Toronto (WDN) –Bahda WardheerNews waxay tacsi u diraysaa qoyski iyo dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed geeridi naxdinta laheyd ee ku timid asaasihii mareegta Hiiraan Online Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ku geeriyooday bishan July 29 magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Axmed Guure, ayaa ka mid ahaa hawl-wadeenadii (duuliye- pilot) shirkadii Diyaaraddaha ee Soomaaliyeed (Somali Airlines). Guure ayaa kagadaal burbrukii Soomaaliya hormuud u ahaa soo nooleynta saxaafada Soomaliyeed, isaga oo asaasasy shabakada Hiiraan Online sanadkii 1999.
Dhamaan bahda WardheerNews, waxa ay Eebe uga baryaysaa marxuum Axmed Xaaji Cilmi Guure in uu ka waraabiyo janada, qoyska, qaraabada iyo dhamaan saxaafada Soomaaloyeed Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin.
WardheerNews