Muqdisho, Abril 15, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Khasaarihii ka dhashay weerarkii shalay ee Muqdisho oo sii kordhay, guddiga ammaanka qaranka oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrintaasi iyo qodobbo kale.
Xaflad lagu taageerayo maamulka Jubaland oo ka dhacday magaalada Washington DC
Washington DC. Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu taageerayo maamul goboleedka deggaanada Jubadda Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa ka dhacday magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka habeenkii Sabtida ee bishan April 13, 2013. Waxaa xafladan ka soo qaybgalay dad boqolaal kor u dhaafay oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool...
WAR SAXAAFADEED
WAR SAXAAFADEED Dawladda Puntland waxay si rasmi ah u cambaaraynaysaa weerarkii waxshinimo ee ururka argagixisada Al-shabaab uu maalintii shalay ku qaaday xarunta garsoorka ee Dawladda Federalka Somaliya ee magaalada Muqdisho. Maamulka iyo shacabka Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii dadkii ku geeriyooday weerarkaas waxayna EBBE uga baryayaan inuu...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 14, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Shabaab oo muddo kooban qabsatay xarrunta maxkamadda gobolka Banaadir, dadna ku leysay, Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo dalka dib ugu laabtay, xildhibaannada golaha deegaanka Hargeysa oo doortay guddoomiye iyo qodobbo kale.
Al Shabaab oo weerar ku qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir ee Muqdishu
Muqdishu (WDN) – Ugu yaraan inta hadda la ogaaday waxa dhintay 10 ruux, iyadoo ay dhaawacmeen tiro kale, kadib markii kooxo hubeysan ay weerar qorsheysan ku qaadeen saaka xarrunta maxkamadda gobolka Banaadir, oo dacwad dhageysi ay ka socotey. Kooxdan oo qoryaha fudud iyo walxaha qarxa ku hubeysanaa, ayay dad goob joogayaal ahi u sheegeen WDN...
Ra’iisal Wasaare Saacid oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Axad, 14, Abril, 2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmihii ugu danbeeyey booqashooyin ku marayey dalalka dariska ah, ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ay waftigiisa ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji...
Warmurtiyeed ay si Wadajir ah Uga Soosaareen Magaalada Ankara Dawladda Federaalka Soomaalia iyo Somaliland
Ankara, Abril 13, 2013 (WDN)- Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa heshiis waxwadaqabsi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ka dib wada hadallo, ay soo qaban qaabisay, kana odayanaysay dowladda Turkiga. Wararka WDN ka soo gaaraya Ankara, ayaa sheegaya in kulan muddo saacado ah socday, ay wada yeesheen madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya...
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada oo la kulmay madaxweynaha dalka Burundi
Bujumbura, April 13, 2013——-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, waxayna labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha iskaashiga labada wadan, gaar ahaana amniga, dhaqaalaha iyo horumarka. Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalkii xoojinta xiriirra waddamada dariska ee ay ciiddamada nabad illaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya. Wuxuu si...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 13, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontan waxa ka mid ah; Wada-hadalladii Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland oo furmaya, Ciidamada dowladda oo la wareegay Ufurow, Ciidamada booliska oo xirey dhalin yaro dhaqan xumo ka wadday Liido iyo qodobbo kale.
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 12, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Xuska sanad guuradii 53-aad ee ka soo wareegatay aas’aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay, dalalka G8-ka oo taageeray Soomaaliya iyo qodobbo kale.






