(ERGO) – Boqol iyo konton qoys oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo beeraley ay colaad ka soo barakicisay tuulada Quracley ayaa ka cabanaya biyo yari iyo cunno xumo. Waxay ku wajahayaan xerada Shareeco oo ku taalla magaalada Baladwayne, halkaas oo ay ku biireen labadii bile e u danbeeyay. Dadkaas waxaa ka mid ah Axmed Saciid Axmed oo...
Ciid Mubaarak: Ciidul Fitri
Bahda Tifaftirka WardheerNews waxay ugu hambalyanayaan munaasibadda Ciidul Fitri dhammaan muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay Ilaahay uga baryayaan in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii kale ee ay gudanayeen bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan Eebbe ka baryaynaa in uu ciiddan ciiddeeeda kale inagu gaadhsiiyo Khayr, Nabad iyo Barwaaqo. Ciid Wanaagsan Bahda WardheerNews
Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto
(ERGO) – Siddeed iyo toban kun qoys oo beeraley ah oo 3,000 oo ka mid ay ku biireen xeryo ku yaalla Luuq ayaa ka cabanaya xaalad cunno yari iyo hoy xumo. Waxay ka dhaxleen fatahaad uu sameeyay webiga Jubba bishii Nofeember ee sanadkii hore. Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Maxamed Cabdi Yuusuf oo 6 ah....
Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah
(ERGO) – Maxamuud Barow Xasan wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa u helo cunno saddexda waqti ah. Wuxuu sheegay inay u suuragalisay, markii bishii Diseemmber ee sannadkii 2023 uu shaqo ka helay shirkad kireysa mootooyinka oo ku taalla magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in maalintii uu ka helo shaqadaan lacag u dhaxeysa $15-$20 oo faa’iido ah marka...
Baydhabo: Dad qasab looga raray xeryo barakac oo wajahaya hoy la’aan iyo cunno xumo
(ERGO) – Hoy xumo iyo cunno yari ayaa iskugu darsamay 114 qoys oo 21 bishii Feberaayo qasab looga saaray xerada Moora Hagar ee magaalada Baydhabo. Nin deegaan ah oo dhulka leh, markii horana u ogolaaday ayaa u sheegay inuu u baahan yahay, ayna uga guuraan muddo asbuuc ah. Qoysaskan waxaa badi u dhisan aqallo kale oo...
Dowladda Maraykanka oo xayiraad ku soo rogtay shabakad xiriir dhaqaale iyo maalgelin la laheyd Al Shabaab
Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Isniintii 4-tii bisha Maarso , 2024, cunaqabateyn ku soo rogtay shabakad caalami ah oo xidhiidh dhaqaale iyo lacag-dhaqid la leh kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Cunaqabateyntan ayaa lagu soo rogay 16 hay’adood iyo shaqsiyaad degan ama ku kala faafsan Geeska Afrika, (Kenya, Soomaaliya), Imaaraadka Carabta...
Barnaamij Lagu Daahfurayay Telefishinka Carruurta ee Barbaar TV oo Lagu qabtay Bariga London
London (WDN), Waxaa maalintii sabtida ee bishan Febraayo ahayd 10ka ka qabsoomay Aqalka Oxford (Oxford House) ee bariga magaalada London xaflad lagu daahfurayay barnaamij carrurredka Barbaar TV oo ah onlie App TV-gii ugu horreeyay oo carruurta Soomaaliyeed loogu talagalay. Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayna ka soo qayb galeen...
Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi
Maxamed Maxamuud Aadan qoyskiisa waxaa ku adag in hal waqti maalinkii dabka ay shitaan. Dawarsi ayuu nolosha ka reerka ka maareeyaa. Dadka ayaa ku caawiya raashiin bisil iyo mid ceyriin hadba waxay u awoodaan. Wuxuu tilmaamay in waligiis uusan dawarsan oo uu ku filnaa maareynta nolosha qoyska. Reer kiisa ayaa ka mid ah saddex kun...
Mudug: Qoysas danyar ah oo ku guryo beellay qarax la la eegtay madaxda Galmudug
(ERGO) – Cabdi Maxamed Xasan oo aabbe u ah lix carruur ah ayaa hoy la’aan ku wajahaya deegaanka Laasgacamey ee gobolka Mudug, markii qarax ka dhacay uu burburiyey gurigiisa oo ka koobnaa labo qof iyo dayd bishii Sebteembar ee sanadkii hore. Carruurta Cabdi waxaa gabaad u ah bacda roobka oo ay dulsaarteen geed qurac ah oo...
Hargaysa: Takoorka ay la kulmaan dadka la nool HIV AIDS oo nolol xumo bidday
(ERGO) – Dadka qaba cudurka HIV/AIDS ee ku nool Somaliland ayaa wajahaya takoor saameeyay waxbarashada carruurtooda, shaqadooda iyo hoyga. Qoysaskan oo danyar u badan ayaa xaaladahan ay dhaxal siiyeen cunno yari iyo in maareynta noloshu ay ku adkaato. Aamina oo magaceeda saxda ah aan qarinay waxaa faquuq dartiis waxbarashada uga haray afar carruur ah. Maamulka machad...









