War-saxafadeed Maakhir: Guddiga kumeel-gaaadhka Siyaasadda

War-saxafadeed degdeg ah:

Waxaa caddaatay in ay Dawlad-Goboleedda Puntland bixisay oggolaansho aan la shaacin, kaasoo ku saabsan baadhista iyo qodashada macdanta kala duwan ee Rabbigeen ku mannaystay degaanka Maakhir. Shirkadda oggolaanshaha la siiyey ee lagu magacaabo Euro Mark Group for Development Company LLC1 waa mid qarsoon oo aan haybteeda la oqoon. Intaa waxaa raaca iyadoo ay jiraan warar laysla dhexmarayo oo dadweynaha ku abuuray shaki badan, werwer, iyo cabsi ay ka qabaan hawlo aan lagala tashan oo degaannadooda lala maaggan yahay.

Sida la wada ogyahay, ma jiro wax heshiisa oo ay beelaha ku bahoobey dhisitaanka Puntland ka yeesheen munaafacaadsiga khayraadka badda iyo berriga; mana jiro heshiis ay Dawlad-Goboleedyada ka jira Soomaaliya iyo Dawladda Feedaraalku ka yeesheen qaybsiga khayraadka. Sidaa darteed, tallaabadaa ay Dawlad-Goboleedda Puntland iskeed ugu dhaqaaqday waa mid aan sharciyad ku dhisnayn, rabitaanka dadka degaankana aan ku iman.

Sidaa darteed, Guddiga Siyaasadda ee Kumeelgaadhka ah ee Maakhir ee Ameerika iyo Kanada waxay farayaan dadweynaha Maakhir in, iyadoo aanay u kala hadhin qaybaha bulshada ee kala duwani, ay u heellanaadaan ilaalinta khayraadka degaannadooda, kana feejignaadaan qorshe iyo tallaabo kasta oo lala damacsanyahay gurashada macdanta iyadoo aan lagala tashan, si daah furanna loo soo bandhigin. Guddiga Siyaasaddu waxay kaloo dadweynaha farayaan in la soo ururiyo xogaha dahsoon ee la xidhiidha baadhista iyo qodashada macdanta, iyo inaanay marnba gacan siin, la shaqayn, lana shuraakoobin kooxaha uu damacu kala weynyahay xidhiidh wanaagga iyo iskaashiga ka dhexeeya dadyowga walaalaha ah.

Dadweynaha iyo degaannada Maakhir waxaa dul hoganaya kuna gedaaman xaalado cakiran oo u baahan midnimo iyo iskaashi aan hadda muuqan. Waxay Guddiga Siyaasaddu ku boorrinayaan hoggaamiya dhaqameedka, culimada, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Maakhir, oo rag iyo haweenba leh, in laysugu yimaaddo shirweyne ay beeshu daneheeda masiiriga ah kaga tashato. Waxaa hoggaamiye dhaqaameedyada la gudboon inay kaalinta ay leeyihiin buuxiyaan, waajibaadka taariikhiga ah ee dadkooda iyo dhulkooda ka saaranna gutaan. Shacabkana dhinaciisa waxaa la gudboon inay abaabul hor leh bilaabaan oo danta guud u soo wada jeestaan, madaxdoodana ka dalbadaan inay hurdada iyo isdhigashada ka kacaan oo dadkooda hoggaamiyaan.

Ugu dambayn, waxay Guddiga Siyaasaddu ballan qaadayaan inay daba geleyaan qorshe kasta oo dahsoon oo degaanka Maakhir lala damacsan yahay, waxayna soo dhoweynayaan lana shaqaynayaan cid Allaale iyo ciddii ka talinaysa isuna xilqaamaysa midnimada iyo wada tashiga dadweynaha Maakhir.

Mahadsanidin

Fadlan la xiriir wixii su’aallo ah Guddiga Kumeelgaaarka Siyaasadda Maakhir | MPAC. Email:
Contact@Maakhirunitedcouncil.org | Phone: (612) 326-1943

Guddiga Kumeelgaaarka Siyaasadda Maakhir (Makhir Political Action Committee )