Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya (JFS)
Ka: Axmad Cabbaas Axmad; La Taliye Hore eeMadaxweynaha JFS, Arrimaha Federaalka Soomaaliya (2022 -2024)
Arar
Mudane Madaxweyne; Salaan ka dib waxaa warqaddan kugu socota mid furan ka dhigay, waxaa kulmay in geeddi-socodkii dawlad-dhiska Soomaaliya uu qarka saaranyahay iyo dawladda Israa’iil oo Soomaaliland u aqoonsatay dawlad Rasmi ah.
Mudane Madaxweyne; si aan u cusleeyo farriinta warqaddani xambaarsantahay waxaan door-biday in aan ku dareensiiyo isgoosyo ama sooyaal ku suntan taariikhda Soomaaliya oo aan u soo joogay kana xiganayo buug uu qoray marxuun Danjire hore Mohamoud Cusmaan Cumar ((1937 – 2014). Buugga oo ku qoran luqada Ingiriiska wuxuu cinwaan uga dhigay “The Road to Zero”, oo Af Soomali ahaan noqon kara “Waddadi Shufbeelka Qaranka” wuxuuna qoray 1992 oo ku beegan sannadki 2aad ee ka dambeeyey masiibadii Qaranka ee Soomaaliya haleeshay 26ki Jannaayo 1991. Buuggu waa dib-u-milicsi xusuustii qoraaga, xilliyadi koritaankiisa oo ku aaddaneyd xilligi Wasaayaddii Qarammada Midoobey “UN Trustee” oo gobaladii Soomaaliya ee Koonfurta dib loogu celiyey Maamulka dalka Talyaaniga, si uu gobanimo u gaarsiiyo muddo toban sano (1950 -1960) asaga oo wakiil ka ah Qarammada Midoobey. Sidoo kale buuggu waa muraayad laga dheehan karo goldaloolooyinka dawladdi rayidka (1960-1969) suurtana geliyey in ciidammada qalabka sida ay si sahlan u afgembiyaan iyo cawaaqib xumadi shufbeeliki dawladnimada ee ay ugu dambaynti, xukunki ciidammadu Soomaaliya geyeysiiyeen (1969-1991)
Mudane Madaxweyne; sababta aan buuggan u xigtay waxay la xariirta saddex xaladdood oo Madaxweyne Maxamad Siyaad (AUN) la soo gudboonaaday muddadi uu xilka hayey oo kala ahaa: (i) Guuldarradii Soomaaliya ka soo gaartay dagaalki Itoobiya 1977ki; (ii) Shilki baabuur ee 26ki May 1986 iyo; (iii) Soojeedintii kooxdi Maanfesto sanadkii 1989. Haddii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (AUN) uu iskiis u qaadan lahaa go’aannadii la gudboonaa amaba uu yeeli lahaa tallooyinkii loo soo jeediyey, waxaa la fili karay in laga badbaadi lahaa in dawladnimadii iyo wadajirkii dal iyo dad uu u dhurto xaallad aan waxba ka noolayn, marka laga reebo bedqabka mowqaca aan kaga naallo khariidad adduunka, gaar ahaan Geeska Afrika.
Go’aanka 26ka Disember 2025ki ay Israa’iil Soomaaliland u aqoonsatay Dawladda rasmi ah waa mashaqadi labaad ee la gudboonatay Soomaaliya, waayo waxay kala dhantaashay bedqabki baaxadda khariidada dhuleedka ee Soomaaliya. Dhacdadaas waxay cirib dambeed xun u leedahay taariikhdaada hoggaamiye, madaamada ay dhacday adiga oo ah Madaxweynaha JFS markiisi labaad. Waxaa hubaal ah in 15ki May 2022 oo ku beegan marki labaad (aan isku xigin) oo xilka madaxweynaha laguu doortay, in aanu jirin ifafaale dawlad Qarammada Midoobey ka mid ah oo hawaysan kartey go’aanka ay Israa’il keli ahaanteed gaartay sababta oo waxaa weli jirey (Soomaali iyo caalamka) rajada ah in Soomaaliya dib-u-hanandoonto maqaamki dawladnimo oo taam ah. Dawladaha dunidu waxay naawilayeen in ay xiriir wax ku ool ah la yeeshaan Soomaaliya oo isu dhan, halkii ay qayb ka mid ah si rasmi ah ula macaamili lahaayeen.
Mudane Madaxweyne; In kasta oo halista soo foodsaartey qaranka aaney saamaxayn in lagu talaxtago haddana waxaan la iska indhasaabi karin in muddada xil-hayntaada dambe aad si walba ugu takrifashay awoodda adiga oo aan waxba hambayn, taas oo keentay in ay kala irdhoobaan inti ku midaysnayd hal-ku-dehegga ah “Midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya waa lama taabtaan”. Xaaladda noocaas ah ayaa Israa’iil ka dhex aragtay fursad. Waxaa hubaal ah in haddii la abuuro jawi baraarug cusub oo oo ka marag kacaya in Soomaaliya ka go’antahay in ay ku-mintideyso badbaadada in caalamku si wadi doono garab-istaagga qaddiyadda xaqa ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hubaal ah in haddii aad ku sii dhegganaato hindisihaaga ah in aanay waxba kaaga dhexayn, in aad is-doorato ama iskaga-negaato xukunka in aad noqoneyso hoggaamiyihi oofsady qarannimadi Soomaaliya. Taasi waa arrin ALLE (SWT) laga magan galo.
Mudane Madaxweyne; si Soomaaliyana u badbaaddo oo aad u mutaysato maqaam taarikheed oo kula sharfan, waxaa kula gudboon in aad ku dhiirrato laba go’aan oo geesinnimo ah.
Go’aanka koowaad wuxuu la xariiraa in xaraf iyo nuxur ahaan oggaalaato war-murtiyeedka Madaxsha Mustaqbalka Soomaaliya ee Kismaayo, kuna taariikhsaysan 20-ki Disember 2025 adiga weliba ka awgeedna gaar ahaan:
(b) Qodobka Saddexaad oo qeexaya “In Heshiiska Bulsho ee dawlad dhiska Soomaaliya uu saldhig u yahay Dastuurka kumeelgaarka (KMG) ah ee 2012, wax ka beddelka halka dhinac ah ee Madaxweynaha JFS uu ku sameeyey dastuurkana uu yahay waxba kama jiraan”, wax kasta oo ka hor imaanayana dastuurka KMG ah ee 2012 oo ay kaa mid tahay nooca doorashada ee aan lagu midaysnayn aad hakiso;
(t) In aad fuliso codsiga ah in aad isugu yeerto saamileyda siyaasadda dalka inta aan la gaarin 20ka bisha Jenaayo 2026, soona jeediso in arrinta aqoonta aqoonsiga israa’iil ee Soomaaliland la siiyo hortebin.
Go’aanka labaad waa mid si walba kuula gudboon oo ah in aad ka bareerto in aad mar saddexaad isu soo taagi doonin xilka Madaxweynaha JFS.
Wa Billaahi Towfiiq
Axmed Cabaas Axmed
Email: abbssone@yahoo.com
