Saturday, May 04, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Hiiraan: Hoy xumo iyo cunno yari isku biirsaday qoysas guryahoodii laga gubay

(ERGO) – Ruqiyo Cali Mursal iyo qoyskeeda 13 qof ah ayaa maciin bidday deegaanka Hurwaa ee gobolka Hiiraan oo barakac ay ku yihiin muddo saddex toddobaad ah, markii dagaal qabiil looga gubay meherad ganacsi iyo guri ay ku lahayeen deegaanka Eji oo 62 km u jira dagmada Jalalaqsi.

Waxay ka mid yihiin 800 oo qoys oo naftooda ka la soo baxsaday colaaddan oo ka billaabatay dhul-beereed labada qabiil ay isku qabsadeen. Waxaa dab-la-qabadsiiyay dhammaan deegaanka, taasi oo keentay in Hoy la’aan iyo cunno xumo ay ku wajahaan dadkan geedaha hoostooda.

Haweenay iyo caruurteedii oo hortaagan Buul ay ka dhisteen dhul ay barakac ku joogaan/Keydka Ergo

Ruqiyo ayaa subax walba u kallahda beeraha ku yaalla deegaanka ay barakaca ku joogto. Dadka iska leh ayay ka codsataa in ay siiyaan raashin iyo khudaar si ay carruurta ugu quudiso.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in labadii maalinba mar ay hesho kiilooyin raashin ah. Waxay caawinaad waydiisataa dadka deegaanka si loogu kariyo, maaddama aysan haysan gabka cunnada.

Xaaladdan waxaa u dheer muddo ku dhow 20 bari oo wax hoy ah aysan helin qoyskeedu.

“Haddeertaan meel bannaan ah ayaan iska joognaa oo wax aan ku haysano aysan lahayn, ilmihiina wax la siiyo aysan lahayn. Hadda oo aan kula hadlayo oo qorraxdu korkeena ay marayso Koob shaax ah oo carruurta loo kariyay oo la siiyay ma jirto, caawana waxaan cunno ma haysanno. Meel wax naga soo galayaan iyo wax naloo keenayo ma jiraan. Dhibkaas baa nahaysta.”

Qoyskeeda waxaa kaliya u fudud helidda biyaha. Waxay ka dhaansadaan webiga oo u dhow halka ay dageen. Waxaa se ku adag nolosha kale. Waxay sheegtay Ruqiyo in xaaladdan ay ku jiraan ay u adkaysan waayeen carruurteeda oo hal sano jir uu u yaryahay.

Ka hor colaadda waxay ku tiirsanaayeen dhaqaale ay ka helayeen dukaan ay ku iibineysay raashin iyo bagaash. Qoyskeedu wuxuu saddexda waqti ee maalintii heli jiray cunno ku filan. hadda se taasi meesha way ka baxday.

Waxay tilmaamtay Ruqiyo in naftooda ay la soo baxsadeen, markii dagaalku billowday xilli subax ah. Uma suurto galin in ay ganacsiga badbaadsadaan, isla markaana ay la soo baxaan agabka lagu jiifto iyo kuwa cunnada lagu karsado.

“Annaga oo guryaheena iska joogna ayay xabbado nagu billowdeen. Wax aan ka baxsannay malahan gurigii. Dukaankii iyo lacagtii wixii oo dhan way naga basbeeleen. $1,500 lacag ah way ku gubatay. Dukaan raashin iyo maacuun waxaan oolin malahayn. Wax iiga badbaaday oo laga bixiyay habayaraatee ma jirto.”

Hantida laga gubay waxaa ku jira guri saddex qol ka kooban. Waxaa ku soo warg-galiyay dad tagay deegaanka, maaddama Ruqiyo ay ka soo barakacday, markii dagaalku billowday.

Waxay ku soo barakaceen gaari ay dayn ku soo raacday. Waxay sheegtay in 8 ka mid ah carruurteeda ay dhiganayeen iskuulka hoose iyo dhexe ee deegaanka, kuwaas oo hadda waxbarasho la’aan ah.

Waxay isbarbar dhigtay noloshii ay ku jireen qoyskeeda, markii deegaankeedu nabadda ahaa iyo hadda oo colaad ay ka jirto.

“Boqolkiiba boqol ma islahan. Baladkayga markii aan joogay dukaankayga ayaan iska dhex fadhiyay. Qof iska nimcaysan oo barwaaqaysan baan ahaa, haddana wax mahaysto. Maradayda wax aan iskaga beddelo ayaan la’ahay. Kabta haddii ay igu go’do mid kale mahaysto.”

Waxaa jira qoysas cagahooda maalay, markii ay waayeen gaadiid qaada, kuwaas oo jidka ku wajahay caqabado. Waxaa ka mid ah Mahado Ciise Cumar oo 28 jir ah iyo carruurteeda oo shan ah.

Saddex maalin oo ay lugaynayeen, kaddib ayay jidka ku umushay wiil 11 bishan Abriil. Waxay la kulantay dhiig bax. Inkastoo hadda xaaladdda ilmaha iyo iyada aysan liidan sida Raadiyow Ergo ay u sheegtay. Waxay dulsaar ku tahay qoys ay ehello yihiin oo deggan tuulada Hurwaa.

“Goob caafimaaf ma arkin. Waddaas baan iskaga dhalay. Ilaahey baa ii saqiray. Dad baa isoo qaaday. Laakiin u muliso ma helin. Dhiig bax waa iska jiray.”

Qoyska ay la joogaan ayaa ka caawiya cunno bisil oo ay helaan labo jeer maalintii. Mahado awood uma yeellan in ay la soo barakacdo gabka jiifka iyo midka cunnada. Waxay sheegtay in aysan fursad u helin, maaddama si kadis ah uu dagaalku u billowday.

Qoyskeeda waxaa il-dhaqaale u ahaa beer hal hiktar ah oo ay ku beeran jirtay raashin u badan galley iyo khudaar. Waxay haystay kayd raashin ah oo shan kiish ah. Wuxuu ku gubtay gurigeeda oo dab la qabadsiiyay sida ay sheegtay.

“Gurigeenna waan iskaga noolayn. Wixii aan helno waan iskaga cunaynay. Laakiin hadda rafaadka naga muuqa nama haysan markaas. Guriga wax laga soo baxday nafta maahane wax kale ma jiraan. Joodariyaal, sariirro, alaabtii maacuunta, badarkii fuustooyinka ku jiray intaasba way gubteen. Guriga anigaa islahaa anigaa dhistay.”

Guriga ka gubtay wuxuu ka koobnaa labo qol iyo dayd, kaas oo ay dhistay toban sano ka hor. Uma qorshaysana Mahado in ay dib ugu laabto deegaankeeda Eji. Waxay xustay in ay ka hortaagan tahay cabsi ay ka qabto colaadda.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa u diray deegaankaas guddi xal u raadiya isku dhaca labada qabiil, kuwaas oo ku guuleystay in xabad joojin la kala dhex-dhigo labada dhinac, hase ahaatee weli kooxihii dagaallamay ayaa is hor fadhiya.

Guddoomiyaha deegaanka Eji Ciise Maxamed Aamin yaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhismayaashii ku yaallay deegaanka intabadan in uu dabku baabi’iyay. Wuxuu walaac ka muujiyay sida dadka deegaanka ay uga soo kaban doonaan xaaladdan.

“Toddobo boqol oo qoys in kabadan guryahoodii kuma yaqaaniin (waa la gubay). Maalintii dadku ka soo baxeen galabteedii kale ayaa guryaha la gubay. Wax Allaale iyo wixii goofkaas ku jiray way baabe’een.”

Wuxuu sheegay in qoysaskii ku noolaa tuulada ay u baxsadeen dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka, halkaas oo ku wajahayaan xaalad adag oo dhinaca nolosha ah. Wuxuu xusay in ay u baahan yihiin gurmad cunno iyo mid hoy xilli gobolka Hiiraan uu ka billowday roobka Gu’ga.

Qaybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya waxaa sanadihii u danbeeyay waxaa ku batay deegaannada la gubay, taasi oo dhaxalsiisay dadka ku noolaa in ay ka soo kaban waayaan hanti la’aanta dabku sababay.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.