Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Kaydka Ergo/sawir hore

(ERGO) – Maxamuud Barow Xasan wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa u helo cunno saddexda waqti ah. Wuxuu sheegay inay u suuragalisay, markii bishii Diseemmber ee sannadkii 2023 uu shaqo ka helay shirkad kireysa mootooyinka oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in maalintii uu ka helo shaqadaan lacag u dhaxeysa $15-$20 oo faa’iido ah marka uu iska bixiyo lacagta kirada oo ah $7.

Qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa 7 qof ah ayuu sheegay Maxamuud inuusan walwal ka qabin inuu u waayo cunnadooda iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

“Farxad iyo rayn-rayn ayaan dareemayaa, taas waxay ku tusineysaa inaan hadda ahay shaqsi isku kalsoon, markaasna waalidkiisa iyo xaaskiisa maareysan karo. Wixii qarash ah oo ay u baahan yihiinna u soo dirsan kara.”

Maxamuud oo 25 sano jir ah ayaa xusay inuu ka baxay shaqo la’aan haysay muddo shan bil ah. Nolosha qoyskiisa ayuu markii hore ka maareyn jiray mooto bajaajta uu kiraysan jiray. Wuxuu wuxuu sheegay inuu iska joojiyay, markii sanadkii hore loo beddelay A iyo B uu ka soo saari waayay kiradii laga rabay maalin dhaafka iyo masruufka qoyska.

Maxamuud ayaa tilmaamay in muddadii uu shaqo la’aanta ahaa uu qoyskiisu wajahayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu sheegay inay ku tiirsanaayeen $100 oo uu u soo diri jiray adeerkiis oo ku nool dalka Sweden.

“Mootadii lacagtii aan qoyska ka maareyn jiray way soo saari weysay mid cidda dhan anfacda wey noqon weysay, taasi waxay keentay inaa ka guurno gurigii aan Kaaraan ka daganayn.”

Maxamuud ayaa sheegay in xaaladda adag ee shaqo la’aantu ay keentay in saddex walaalihiis ah iskuulka laga saaro bishii Oktoobar, markii uu bixin waayay lacagta iskuulka ee billaha ah.

Shaqadan uu billaabay ayaa u horseedday inuu bishan Feberaayo ku celiyo iskuulka. Walaalihiis oo dhigta fasallada 4 iyo 5 ee iskuulka Kaaraan ayuu isku-darkooda bishii ka bixiyaa $21.

Fursadda Fekon waxay fursad shaqo u noqotay 950 dhallinyaro ah oo isugu jiray kuwo shaqo la’aan ahaa iyo dad ku shaqo waayay nidaamka A & B ee mooto bajaajta loo beddelay.

Mootadaan waxay dadka ku sugan xaafadaha Muqdisho u sahashay in iyaga oo jooga guryahooda loo keeno adeegyada ay ka dalbadaan maqaayadaha iyo dukaamada ganacsiga ee magaalada.

Qoyska Maxamuud tan iyo markii uu geeriyooday aabhiiis 9 sano ka hor waxaa reerka hormuud u ahaa hooyadiis oo ka shaqayn jirtay nadaafadda xafiisyada Xamar weyne oo bishii ay ka heli jirtay $80. Laakiin saddexdii sano ee la soo dhaafay markii Maxamuud uu dhammeeyay iskuulka ayuu kaalintaas la wareegay si uu qoyska ugu shaqeeya

Qaar ka mid ah dhallinyarada helay fursaddaan shaqo waxay ka soo jeedaan qoysas barakac ku ah xeryaha degmada Hodan ee Sigaale, kuwaas oo nolol maalmeedka qoyskooda ka soo saari jiray bajaajta, balse markii ay shaqooyinka ku xumaadeen u diga-rogtay ka shaqaynta mootada Fekon.

Axmed Cabdirisaaq Maxamed oo 28 sano jir ah wuxuu ku filnaaday masruufka hooyadiis iyo afar walaalihiis ah, kuwaas oo ku tiirsan lacagta uu ka soo shaqeeyo mootadada.

Shaqadan ayuu sheegay inuu maalintii ka helo $10-20 oo faa’iido ah.Wuxuu tilmaamay inay helitaanka lacagtaan awood u siisay in qoyskiisa ay ka baxaan hubanti la’aan cunno oo ay wajahayeen lix bil oo uu shaqo la’aan ahaa.

Wuxuu xusay in isbeddel ku yimid noloshooda markii uu shaqada billaabay dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2023.

“Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay in aan maalinkaas waxba la cunin. Hadda ugu yaraan laba waqti iyo Saddex waqti ayaan ugu yaraan cunnaa.”

Axmed ayaa tilmaamay in hooyadiis ay si aan joogto ahayn uga shaqayan jirtay lows-iibinta iyo dhar-dhiqsta, balse hadda ay joojisay shaqooyinkaas, maaddaama uu isaga ku filan yahay nolosha qoyska.

Wuxuu ku rejo weyn yahay inuu kordhiyo dedaalkiisa shaqada, si uu qoyskiisa uga raro xerada barakaca ee ay ku nool yihiin.

“Waxaan ku biiray Shirkad kireysa mootooyinka oo shaqo soo bandhigtay, markii aan u tagay imtixaan ayay iga qaadeen oo ah in aan mootada wadi aqaano, kaddibna shaqada way I siiyeen. Hadda siddaasi ayaan ku shaqeeyaa. Waxaan ka helay lacag aan ku maareyn karo nolol maalmeedka, waxna ka dhigan karo.”

Qoyska Axmed waxay sannadkii 2019 ka soo barakaceen duleedka magaalada Jowhar, markii ay saameysay fatahaad uu wabiga Shabeelle u geystay beer afar hiktar ah oo ay lahaayeen qoyskiisa, taas oo ay ku tiirsanaayeen wax soo-saarkeeda.

Isticmaalka mootada Fekonka ee degmooyinka Muqdisho ayaa aad u kordhay billihii la soo dhaafay. Dhalinyaradaan ayaa qaadda dadka, alaabaha sida cunnooyinka maqaayadaha laga dalbado, hamaanka gaaska iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay.

Shirkaddaha bixiya adeegyada badankood waxay ka diwaangashan yihiin Online-ka. Madaxa Shirkadda Aamin Motors Axmed Yuusuf Mulaah oo ku taalla Isgoyska KM4 ayaa sheegay  in dhalinyaradaan ay shaqaaleysiiyeen ay yihiin kuwa da’doodu ka hooseyso 25 sano, islamarkaana badankood ay ka soo jeedaan qoysas danyar iyo barakac isugu jira.

“Muhiimadeenna waa qofka in uu mootada ka xayn karo oo uu ka soo bixi karo masuuliyad loo diro. Qofka waa in uu shaqeyn karaa haddii uu shaqeyn karo waan kaa qaadaneynaa. Ma jirto wax shuruud ah iyo wax dhibaato ah.”

Isticmaalka teknoologiyada iyo ganacsiyada cusub ayaa kaalin ka qaatay sanadihii dambe shaqaaleysiinta dhallinyarada oo il dhaqaale u noqotay qoysaskooda danta yar.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.