Ciid Al Adxa Al Mubaarak. Bahda Tifatirka iyo qorayaasha WardheerNews, waxay halkan ugu soo gudbinayaan hambalyada munasibadda maalinta barakaysan ee Ciidul Adxa dhammaan ummadda muslimiintu meelkasta oo ay joogaan, gaaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay Eebbe uga baryayaan in uu sannadkan kiisa kale ku gaadhsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo. AAMIIN CIId Mubaarak
Mudug: Rag ku xoolo beelley abaarta oo fursad shaqo ka helay Marsada Hobyo
(ERGO) – Cismaan Maxamed Cilmi ayaa xal u helay labo sano kaddib, maaraynta nolosha qoyskiisa oo 12 ah, markii shaqo baabuur wadis ah uu ka helay dagmada Hobyo ee gobolka Mudug saddexdii bishii Abriil ee sanadkan. Wuxuu ka mid yahay 200 oo rag ah, kuwaas oo abaarta ay xoolo la’aan ay bidday. Waxay ka shaqo billaabeen...
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay khudaar la’aan ay sababtay fatahaadda webiga
(ERGO) – Boqollaal qof oo ka mid ah danyarta ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa wajahaya cunno yari tan iyo horraantii Abriil markii fatahaadda Webiga Shabbeele iyo daadadka togagga ay u istaagtay khudaartii laga keeni jiray magaalada Beledweyne, taas oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Goobahii lagu iibin jiray khudaarta ee suuqyada magaalada ayaa badi xiran. Tiro yar...
Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka
(ERGO) – loogu sheegay inuu ka helayo dhaqaale badan. Ninkan ayaa miis uu ku gadi jiray bagaashka noocyadiisa kala ku duwan ku xaraashay $400 soddonkii Janaayo. Wax aqoon ah uma lahayn waxa uu maal-gelinayo, balse filashadiisa ayaa ahayd inuu ka helayo faa’iido dheeraad ah. Axmed ayaa sheegay inuusan wax shaqo ah hayn xilligan. Waxaa biil...
Ceerigaabo: Dadka qaba baahiyaha aragga iyo dhagaha oo ka cabanaya waxbarasho la’aan
(ERGO) – Boqol iyo konton qof oo naafo ka ah indhaha iyo dhagaha ayaa xaalad waxbarasho la’aan ku wajahaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo uusan ka jirin iskuul si gaar ah wax loogu baro dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Cabdullaahi Cabdi Nuur oo 28 jir ah wuxuu naafo ka yahay indhaha muddo 11 sano...
War-murtiyeed: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
War-murtiyeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo ku qabsoomay magalaadada Muqdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Md Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare xigeenka Md Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha...
Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha
ERGO) – Nolosha qoyska Maxamed Maxamuud Mukhtaar oo ka kooban 12 qof ayaa isbeddeshay markii uu faa’iido ka helay ganacsi isaga iyo 29 dhallinyaro ah ay billaabeen bishii Siteembar ee sanadkii hore. Ninkan oo 40 jir ah ayaa sheegay inay qiimo yar ku soo iibsadaan ariga wayda ah ee la keeno sayladda Baydhabo. Baxnaanin iyo daryeel...
Baydhabo: Dad la soo barakiciyay xilli ay u diyaar garoobayeen tacabka beerahooda
(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo barakac ku tagay magaalada Baydhabo bartamihii bishii Maarso ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari. Waa qoysas faro maran oo naftooda ka la soo baxsaday dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab. Waxay ku biireen xeryo magaalada ku yaala oo kuwii horay u daganaa aysan ku helin...
ERGEYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOOBAY CATRIONA LAING AYAA DHAMAYSATAY WAAJIBAADKEEDA XILEED
Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo. “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed...
Hiiraan: Hoy xumo iyo cunno yari isku biirsaday qoysas guryahoodii laga gubay
(ERGO) – Ruqiyo Cali Mursal iyo qoyskeeda 13 qof ah ayaa maciin bidday deegaanka Hurwaa ee gobolka Hiiraan oo barakac ay ku yihiin muddo saddex toddobaad ah, markii dagaal qabiil looga gubay meherad ganacsi iyo guri ay ku lahayeen deegaanka Eji oo 62 km u jira dagmada Jalalaqsi. Waxay ka mid yihiin 800 oo qoys oo...









