Muqdisho, Abril 01, 2013 (WDN)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay Wafdi ka socda dowladda Finland oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee daalkasi Md. Erkki Sakari Tuomioja, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibada Foosiya Yuusuf X. Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Wafdigan ka socda dowladda Finland ayaa waxaa kaloo ka mid ah wasiirka kheyraadka, wasiirka hormarinta, u qeybsanaha Filand wadamada Afrika iyo sariifka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya.
Waftiga Finland ayaa isla manta wadahadallo kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliya md. Xasan Sheekh maxamuud, afhayeenka baarlamanka iyo wasiirka arrimaha dibada.
Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo kulanka kadib la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in kulamadii ay la yeesheen wafdiga ka socday dowladda Finland ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeya labada dowladooda iyo sii kordhinta gargaarka ay Finland u fidiso Soomaaliya.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibada dalka Finland ayaa sheegay in booqashadoodu ay la xidhiidho sidii ay caawinaad uga gaysan lahaayeen hawlaha dib u dhiska Soomaaliya isagoo isla markaana xusay in Soomaaliya ay xilligan ka muuqato isbedel dhinaca ammaanka ah.
Magaalada Muqdisho, ayaa billahan ugu dambeeyay ay booqanayeen wufuud ka socota caalamka siiba waddamada reer galbeedka, oo xilliga ahmiyad siinaya sidii loo arki lahaa Soomaaliya oo mar kale cagaheeda isku taagta, islamarkaana meesha looga saari lahaa kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliya hoyga u noqotay oo halis weyn ku ah ammaanka wadamada reer Galbeedka.
Wardheernews, Muqdisho
