, 01, 2013 (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furey shir-weynaha dib-u-habeynta garsoorka dalka, oo ay ka qeyb galayaan 150 ergo oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya iyo khuburo dhinaca garsoorka ah oo dalka dibaddiisa qaarkood ka yimaadeen. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo munaasabaddii furitaanka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in...





