Djibouti, (WDN)- Warbixin naga soo gaadhay xafiiska warbaahinta ee ra’iisal wasaaraha Sooomaaliya Md. Cabdi Faarax, ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaarah Soomaaliya uu ka gudoomay dawlada Jabuuti deeq gaadiid ciidan,. Warabixintaasi ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan.
_________
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq gaadiid ciidan, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday booliiska Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay gaadiidkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman ee ka hortaga qalalaasaha iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka.
Kadib wadahal dhexmaray labada ra’iisal wasaare ayaa dawladda Soomaaliya kula wareegtay gaaiidkan munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan. Waxaana heshiis ku kala saxiixday wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi.
Ra’iisal wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan gaadiid, sidoo kalena tilmaamay in taageero kasta oo ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligaa.
“Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadeynayaa in gaaciidkaan loo adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto.”
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.
DHAMAAD
Garad Salad Hersi
Xafiiska warbaahinta ee ra’iisal wasaara Soomaaliya
Mob.+252-61-5536608
Leave a Reply