WQ: Nuur Xasan Guure (Nuuradiin) “Sharciyaddu ma aha waxa lagu dhawaaqo oo keliya; waa waxa la aqbalo, lagu kalsoonaado, laguna wada joogo sidaana ku hirgala.” Sharciyadda dowladdi ku sii jirto oo ma aha awood sheegasho oo keliya; waxay ku noolaataa aqbalid siyaasaddeed, heshiis bulsho, iyo kalsooni ay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasaddu ay...
Hoggaan dheelliga iyo Hufnaan La’aanta: Soomaaliya
WQ Dayib Sh. Axmed, warbixin baaritaan “Musuqmaasuq Soomaali waa, meheraddeediiye.” Sayid Maxamed “Waayeel gurracan oo caqligu, gaasir ka ahaaday Aan labadagallin, dambiga, marnaba dhaafaynin, Gujiyo ceeb ma waayee, bahdiis wuxuu u geystaaba. Goortay gefkiisa istusaan, yaw garnaqi doona?” Gabaygii Garnaqsi,Cismaan Yuusuf Keenadiid Hordhac Taariikhda & waaya’aragnimada dawlad dhiska adduunku waxa ay na bartay in ummaduhu...
Shareeraha iyo Halqabsiga Af-Soomaaliga
WQ Maxamuud Cabdillahi Axmed Hordhac – eraybixin Odhaahyada kor ku qoran maxaa lagu tilmaami karaa? Ma lagu magacaabi karaa shareerayaal? Muxuu se yahay shareere? Madaama af Soomaaligu yahay af dhowaan rasmi ahaan loo qoray, suurtagal ma aha in dhammaan laamaha kala duwan ee hadalka iyo suugaanta loo helo eray-bixin la isku wada raacsan yahay. Ogaalkay...
Kakanaanta Abaarta iyo Kadeedka Siyaaasadda
W/Q Cabdiraxmaan Yusuf Cabdi (Soome) HORDHAC Soomaalida oo dawladnimada casriga ah iyo hab maamulka toolmoon si magac ah u qaadatay 1960kii, ayaa ku jira lixdan sano oo fadqalalo siyaasaddeed, daganaansho la`aan, dagaalo iyo qudbax ummadeed. Dhibaatooyinka nololleed ee ay qabatimeen dadka Soomaliyeed nus qarnigii tagay, waxa ay isugu jiraan kuwo ka dhashay jahawaeer siyaasaddeed, maamul...
Saddexda Qamiis iyo Dastuurka Soomaaliya
W/Q Dr. Abukar Warsame Dhacdo ama sheeko kasta oo lagaaga sheekeeyo waxaa suurtogal ah inaad kala soo dhex baxdo ama aad ka barato waxyaabo dhowr ah oo wax kuu kordhin kara ama wax ka beddeli kara hab nololeedka qofka ama bulshada. Haddaba, si loo fahmo khilaafka siyaasaddeed ee maanta taagan, waxaa habboon in dib loogu...
Soomaaliya Ma lagu Bireyn Doonaa Fagaaraha Muruq-tuujiska?
W/Q: Barkhad Cabdulqaadir Dunidu maanta ma aha tii aan naqaanay afar sano kahor. Laga soo bilaabo duullaankii Ruushku ku qaaday Yukreyn, illaa xasuuqa aan kala joogsiga lahayn ee ka socda Qasa, iyo dagaalladii goos-gooska ahaa ee dhacay sannadkii ina dhaafay ee 2025; waxay si cad u muijinayaan in nidaamkii dunidu uu u jeestay jiho cusub...
Baadigoobkii nabadda Geeska” ee uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey- Gorfeyn Buug
Gorfeyn: Adan Makina Odhaahda Gorfeeyaha: Buug ahmiyad taariikheed leh, kana warramaya waxyaabihii halakeeyay Afrika dhammaanteed siiba Geeska Afrika oo uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo goor dhow la daabacay waana buug xanbaarsan duruufooyiin taarikheed oo kala geddisan. Buuggan oo ku qoran af Soomaali, wuxuu anfacayaa cid kasto oo dooneysa in ay wax ka ogaato...
Maan Geeljire Dawlad ma Dhisi Karaa?
W/Q Maxamuud Cabdillaahi Axmed “Geeljire geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa” – maah-maah Soomaaliyeed“Waa kala Maan Barre iyo Maan Bilaal”- halqabsi Soomaaliyeed Mareegta Wardheernews waxa joogto ugu soo baxa maqaalo dhibka dawlad la’aanta Soomaalida eedeeda dusha u saara siyaasiyiinta. Maqaalkani wuxu ku dooddayaa in madaxda siyaasaddu ka soo dhexbaxdo mujtamaca, sidaa darted aan...
Warqad Furan: Madaxweynaha JFS- Tubta ku Haboon Badbaadindka Qaranka
Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya (JFS) Ka: Axmad Cabbaas Axmad; La Taliye Hore eeMadaxweynaha JFS, Arrimaha Federaalka Soomaaliya (2022 -2024) Arar Mudane Madaxweyne; Salaan ka dib waxaa warqaddan kugu socota mid furan ka dhigay, waxaa kulmay in geeddi-socodkii dawlad-dhiska Soomaaliya uu qarka saaranyahay iyo dawladda Israa’iil oo Soomaaliland u aqoonsatay dawlad...
SANNAD HOODAALE
Hal abuurkaa Maansa hudiyoo Hidde weeyee Sida haradoo Gugu heegada Ku haraatiyay Dirka Hoobaan Dar haloosiya Oo haraaciya Marka loo horo Heesta geeliyo Hoobaleydaa Loo hawadiyaa Hambalyayntiyo Anna hirashada Huri maayee Sanad hoodale Oo hagaag iyo Hibo lagu ladhay Oo hanaan wacan Ood ku hodantaan Hidiyoon gacal “Hoo” ku leeyahay W.T. Abwaan Gammuute









