W/Q Maxamuud Cabdillaahi Axmed
“Geeljire geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa” – maah-maah Soomaaliyeed
“Waa kala Maan Barre iyo Maan Bilaal”- halqabsi Soomaaliyeed
Mareegta Wardheernews waxa joogto ugu soo baxa maqaalo dhibka dawlad la’aanta Soomaalida eedeeda dusha u saara siyaasiyiinta. Maqaalkani wuxu ku dooddayaa in madaxda siyaasaddu ka soo dhexbaxdo mujtamaca, sidaa darted aan si fudud loo kala sooci karin adduun aragga qofka, waayaha uu joogo markaas iyo ficilkiisa. Kolkaa waa in taxliilka laga raadiyo qaabdhismeedka bulshada, is-ahaanshaha qofka iyo wacyiga guud ee mujtamacu ku sugan yahay.
Taariikhda bulshooyinka waxa weligood ka dhex-socday is-diidyo u dhexeeyey caadooyinka dhaqan hiddoodka ah (traditional) iyo waxa cusub ee hadba soo kordha (casri); mid walibana door buu ku leeyahay mujtamac kasta.
Caadooyinka dhaqan-hiddoodka ah waxay ku astoobaan wadaag, is-farista milgaha dhaqanka, kala dambaynta mujtamaca, oo ay u arkaan kuwo awoowayaashii hore laga dhaxlay ama barakaysan. Halka dhaqanka cusub ee maanta dunida ka socdaa ku astoobo shakhsiyad gooni u taagan (individualism), dadku yahay garab-siman, farsamooyin cusub, adeegsiga caqli-galka iyo awood dawladeed. Waan qirayaa in aan sahal loo kala sooci karin maxaa hidde ah maxaa se dhaqan ah.
Guud ahaan, waayaha casriga ee dunida wada gaadhay ee nidaamka hantigoosigu wuxu soo kordhiyey: badeecadaynta wax-soo-saarka, lacagaynta nolosha, ganacsi caalami iyo teknolajiyo cusub. Kuwaas oo abuura xaalado qofku dareemo inuu yahay keligii, iskuna hallayn karin hay’adaha dhaqanka. Waxa keliya oo kafayn karaa waa awood dawlad dhexe oo u noqota baroosin uu ku xidho.
Haddaba, iyadoo ay sidaa tahay, dhaqankii miyiga ee qabaliga ahaa weli kama suulin mujtamaca Soomaalida. Qabiilka Soomaalida ceebtiisu waa waa reero ku salaysan abtirsiin oo sida basasha lakabyo u kala dhilma.
Sidaa darteed, madaxda dawladdu xor ka ma ahaan karaan bulshada oo waxa iyagaba fekerkooda qaabeeyey waayaha bulshada ee qabaliga ah. Dood ayaa tidhaa mujtamaca Soomaalidu reero ayuu ka kooban yahay, sidaa darteed waa in lala noolaadaa; laakiin haddii qarannimo la doonayo, salkeedu waa is-haysashada bulshada (social cohesion).
Qabiilkii miyiga ka jiray iyo kan maanta magaalooyinka ka jiraa waa labo midba meeshiisa iyo waayahiisa lahaa. Miyigii hore adduun araggiisa bulsho wuxu ku salaysnaa “hiilka tolliimada abtirsiinta”. Dawladnimada Yurub inooga timi ee maanta aynu hirgelinteeda la daalaadhacaynaana waxay ku salaysan tahay dhul go’an oo laga amar qaato hal awood oo dhexe. Taasoo ujeedadeeda ugu muhiimsani tahay in lagaga koro isir-raaca sida qabiilka.
Waxa la yidhaa bulshooyin badanI waxay qabiilka kaga koreen kaalinta diinta, u hayaanka xagga magaalooyinka, gaadiidka baabuurta iyo tareenada oo isku socodka sahlay, warshadaynta, lacagaynta dhaqaalaha, shacabka oo yeeshay dabaqado kala sareeya iyo kuwo kale. Laakiin intaas oodhan, midna kama maarmi karayn dawlad/qaran qaabeeya macaamilka bulshada iyo qorshaynta dhaqaalaha.
Inkastoo is-bebeddel ku yimi xiriirka wax-soo-saarka asaasiga ah ee bulshada, haddana ilaa hadda, wacyiga bulshada Soomaalidu waa qabali, ku sifooba wacyi beenaad. Macnihii waa wacyi baalmarsan danta bulshada inteeda badan. Magaalo waa la joogaa, teknoloji casri ahna waa la adeegsadaa, laakiin falaadku waa kii hiilada abtirsiinta reeraha ee markii miyiga la joogay oo xagga magaalada iyo dawladnimada loo soo raray. Tolkaa baad ceelka dawladnimada ugu jirtaa!
Dawladnimo waxay ku suuragal tahay keliya in dhaqanka mujtamaca loo raro xaalad casri ah oo ka madhan dhaqan qabali ah waayo fekerka qabaliga ahi wuxu qofku maanka ku sitaa muraayad reer uun arkaya, ka indho la’ wax kaleba. Sidaa darteed ujeedada ugu muhiimsan ee dawlad Soomaaliyeed waa inay ahaato sidii jiilasha dambe uga gudbi lahaayeen wacyiga qabaliga ah, una noqon lahaayeen mujtamac ka koray abtirsiin.
Abtirsiinta faracyo badanta ah waa in la suuliyaa oo wax ka barano sida bulshooyinka kale uga guureen reernimda. Waxaan se qabaa haddii abtirsiintu meesha ka baxdo in reernimadu bixi, qabiilku suuli, muddadu haba dheeraatee, qaranimaduna fursad heli, insha Allah.
Casharada dawlad wanaagga ee seminaarada lagu qaato iyo qaylodhaanta: madax wadaniyiin ah baan rabnaa, midnimo midnimo, Somaaliyeey toosooy – isbeddel bulsho keeni maayaan. Ma hilbahaan qalanaa /Oo midiyahaaan qarsanaa!
Qormadani waxay doodda ka haysataa: suuragal ma aha in aan feker qabali ah iyo feker dawli ah, isku mar haysan karno, siiba saaxadda dawladnimada. Maan geeljire dawlad ma dhisi karo, mana wadi karo. Waa kala maan Barre iyo maan Bilaal.
Dawaladnimada iyo reernimo waxay kala haystaan labo qiyam oo is-burinaya. Dawladnimo/qaranimadu waa muwaadiniin siman, haya’ado wadaag iyo wax-wada-lahaansho aan kala dhambalmi karin; reernimadu se waa aan waxa kala goosano oo ku kala tagno. Geeljire geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa, ma aha feker dawladnimo lagu dhiso. Eebbe ayaan magansanay.
Su’aashu se waa: sidee dhaqan qabali ah looga baxaa, ummad loo noqdaa, qaran loo dhisaa, dawladnimo shaqaysa loo helaa? Jawaab u ma hayo. Akhriste, adiga ayaan kuu dhaafay.
Wa Billaahi Towfiiq
Maxamuud Cabdillaahi Axmed
Email: maxamuudaxmed@live.com
Cudurdaar: Maqaalka ereyada dawlad iyo qaran ayaa isku badalmay
—————–
Tixraac
1-Rashiid Sheekh Cabdillaahi, 2016: Qaran iyo Qabiil, Ponte Invisible: Qaran iyo Qabiil – African books collective
2.The 6 dimensions model of national culture by Geert Hofstede
