Saturday, June 15, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka

(ERGO) –  loogu sheegay inuu ka helayo dhaqaale badan.

Ninkan ayaa miis uu ku gadi jiray bagaashka noocyadiisa kala ku duwan ku xaraashay $400 soddonkii Janaayo. Wax aqoon ah uma lahayn waxa uu maal-gelinayo, balse filashadiisa ayaa ahayd inuu ka helayo faa’iido dheeraad ah.

Qof taleefan isticmaalaya/Leyla Ugbaad/Ergo

Axmed ayaa sheegay inuusan wax shaqo ah hayn xilligan. Waxaa biil ka sugaya xaaskiisa, saddex gabdhood iyo labo wiil oo uu dhalay. Ninkan ayaa la nool walwal ka haysta maareynta nolosha qoyskiisa.

“Hadda xaafadda ma tagi karo oo waan ku ceebeysanahay oo nin shaqeysanaayay oo miis u yaallay ayaan ahaa. Nin xaafadda biilaayay ayaan ahaa, hooyona qeyb ayaan ka biilaayay, lacagteydana qeyb ayaan dhigaal ka sameysanaayay. Hadda maxaan ka dhigtaa application-ka ayaan sidan i yeelaye.”

Axmed ayaa sheegay inay ku qalqaaliyeen saaxibbadiis oo u ammaanay maal-gelinta Trade Bot, taas oo ku keentay inuu gado ganacsigiisa, markii uu is tusay inuu faa’iido ku helayo si degdeg ah.

Hase-yeeshee, maalmo kaddib, wuxuu helay xog sheegaysa inay hawada ka baxday mareegtii uu uu lacagta geliyay, taas oo ku noqotay utun uu ka bogsan la’yahay ilaa iyo maanta. Wuxuu ka qoomameynayaa go’aankii uu qaatay oo aan ku dhisnayn xog baarid iyo oggaalnimo.

“Aniga shaki kama qabin, sababtoo ah applicantionka ma aqoonin, kabacdi waxaan is iri lacagtaada gali. Kow waxaan ahaan milkiile xaafadaha ku ganacsada oo miis ku leh oo kay ah, haddana waan ku qasaaray. Waxaan rajaynaa inaan dib u helo miiskaygii.”

Axmed waxaa ka soo gali jiray ganacsigiisa afar doollar illaa shan doollar maalintii, balse hadda qoyskiisa waxay ku tiirsan yihiiin dad ehel ah oo bishii raashin iyo iidaan isaga soo uruuriya si ay carruurta hal xilli cunno ugu helaan. Wuxuu ka hadlayaa waxa horseeday inuu gado miiskiisii iyo natiijada u sawirnayd.

“Ujeedadii aan u galay kowdii hore waxay aheyd inaan ku faa’iido  oo lacag ka helo, haddana waa kaas oo qasaaradaas ayaa iiga timid.”

Wuxuu ka mid yahay boqolaal qof oo dhibbane u noqday ishii dhaqaale ee loo tilmaamay. Axmed ayaa intaas raaciyay inaysan jirin cid uu uga dacwoon karo, maaddaama keliya online-ka uu dadka kala macaamiyay, isla markaana uusan ka haysan wax raad-raac ah.

Kooxdan barnaamijyada online-ka ah watay ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaalo ay dadka ugu sheegayaan inay sameeyaan maalgelin iyaga oo helaya faa’iido u soconaysa sanad, taas ayaa keentay inay dad badan galaan iyagoon su’aalo dheeraad ah is weydiin.

Cabdiraxmaan Shiikh Qaliif ayaa xaraashay mooto bajaaaj uu ka soo saari jiray nolosha qoyskiisa, balse wax faa’iido ah kama helin. Wuxuu ku qasaaray 1XBet bishii 10aad ee sanadkii hore. Marka laga tago lacagta mootada uu ku gaday oo ahayd $2000, wuxuu sidoo kale ku waayay 1500 oo doollar oo kayd u ahayd.

Isaga, xaaskiisa iyo gabar iyo wiil uu dhalay waxay Hadda wajahayaan cunno xumo. Wuxuu sheegay inay hal xilli cunno helaan. Nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsan taageero aan joogto ahayn oo adeerkiis uu ka helo.

“Hankeygii meesha ayuu ku burburay, haddana baagamuundo, xaafad joog ayaan iska ahay. Kistii yareyd oo aan haystay ayuuba iga qaatay, wax inuu i siiyo iska daaye. Cid aan u raacanaayo ma jirto anigaa gacantayda ku doontay oo is dhahay waxaa haysatid wax siyaado ah ku hel”.

Ninkan ayaa loo sheegay in cayaaraha ku jira app-kan uu faa’iido maaliyadeed ka helayo, balse marka hore looga baahan yahay dulqaad iyo sabar ugu dambeyn ceyrteeyay.

Xannuunka qasaaraha ka soo gaaray darteed wuxuu isla sanadkaaan bishii Diseembar safar tahriib u galay Sacuudiga, balse bishii labaad ee sanadkan ayaa dib loogu soo celiyay dalka.

“Maadaama aan ku hanti beelay oo deyman badan la igu yeeshay oo qarash badan iga lumiyay, hadda waxaan go’aansaday inaan faraha ka qaado oo aan cayaarin oo aan go’aan ka gaaro”.

Cabdiraxmaan ayaa mootada maalin dhaaf uga heli jiray $20-25 doollar, balse maanta ma haysto wax il dhaqaale ah. Wuxuu ka soo kaban la’ yahay niyad-jabkii uu ka qaaday qasaaraha soo gaaray.

Dadkan ayaa adeegsada tabo dadka nugul ee doonaya inay faa’iido dhaqaale helaan soo dedejiya iyagoo indha sarcaad uga dhigaya lacag badan inay helayaan, taas oo dabin u ah sida uu sheegayo Cabdishakuur Xuseen oo ka faalooda lacagaha dhijitaalka ah.

“Farsamooyinka ay isticmaalaan badanaa waxay u badan yihiin, farsamooyin runtii xeeladeysan oo qofka damac badan la gelinaayo, badanaa waxay ku leeyihiin lacag yar ayaad bixineysaa lacag badan ayaad qaadaneysaa, dad ayaad keeneysaa ama waxay ku dhahaayaan lacagtaada ayaa kuu shaqeyneyso, jiif oo jaq oo yacni fadhigaagaa ku dhergeysaa, waxaas oo kale ayay dadka u sheegaan, waxaa habboon inta uusan qofka lacagtiisa gelin meelahaas oo kale inuu ma aragtay hubinsameeyo si hantidiisa ugu badbaado, berrina uusan noqonin qof qoomameeya.”

Aaladda Trade bot oo aheyd tii ugu dambeeysay ee looga lunsaday Soomaalida lacag badan ayaa hawada ka baxay dabayaaqadii bishii Feberaayo ee sannadkan. Ma cadda dhaqaalaha ay kala goosteen Soomaalida, haddana dadka ku kadsoomay  ayaa rogtay wixii ay hayeen oo hadda fara maran sida uu sheegay Cabdishakuur.

“Qoladaas horta Soomaali badan ayay dhaceen, dad badan ayaa runtii lacag badan geliyay. Wiil aan saaxibbo nahay oo kale oo dhul iibsan lahaa lacag uu muddo uruurinayay shan iyo labaatan kun oo dollar wuxuu geliyay barnaamijkii hadda ugu dambeeyay ee Trade bot-ka, lacagtii waxaa uga soo noqday dhowr kun oo dollar, intii kale nimankaas ayaa la tagay oo ka dhacay.”

Tuugada Internet-ka ayaa soo kordhay, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ay u soo shaqo tagaan marka laga tusaale qaato dhacdooyinka shantii sano ee tagtay sababo la xiriira xakamayn badan oo aan jirin.

Trade Bot keliya ma aha waxyaabaha Soomaalida lagu jeeb siibtay. Waxaa ka mid ah barnaamijyadii ugu caansanaa Forex, CJ ONSTYLE, iyo kuwo kale.

Haddii aanan la helin baraarug bulsho oo la xariira xatooyada dhaqaale ee Internet-ka waxay halis gelin kartaa nolol xumo u horseedi doontaa qoysas badan oo danyar ah iyo dadka aan wax baran ee lagu beer laxawsado inay waqti gaaban gudihiis ku helayaan lacag badan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.