Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Barnaamij Lagu Daahfurayay Telefishinka Carruurta ee Barbaar TV oo Lagu qabtay Bariga London

London (WDN), Waxaa maalintii sabtida ee bishan Febraayo ahayd 10ka ka qabsoomay Aqalka Oxford (Oxford House) ee bariga magaalada London xaflad lagu daahfurayay barnaamij carrurredka Barbaar TV oo ah onlie App TV-gii ugu horreeyay oo carruurta Soomaaliyeed loogu talagalay.

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayna ka soo qayb galeen carruur iyo waalidiin tiro badan ayaa waxaa barnaamijka furtay Ayaan Cashuur oo iyadu martigelisay barnaamijka. Ka dib waxaa warbixin ku saabsan Barbaar TV goobta ka soo jeedisay Macallimad Saynab Aadan Jaamac oo ka mid ah maamulaha Barbaar TV isla markaana ah aasaasaha Galool Somali.

Waxa marti sharaftii goobta ku sugnaa loo soo bandhigay oo ay goobta ku daawadeen qaybo ka mid ah barnaamijyada ay baahiso Barbaar TV iyadoo ay carruurtii iyo waalidiintii goobta ku joogay ay aad ugu riyaaqeen barnaamijyada carruurta ee Barbaar TV.

Haddaba Barbaar TV oo ay ubadka Soomaaliyeed waxyaabo badan ka faa’idaysan karaan haddii aad danaynayso waxaad kala soo degi kartaa internetka.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.