AMISOM oo Sheegtay Inay Dishey Horjooge Sare oo Shabaab Ka Tirsanaa

Muqdisho, Abril 01, 2013 (WDN)- Saraakiisha ciiddamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa shaaciyay inay howl gal ay ciidanku ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose, ay ku dileen horjeege ka tirsanaa maleeshiya al-Shabaab.

Sida uu shaaciyay Major Henry Obo oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Taliska  AMISOM ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ninka ay dileen la oran jirey Maxamed Abuu Saciid.

Ninkan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan waxa uu in mudda ah ka tirsanaa kooxda Shabaab, waxaa maanta lagu  khaarijiyay weerar gaadma ah oo AMISOM ay ku ekeysay kolonya gaadiid ah oo uu lasocay, marayayna gobalka Sh/ Hoose.

Inkastoo uusan sheegin halka ay markii hore ka yimaadeen horjoogaha iyo kolonyada uu watay, ayaa Major Henry Obo waxa uu intaas raaciyay in ay weerarka ku qaadeen isaga iyo ilaaladiisa kadib markii ay ka war heleen in uu ku suganyahay qeybo ka mid gobolka Shabellaha Hoose, oo uu ku maleegayay shirqoollo uu damacsanaa in uu ka fuliyo falal argagixisonimo ah oo muddooyinkanba ay ku howlanayeen maleeshiyada Al-qaacidada Soomaaliya, sida uu Obo yiriye.

Al-shabaab wali kama hadlin dilka ninka la sheegay in uu ka mid ahaa horjoogayaashooda gobolka Shabellaha Hoose u qaabilsanaa, waxayse AMISOM ay dhinaca kale sheegatay inay hub uu watay horjoogahaasi Maxmed Abuu Saciid, ay ka qabsadeen.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews.com

Muqdisho