
London (WDN), Waxaa maalintii sabtida ee bishan Febraayo ahayd 10ka ka qabsoomay Aqalka Oxford (Oxford House) ee bariga magaalada London xaflad lagu daahfurayay barnaamij carrurredka Barbaar TV oo ah onlie App TV-gii ugu horreeyay oo carruurta Soomaaliyeed loogu talagalay.
Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayna ka soo qayb galeen carruur iyo waalidiin tiro badan ayaa waxaa barnaamijka furtay Ayaan Cashuur oo iyadu martigelisay barnaamijka. Ka dib waxaa warbixin ku saabsan Barbaar TV goobta ka soo jeedisay Macallimad Saynab Aadan Jaamac oo ka mid ah maamulaha Barbaar TV isla markaana ah aasaasaha Galool Somali.
Waxa marti sharaftii goobta ku sugnaa loo soo bandhigay oo ay goobta ku daawadeen qaybo ka mid ah barnaamijyada ay baahiso Barbaar TV iyadoo ay carruurtii iyo waalidiintii goobta ku joogay ay aad ugu riyaaqeen barnaamijyada carruurta ee Barbaar TV.
Haddaba Barbaar TV oo ay ubadka Soomaaliyeed waxyaabo badan ka faa’idaysan karaan haddii aad danaynayso waxaad kala soo degi kartaa internetka.
WardheerNews
