Garowe, Abril 03, 2012 (WDN)- Sida lagu xusay wareegto ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta ee dawlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo ku taariikhaysnayd 25kii bisha Maarso ee aan ka soo gudubnay, waxaa la xidhay xarumihii ay idaacadaha Daljir, One Nation iyo Codka Nabddu ku lahaayeen Puntland.
Xannibaadda lagu soo rogay baahintii idaacaddahan ayaa lagu sababeeyay ka dib markii ay jabiyeen amar ay hore u soo saaartay wasaaradda warfaafinta ee Puntland oo mamnuucayay waxa ay ugu yeedheen idaacadaha idaacado kale ka dhex hadla.
Amarkaas hore, ayaa ka mamnuucayay idaacadaha xarumaha ku leh Puntland in ay baahiyaan barnaamijyada idaacado aan xarumo ku lahayn Puntland oo kala ah Bar-kulan, Ergo iyo Hirad oo uu maamulka Puntland baahintooda ku sheegay sharci darro maadaama aanay idaacaddahaasi wax ogolaanshiiyo ah ka haysan maamulka.
Wareegtada ayaa idaacaddahan ku eedeeysay inay jabiyeen dastuurka Puntland iyo xeerka warbaahinta iyo kala dambeynta Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir oo saxaafadda u faahfaahinayay sababta loo xidhay saddexda idaacadood, ayaa shaeegay in ay iska dhego tireen amar hore uga soo baxay wasaaraddiisa oo sheegayay in aanay baahin karin barnaamijyada saddexda idaaacadood ee barkulan, Ergo iyo Hirad oo uu ku eedeeyay in aanay ka shaqayn danta dadka iyo dawladda Puntland.
Maamulka madaxweyne Faroole oo hal sano oo sharciyaddeeda lagu muransanyahay ku kordhisay muddada xilka, ayaa xilligan u muuqda mid xasaasiyad ka qaba warbaahinta xorta oo iyadu fursado codkooda lagu maqlo siisa mucaaradka ka soo horjeedda maamulka Garowe.
Puntaland oo hadda ku guda jirta geeddiga loogu guurayo hannaanka dimuqraadiyadda xisbiyada badan, ayaa falalka cabudhinta saxaafadda ee maamulka Faroole ay ifafaale aan fiicnayn iyo sawir xun ka bixinaysaa mustaqbalka Puntland maadaama ay saxaafadda xorta ahi halbawle u tahay dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga.
WardheerNews
Leave a Reply