Shir Looga Hadlayo Dib-u-habeynta Garsoorka Dalka oo Muqdisho Ka Furmey

Shir Looga Hadlayo Dib-u-habeynta Garsoorka Dalka oo Muqdisho Ka Furmey

Nayroobi, Abril, 01, 2013 (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furey shir-weynaha dib-u-habeynta garsoorka dalka, oo ay ka qeyb galayaan 150 ergo oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya iyo khuburo dhinaca garsoorka ah oo dalka dibaddiisa qaarkood ka yimaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo munaasabaddii furitaanka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in ujeeddada dib-u-habeynta garsoorka ay tahay in la helo garsoor wanaagsan, oo ay kalsooni ku qabi karaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan doonaynaa in shirkan ay kasoo baxaan qoddobo sababi kara in garsoorka dalka lagu kalsoonaado, waayo garsoorka waa halka uu aadi lahaa qofka cabashada qaba, waxaana loo baahan yahay inuu noqdo mid kalsooni buuxda lagu qabi karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirkan, ayaa socon doona muddo shan cisho ah, iyadoo ergada ka qeyb galeysana laga sugayo inay soo saaraan qoddobo dib-u-habeynta garsoorka dalka saldhig u noqda.

Dhinaca kale, raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo booqasho shalay ay ku tageen Garbahaaray, xarrunta gobolka Gedo isaga iyo xubno xukuumaddiisa ka mid ah, ayaa maanta halkaasi kaga dhawaaqay maamul KMG ah oo gobolka Gedo uu yeelanaayo.

Waxa uu Md. Saacid sheegay inay xukuumaddiisa wada-tashiyo dheer kadib, ay guddoomiyaha gobolka Gedo u magacowday Maxamed Cabdi Kaliil, iyadoo inta harsanna la soo dhameystiri doono, tan iyo inta laga gaaraayo maamul ay dadku wada sameystaan oo Federaal ah.

Booqashada Saacid ee Gedo, oo qeyb ka ah safar uu ugu magac darray “Socdaalkii Dhageysiga”, ayaa waxa intii shalay ay isaga iyo wafdigiisa joogeen Garbahaarey ay booqdeen qabrigii ALLAHA u raxmadee madaxweynihii dowladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre, halkaas oo isaga iyo wafdigiisaba ay u duceeyeen marxuun Siyaad Barre, oo ahaaa madaxweynihii ugu xukunka dheeraa madaxdii dalka soo martey.

Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Nayroobi