Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baydhabo: Dad qasab looga raray xeryo barakac oo wajahaya hoy la’aan iyo cunno xumo

Aadan Maxamed Nuur iyo qoyskiisa oo hoos fadhiya geed ay gabaad ka dhigtaan/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

(ERGO) – Hoy xumo iyo cunno yari ayaa iskugu darsamay 114 qoys oo 21 bishii Feberaayo qasab looga saaray xerada Moora Hagar ee magaalada Baydhabo. Nin deegaan ah oo dhulka leh, markii horana u ogolaaday ayaa u sheegay inuu u baahan yahay, ayna uga guuraan muddo asbuuc ah. Qoysaskan waxaa badi u dhisan aqallo kale oo ay deggaan.

Waxaa hoy u ahaa cooshado ka sameysnaa kartoomo, maryo duug ah iyo geedo leysku xiray. Waxay xuseen in goobta ay uga guureen badi, maadaama haddii la furfuro aan dib loo isticmaali karin.

Cali Ibraahim Daa’uud oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in muddo labo asbuuc ah qoyskiisu ay dulsaar ku yihiin reer kale oo deggan xerada Dawle. Waxay la wadaagaan labo aqal oo cooshad ah.

“Carruurta haddii aad aragto waxaad umaleyneysaa qof jiro aad ugu daahdey, taas waxaa sababtay dhibaatadan oo wax ay cunaan aan lahayn, si aan yeelno malahan, marka noloshooda waa sidaas ilaah amrakiisa ayaa jira, markoo wax waa la helaa, markna wax waa la waynaa. Noloshaan maaro waan u waayay, gacanteyda waxba kuma jiraan oo duruufta ayaa iga tan badisay.”

Wuxuu tilmaamay in hoyga oo aan ku filneyn darteed ay carruurta oo kaliya seexdaan aqalka, isaga iyo xaaskuna ay bannaanka ku hoydaan habeenkii, maalinkiina geedaha harsadaan.

Cali ayaa sheegay in hoy xumada ay u dheertahay cunno yari. Reerka ay dulsaarka ku yihiin oo ka kooban sagaal qof ayuu tilmaamay inaysan u awoodin in cuntada ay ka caawiyaan.

Cali ayaa tilmaamay in barakicintu ka mashquulisay shaqo dhagaxa dhismaha guryaha ah oo $4 uu ka heli jiray maalinka uu shaqeeyo.

Noloshooda ayuu xusay inay fiicneyd oo ay labo waqti wax karsan jireen markay shaqeyn jireen isaga iyo xaaskiisa. Shaqadiisa ayuu tilmaamay inay aheyd mid ugu badnaan 10 jeer uu bishii heli jiray, taas oo u baahan raadis joogto ah.

Xaaskiisa ayaa u dhaqdhaqaaqda qoyska, taas oo ka shaqaysa qoryo guridda. Lacag kooban oo ay ka hesho ayay dabka ku shitaan.

“Xaaskeyga shaqada qoryo gurista waxay ku maqnaaneysaa subixii aroorta illaa lix saac oo duhurkii ah ayey ka imaaneysaa. Maalin way soo gureysaa, maalinka xigana way soo gadeysaa. Meeshana waa meel fog, danta ayaa ku qasbeysa.”

Cali oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa xusay in xerada laga saaray oo uu dagay sanadkii 2021 aan kiro laga qaadi jirin, balse aysan laheyn adeegyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Cali oo dhibane u ah dammaanad la’aan dhul wuxuu ka warwarayaa in mar kale la barakiciyo isagoo aan halkan ku nagaan.

“Marka tabar darro ku hayso oo ninkii lahaa meesha aad deggan tahay ku dhaho iga guur ama dabaa kuga daaraa way dhib badan tahay. Hadda taas oo kale inay halkan iiga dhacdo waa macquul.”

Cali ayaa tilmaamay in afar sano oo uu Baydhabo joogo ay dhaqaale yaridu ka hor istaagtay in carruurtiisa uu waxbarasho geeyo. Ninkan oo 42 jir ah ayaa ka soo barakacay deegaanka Kooni oo Baydhabo ujira 40km. Halkaas wuxuu ku dhaqanayay ari 190 ah, balse abaar ayuu uga la’day sanadadii 2020 iyo 2021.

Wuxuu intaas ku daray in roob yari jirtay sanadadaas uu tacban waayay beer afar hektar ah oo uu leeyahay. Xaaladahaas waxay ku dhaliyeen in magaalada Baydhabo uu soo maciin bido, balse wali xal uma helin maareynta nolosha aasaasiga ah ee qoyskiisa.

Qoysaska la barakiciyay waxy intooda badan degeen xerada Dawle oo u dhoweyd, taas oo ay ku noolaayeen labo boqol oo qoys.

Adan Maxamed Nuur oo halkan ku nool tan iyo 21 Feberaayo wuxuu sheegay in qoyskiisu cunno yari ka dhaxleen barakicinta, markii uu ka xirmay dugsi Qur’aan ay dhiganayeen 61 arday oo ay la guureen qoysaskoodu. Waxaa bishii ka soo gali jiray sagaashan illaa boqol Doollar.

Qoyskiisa ayaa hadda hal waqti dabka ku shita raashiin uu deyn ku soo qaatay. Wuxuu tilmaamay in raashiinka hadda u yaalla uusan toban beri gaarsiin karin.

Wuxuu intaas ku daray inay ku adag tahay in deyn kale uu soo qaato isagoo aan bixin tii hore oo ah bur, bariis iyo sonkor 75 kiilo ah oo iidaanka lagu cuno uu soo shaxaado.

“Cuntada waxa lagu cunayo waxaan ku helaa qof allaale qofkii wax i dhaama oo aan garanayo oo macriifo nahay ayaan leeyahay $1 ii soo tuur.”

Biyaha ayuu tilmaamay inay ka soo dhaansadaan ceel gaar loo lee yahay oo xerada u dhow. Jiirkaanka l20 liiter ah ayuu sheegay in laga siiyo kun Shillinka Soomaaliga ah.

Wuxuu tilmaantay in iibsiga biyaha oo ku adag darteed ay maalinkii gataan 2 jiirkaan oo ay u isticmaalaan cabitaan iyo inay cuntada ku karsadaan.

Aadan oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa intaas ku daray in qoyskiisu aysan haysan hoy oo ay maalinkii harsadaan geed ay sidoo kale dugsadaan xiiliga habeenkii.

Wuxuu sheegay in labo aqal oo ahaa cooshado uga dhisnaa xerada laga saaray ay ka soo qaateen oo kaliya alaabtii cuntada, gogoshii iyo dharkooda, markii waxa kale ay noqdeen kuwo aan dib loo isticmaali karin haddii la raro.

“Ciyaalaka meel dhaxan ah ayaan ka haya, meelna cuna xumo ayaa ka haysa, meel gogol xumo ayaa ka haysa. Buush in la dhiso way dhib badan tahay, shan beri iyo lix beri kuma filna.”

Aadan oo 47 jir ah ayaa xerada laga saaray degay sanadkii 2020, markaas oo uu ka soo barakacay deegaanka Sarmaan ee gobolka Bakool. Wuxuu sheegay in noloshoodu ku tiirsaneyd beer afar hektar ah oo digir iyo galey uu ku beeran jiray. Roob yari darteed ayuu sheegay in tacabku uga istaagay.

Qoysaska soo barakaca ayaa inta badan dega dhul bannaan oo gaar loo leeyahay, maadaama dowladdu aysan u diyaarin nidaam dib u dajin ah.

Dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa u badan xoolo dhaqato iyo beeraley ay saameeyeen abaaro, daaddad, fatahaado iyo dagaalo sokeeye. Qoysaskan ma helaan nolol wanaagsan, Inta badana dib uguma noqdaan deegaanadii ay ka soo barakaceen.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.