Saddexda Qamiis iyo Dastuurka Soomaaliya

Saddexda Qamiis iyo Dastuurka Soomaaliya

W/Q Dr. Abukar Warsame

Dhacdo ama sheeko kasta oo lagaaga sheekeeyo waxaa suurtogal ah inaad kala soo dhex baxdo ama aad ka barato waxyaabo dhowr ah oo wax kuu kordhin kara ama wax ka beddeli kara hab nololeedka qofka ama bulshada. Haddaba, si loo fahmo khilaafka siyaasaddeed ee maanta taagan, waxaa habboon in dib loogu laabto xikmadaha qaaliga ah ee diintenna ku dhex duugan. Ilaahey wuxuu noo sheegay in sheekada ku saabsan Nebi Yuusuf, Calayhi Salaam, ay tahay sheekada ugu fiican sheekooyinka. Qamiiska kowaad, walaalihii Yuusuf waxay aabbahood u keeneen qamiiskiisii oo dhiig been ah la mar-mariyey si ay u qariyaan falkii walaalkood ay ku tuureen ceelka. Qamiiska labaad, Yuusuf oo ka cararaya fitno ay la rabtay haweeneyda guriga uu joogay ayaa qamiiskiisii gadaal laga jeexay, taas oo noqotay caddayn muujisay inuu xaqa ku taagan yahay. Qamiiska saddexaad, sannado badan kadib markii Yuusuf noqday hoggaamiye Masar ka tirsan, ayuu qamiiskiisii u diray aabbihii Nebi Yacquub, kaas oo araggiisii ku soo noqday markii uu qamiiskii wajiga saaray.

Saddexdan dhacdo ee qamiisyadu waxay muujinayaan sida mararka qaarkood runta loo qariyo, mar kale ay u soo baxdo, ugu dambayntiina ay u horseedi karto bogsiin iyo isu soo noqosho. Haddii si qoto dheer loo eego, saddexdan sawir waxay si mug leh akhristow kaa caawin karaan fahamka safarka dastuurrada ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay soo martay dhowr marxaladood oo dastuuri ah: dastuurkii dimuqraadiga ahaa ee 1960, xilligii dowladdii dhexe ee millateriga oo nidaamka iyo dastuurkiiba si weyn u beddelay, iyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee 2012 oo saldhig u noqday nidaamka federaalka ee maanta jira. Si kale haddii loo dhigo, safarka dastuurrada Soomaaliya wuxuu u egyahay saddexda qamiis ee qisada nebi Yuusuf: rajo midnimo oo ay daboolayaan dhibaatooyin aan weli la xallin, run xanuun leh oo mar dambe qarsoomi weyda, iyo rajada bogsiin oo weli u baahan heshiis qaran oo dhab ah.

Marxaladda koowaad ee dastuurka Soomaaliya waxay ka bilaabatay xornimadii 1960. Dastuurkii xilligaas la ansixiyey wuxuu ka dhashay halgan xornimo oo sharaf leh, dad badanina waxay u hureen naf iyo maal si ay ummadda Soomaaliyeed u hesho dowlad iyo sharci ay ku mideysan yihiin. Nidaamkaas wuxuu dhisay dawlad dimuqraadi ah oo leh baarlamaan, doorashooyin, iyo hay’ado dastuuri ah. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkii rayidka ahaa wuxuu la kulmay dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen musuqmaasuq, loollan awood, iyo kalsooni darro sii kordhaysay. Qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Waqooyiga, waxay dareemeen in qaabkii midnimada loo maamulay uusan si buuxda uga tarjumayn heshiiskii la galay, taas oo sababtay isku daygii afgambi ee dhacay muddo yar kadib midowgii lagu han weynaa. Inkastoo rajada qaran ay jirtay, haddana dhibaatooyinkaasi waxay wiiqeen kalsoonidii nidaamka, ugu dambayntiina waxay horseedeen afgambigii milatariga ee 1969.

Marxaladda labaad waxay bilaabatay markii milatarigu xukunka la wareegay 1969. Dowladdaas cusub waxay dhistay dawlad dhexe oo xooggan, waxayna gaarsiisay dalka horumar muuqda dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo isku xirka qaranka. Dad badan ayaa xusuusta xilligaas sidii ay dowladdu awoodda ugu lahayd hirgelinta qorshayaal waaweyn sida sugidda amniga iyo xuduudaha qaranka, qoristii Af-Soomaaliga, Bacaad-celintii, iwm. Dhinaca kale, nidaamku kama marneyn ku dhaqanka caburin siyaasadeed iyo cadaadis sii kordhaya oo ka dhan ahaa mucaaradka iyo qaybo ka mid ah bulshada. Markii nidaamku burburay 1991, run kale oo adag ayaa soo baxday. Burburkii dawladdu ma muujin oo keliya tabashooyinkii hore, balse wuxuu sidoo kale daaha ka rogay in bulshooyinkii iyo maamulladii ku dhisnaa qabiilka ay galeen dagaallo sokeeye oo sababay burbur ballaaran. Qaar ka mid ah maamullada ka dhashay burburkaas ayaa u arkay xaaladda cusub xal ay kaga baxeen nidaamkii hore ee ay u arkayeen mid dulmi ku haya. Sidaa darteed, marxaladdan waxay muujisay run adag oo ku saabsan nidaamka dowladeed iyo qaab-dhismeedka bulshada.

Marxaladda saddexaad waxay timid markii Soomaaliya ay bilowday dadaallada dib-u-dhiska dowladnimada, taas oo ugu dambayntii horseeday ansixinta dastuurka ku-meel-gaarka ah ee 2012. Dastuurkan wuxuu isku dayay inuu dhiso nidaam federaal ah oo awoodda u qaybiya dowladda dhexe iyo maamullada gobollada. Ujeeddadiisu waxay ahayd in laga barto khaladaadkii hore isla markaana la abuuro nidaam wax-wadaag iyo wada-shaqayn ku dhisan. Si kastaba, dastuurkaasi wuxuu ahaa mid ku-meel-gaar ah oo u baahnaa dib-u-eegis iyo dhammeystir. Sanadihii u dambeeyeyna dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan u gashay qabyo-tirka iyo dhammaystirka dastuurka, iyada oo ku doodaysa in arrintani tahay tallaabo lagama maarmaan u ah xoojinta dowladnimada iyo dhismaha heshiis qaran oo waara.

Dood adag ayaa ka taagnayd wax-ka-beddelka dastuurkan, inkastoo dowladda federaalka ay ugu dambayn ku guuleysatay ansixinta dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey dastuurka. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada federaalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland ayaa muujiyey walaac ku saabsan qaabka loo maray ansixinta iyo heerka wadatashiga siyaasadeed ee arrintan la xiriira.

Taariikhda Soomaaliya waxay muujisay in dastuurku uusan ahayn qoraal sharci oo keliya, balse uu yahay Heshiis Bulsho oo qeexa sida awoodda loo qaybsanayo iyo sida bulshada u wada noolaan karto. Haddii heshiiskaasi si wadajir ah loo dareemo, wuxuu noqon karaa mid lagu dhiso kalsooni iyo xasillooni; haddii kalena, wuxuu sii xoojin karaa kala shaki iyo muran siyaasadeed oo dib-u-dhac keena.

Saddexda qamiis ee qisada Nabi Yuusuf waxay bixinayaan masawir fudud oo lagu fahmi karo safarkan. Qamiiska koowaad wuxuu xasuusinayaa rajada midnimo iyo khaladaad aan si buuxda loo xallin, qamiiska labaad wuxuu muujinayaa runta xanuunka leh ee khilaafka iyo burburka, halka qamiiska saddexaad uu astaan u yahay bogsiin iyo isu soo noqosho. Soomaaliya maanta waxay weli u muuqataa inay raadineyso qamiiskaas saddexaad oo awood u leh inuu isku xiro casharradii dastuurradii hore laga bartay iyo rajada mustaqbalka.

Gunaanad: Su’aasha muhiimka ahna waxey tahay: dastuurka cusub iyo wax-ka-beddelkiisu ma noqon doonaan fursad lagu xoojiyo heshiiska qaran, mise wuxuu dhalin doonaa khilaaf cusub?

Qamiiska bogsiintu kuma iman karo qoraal sharci oo keliya. Wuxuu u baahan yahay wadatashi ballaaran, kalsooni dhis, iyo rabitaan siyaasadeed oo ka sarreeya danaha gaarka ah. Haddii casharrada taariikhda si dhab ah loo qaato, dastuurku wuxuu noqon karaa cudud lagu xoojiyo midnimada. Haddii kalena, wuxuu noqon karaa qamiis kale oo khilaafka daboolaya halkii uu noqon lahaa kii bogsiinta iyo isu soo noqoshada bulshadeenna.

Ilaahayow ka dhig kii lagu dego oo dawladnimadeena xoojiya!

Dr. Abukar Warsame
Email: abukar628@gmail.com