Category: Warar

Home » Warar » Page 12
Jubbaland oo jawaab ka bixisay go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho
Post

Jubbaland oo jawaab ka bixisay go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

Kismayo (WDN)- Warsaxafadeed ka soo baxay Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews, ayaa Dowlad Gobolleedka Jubaland ku tilmaantay Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho 20-30 Oktober, 2024 in uu baalmarsayahay heshiisyadii horey loo gaadhay iyo dastuurka dalka. Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo horey u...

Post

Muqdisho: Daraasad lagu oggaaday in 6000 oo carruur ah ay waxbarasho la’aan wajahayaan

(ERGO) – Lix kun oo carruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar isugu jira oo ku nool degmooyinka Kaxda, Dayniile iyo Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa waxbarasho la’aan wajahaya sida lagu sheegay xog aruurin ay sameeyeen ururka macalimiinta BAR. Daraasada ayaa muujisay in sababta ugu weyn ee carruurtan ay wax u baran la’yihiin...

Post

Sanaag: Qoysas uu biyo yari bidday daanyeer duulaan ah markii uu duugay ceelal gacmeedyo

(ERGO) – Ku dhawaad 2000 oo qoys oo ku nool deegaannada Jiicanyo iyo Hayaamooge oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa wajaya biyo yari, markii ceelal gacmeedyo ay ku tiirsanaayeen uu duugay daanyeer raxan-raxan u socda, kaas oo ka soo duulay dooxooyinka ku teedsan tuulooyinkan. Dhibaatadan waxay haystaa tan iyo bishii Ogosto ee sanadkan. Qoysaska qaar ayaa...

Madaxweyne Xasan oo magacaabay la tilayayaal
Post

Madaxweyne Xasan oo magacaabay la tilayayaal

Muqdisho (WDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare, oo lagu badaley latiliyaal hore, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweyne Xasan ee dowaladda federaalka la rabo in xilla laga siiyo  mucaarad Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Md Siciid Cabdullhai Deni. Madaxweyne Xasan ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac...

Muqdisho: Nin la nool Albiinada oo noloshiisu ay isbeddeshay markii aan baahinay sheekadiisa
Post

Muqdisho: Nin la nool Albiinada oo noloshiisu ay isbeddeshay markii aan baahinay sheekadiisa

(ERGO) – Cilmi Bile Maxamed oo ah 26 jir la nool xannuunka Albiinada, noloshiisu way ka fiican tahay sida ay ahayd sanad ka hor. Wuxuu shaqo joogto ah ka helay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka. Ninkan oo nolosha ka rajo dhigay ayay Raadiyow Ergo baahisay sheekadiisa 31 bishii May 2023. Tani waxay sahashay in bishii Juun ee...

Mudug: Bacaad dhibaato ku haya qoysas ka barakacay colaad qabiil
Post

Mudug: Bacaad dhibaato ku haya qoysas ka barakacay colaad qabiil

Qoyska Maxamed Cabdiraxmaan Cismaan oo 9 ah waxaa isku biirsaday biyo yari, cunno xumo iyo bacaadka guurguura oo dhibaato ku haya hoygooda oo aqal-soomaali ah. Waxay ku cusub yihiin deegaanka Dhinowda oo barakac ay ku tageen saddex toddobaad ka hor. Waxay ka mid yihiin 300 oo qoys oo billowgii bishan Ogosto ka soo barakacay dagaal...