(ERGO) – Qoyska Jowhara Cabdi Aadan oo sagaal qof ah waxaa ku adag in ay helaan raashin iyo biyo ku filan. Waxaa saameeyay hakad ku yimid shaqo dhar-dhaqis iyo gurista xaabada ahayd oo ay u aadi jirtay magaalada Baydhabo. Shaqadaas oo ay ka maarayn jirtay noloshooda ayay qaban waysay, markii dhaawac uu ka soo gaaray ganacta...
Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo
(ERGO) – Boqol, konton iyo siddeed qoys oo dib-u-dajin loogu sameeyay deegaanka Luglow, markii laga raray xero ku taalla Kismaayo ayaa wajahaya xaalad nolol-xumo. Waxaa u sabab ah shaqo la’aan ku haysa halka la dajiyay. Waxay u badan yihiin xoogsato ka xamaallan jiray magaalada Kismaayo. Waalidiinta qaarkood ayaa door-biday in ay ka dhaxaan carruurtooda si ay...
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo dhaqaale iyo xirfad ka helay beero ay ka shaqeeyan
(ERGO) – Shaqada beer-falidda ayaa fursad soo kabasha u noqotay qoysaska 150 rag ah, kuwaas oo ku xoolo-beellay abaarta. Howshan oo ay ka qabtaan beero ku yaalla deegaanka Baxdo-gaabo ee gobolka Mudug waxay ka caawisay helidda cunnada iyo arrad-tirka carruurtooda. Guhaad Yuusuf Axmed oo 38 jir ah wuxuu maalintii 9 saac oo ka mid ah waqtigiisa...
Weerar Al Shabaab ay ku qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho oo keenay dhimasho iyo dhaawac laxaad leh
Muqdisho (WDN)- Weerar xoogan oo ay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ku qaaday Hoteel Beach View, oo ku yaala xeebta Liido ee magalaalada Muqdisho, kaasi oo keenay dhimasho iyo dhaawac laxaad leh. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaalda Muqdisho afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadam Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarka Al Shabaab xalay...
War-saxafadeed Maakhir: Guddiga kumeel-gaaadhka Siyaasadda
War-saxafadeed degdeg ah: Waxaa caddaatay in ay Dawlad-Goboleedda Puntland bixisay oggolaansho aan la shaacin, kaasoo ku saabsan baadhista iyo qodashada macdanta kala duwan ee Rabbigeen ku mannaystay degaanka Maakhir. Shirkadda oggolaanshaha la siiyey ee lagu magacaabo Euro Mark Group for Development Company LLC1 waa mid qarsoon oo aan haybteeda la oqoon. Intaa waxaa raaca iyadoo...
Asaasihii Shabakada Hiiraan Online Axmed Guure oo ku geeriyooday Ottawa
Toronto (WDN) –Bahda WardheerNews waxay tacsi u diraysaa qoyski iyo dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed geeridi naxdinta laheyd ee ku timid asaasihii mareegta Hiiraan Online Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ku geeriyooday bishan July 29 magaalada Ottawa ee dalka Canada. Axmed Guure, ayaa ka mid ahaa hawl-wadeenadii (duuliye- pilot) shirkadii Diyaaraddaha ee Soomaaliyeed (Somali Airlines). Guure ayaa...
Baydhabo: Dad naafo ah oo noloshooda ay saameysay barakicin lagu sameeyay
Boqol qoys oo naafo iyo danyar iskugu jira ayaa wajahaya cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo. Xaaladan ayay ku sugan yihiin tan iyo bishii Maarso, markaas oo ay dageen xerada Al-aamin ee duleedka Baydhabo. Halkan oo aan laheyn adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada ayay maciin bideen, markii dad dhulka lahaa ay qasab uga saareen...
Kulan lagaga hadley hub si sharci daro ah ku soo galay Soomaaliya
Muqdisho (WDN)- Kulan uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya, oo uu gudoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagaga hadley hub si sharci daro ah lagu soo galiyey dalak, gaar ahaan deegano ka tirsan magaalada Caaabud-Waaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Hubkaasi oo ka yimid Itoobiaya, ayaa gacanta u galay shacbiga deegaankaasi Caabud-Waaq. War saxafadeedka ayaa u...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tagay dalka Eritrea
Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tagey magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Lama sheegin sababta ka dambeysa booqashadan uu Madaxweyne Xasan ku tagey Eritrea, iyada oo ay tan iyo intii uu madaxtinimada dalka qabsaday May 2022, uu safaro badan ku tagey Eritrea, kuwaas oo la xidhiidhay dhinaca amniga iyo tababarada...
Xujeydii Soomaaliyeed oo ku xaniban Maka: Musuq iyo maamul xumo hadheeyay gudashada Xajka
Maka Al Mukarama (WDN). Gudashada Xajka oo ka mid ah tiirarka Diinta Islaamka, ayaa waxa dalka Sacuudigu uu sanad kasta marti geliyaa dad gaadhaya 3-4 milyan oo matalaya 200 oo wadan, si ay u gutaan Xajka 8-12-ka bisha Dul Xija ee Taariikdha Islaamka, Hijriya. Shacbiga Soomaaliyeed oo ka mid ah caalamka Islaamka oo dad tiro...









