Muqdisho, Abril 11, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Wada-hadalladii DFS iyo maamulka Somaliland oo ka furmaya Turkiga, Roob ka da’ay Wanlaweyn, Waxbarashada reer Miyigi Puntland oo la tayeynaayo iyo qodobbo kale.
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 10, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku qaabilay wafdi Ingriiska ka socdey, Britain oo Uganda ku amaantay howlgalka AMISOM, xildhibaan eedeeyay xukuumadda iyo qodobbo kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Norway
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Norway ayaa magaalada Oslo kula kulmay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Furitaankii kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa khudbbad qiimo badana ka jeediyey wasiirka arimaha dibada ee dalka Norway Espen Barth Eide waxaana...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 09, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah, Dowladda oo ka hadashay isku deygii lagu dili lahaa Sheekh Bashiir, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarumo ciidan, Maamulka Isbitaalka Banadir oo ka warbixiyay xaaladda caafimaad ee bukaannada Isbitaalkaasi la geeyo iyo qodobbo kale.
Kooxda Shabaab oo haweenay ay ku eedeeyeen basaasnimo ku dilay Hiiraan iyo haween watay walxaha qarxa oo Kismaayo lagu xiray
Muqdisho, Abril 08, 2013 (WDN)- Kooxda al-Shabaab, ayaa maanta meel fagaara ah gudaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ku toogtay haweenay da’deeda 25 jir ah lagu sheegay, oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo. Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, ayaa ku eedeeyay gabadhaasi ay maanta fagaaraha Buula-burde ku toogteen inay aheyd basaas u shaqeyneysay dowladda Soomaaliya, sida...
Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed oo weerar dil ah ka badbaaday
Muqdisho, Abril 08, 2013 (WDN)- Guddoomiyaha hay’adda culima’uddiinka Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ka badbaaday iskuday la doonayay in lagu khaarajiyo maanta, kadib markii gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa.. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Sheekha xilli uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Howl-wadaag...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 08, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah, Shirkii IGAD ee arrimaha Soomaaliya oo dib u dhac ku yimid, Wasaaradda maaliyadda oo diiddey in la qaado canshuuraad aysan ogeyn iyaga, ciidamada oo laga saarayo Kismaayo iyo qodobbo kale.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilay shirka maamul u sameynta Jubbaland ee Kismaayo ka socda
Muqdisho, (WDN)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhaliilay qaabka hadda ay u socoto howsha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo shirka Kismaayo ka socda. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Sandheere) ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Radio Wardheer, waxa uu ku sheegay in sida ay hadda wax u socdaan ee arrimaha Kismaayo...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 07, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay digniinta ay Britain soo saartay, maalinta caafimaadka adduunka oo Muqdisho laga xusay, xaaladda caafimaad ee caruurta Muqdisho ku dhaqan, Guddoomiye Jawaari oo Oslo jooga, Raysal wasaare Saacid iyo wasiirka arrimaha gudaha oo Baarlamaanka looga yeeray...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 06, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Raysal wasaare Saacid, oo si diirran loogu soo dhaweeyay Addis-ababa, Shir ay IGAD ka yeelanayaan maanta arrimaha Soomaaliya, Britain oo ka digtay qaraxyo iyo weeraro argagixisnimo oo ka dhici kara Muqdisho iyo deegaannada u dhow dhow iyo qodobbo...

