WQ: Nur Xasan Gure (Nurdiin)
“Sharciyaddu ma aha waxa lagu dhawaaqo oo keliya; waa waxa la aqbalo, lagu kalsoonaado, laguna wada joogo sidaana ku hirgala.”
Sharciyadda dowladdi ku sii jirto oo ma aha awood sheegasho oo keliya; waxay ku noolaataa aqbalid siyaasaddeed, heshiis bulsho, iyo kalsooni ay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasaddu ay ku wada yeeshaan nidaamka. Marka tiirarkaasi ay daciifaan, dowladnimadu waxay luminaysaa ma’aha oo keliya xasilloonideeda, balse sidoo kale waxay lumineysaa awooddii ay bulshada ugu hoggaamin lahayd marxalada adag ee kala-guur ah.
Wax-ka-beddelkii dastuurka ee la meel mariyey bishii Maarso 2026, ma ahayn arrin farsamo sharciyeed oo caadi ah. Wuxuu isu beddelay imtixaanka ugu culus ee horyaalla sharciyadda siyaasaddeed ee dowladda Soomaaliyeed tan iyo dib-u-dhiska hay’addaha federaalka. Waxa maanta taagan ma aha dood ciriiri ah oo ku saabsan qodobbo lagu kala fasiran karo ujeedoyin kala duwan; waa su’aal ka weyn qoraalka la ansixiyey: b) yaa leh awoodda sharciyeed ee uu dalka uga gudbin karo marxaladdan, t) yaase haysta kalsoonida shacabka ee lagu ilaalin karo nidaamka jira?
Dhawaan waxaan akhriyey maqaal uu qoray Dr. Cabdinur Shiikh Maxamed oo cinwaankiisu yahay “Salvaging the Third Somali Republic” Qoraalkaasi wuxuu si cad u iftiimiyey halis muddo soo urureysay: in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu sii dhacayso isku-dar sharci-darro, khilaaf siyaasaddeed, iyo hubanti la’aan dowladeed.
Digniinta noocaas ah ma aha in loo qaato dood-kicin; waa in loo akhriyaa digniin qaran oo tilmaamaysa meel halis ah oo qaranku usii simbiriirixan karo haddii aan la helin bisayl hoggaamineed iyo xal loo dhan yahay.
Xudunta muranka maanta taagan waxay ku urursan tahay laba arrimood oo si dhow isugu xiran: 1) sharciyadda muddo-xileedyada hay’adaha federaalka iyo 2) sida loo maareynayo kala-guurka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) iyo xoogagga kale ee mucaaradka ahi waxay ku dooddayaan in muddada Baarlamaanka Federaalku ay ku egtahay 14 Abriil 2026, halka muddada Madaxweynaha ay ku egtahay 15 May 2026, iyagoo daliil ka dhiganaya Dastuurkii Ku-meel-gaarka ahaa ee 2012 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo si cad uga dhigay muddo-xileedka afar sano.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka waxay ku andacoonaysaa in dastuurka la ansixiyey 5 Maarso 2026 uu muddo-xileedka ka dhigay shan sano, sidaas darteedna uu beddelay jadwalkii siyaasaddeed ee hore. Hase yeeshee, dhibaatadu kuma koobna waxa la beddelay kaliya; waxay si qoto dheer ugu xiran-tahay habka loo maray. Marka xildhibaano muhiim ahi ka maqnaadaan codbixinta, marka dood adag ay kadhalato in aan labuuxin aqlabiyaddii dastuuriga ahayd (2/3), marka dowlad-gobolleedyada qaar ay sicad uga hor yimaaddaan natiijada, khilaafku marka dambe sharci keliya ma aha; wuxuu isu beddelaa dhibaato sharci iyo mid siyaasaddeed. Sharcigu wuxuu ubaahan yahay hannaan ansixineed oo muran yar leh, siyaasadduna waxay u baahan tahay aqbalid ballaaran, labadaas midkoodna maanta si buuxda looma hayo.
Taasi waa halka ay khatartu kabillaabanayso. Haddii aan xal degdeg ah la helin, Soomaaliya waxay geli kartaa waxa lagu tilmaami karo firaaq dastuuri ah iyo mid dowladdeed – xaalad ay jirto awood sheegasho, balse uu daciifay saldhiggii kalsoonida iyo heshiiskii lagu maamulayey dalka.
Marka sharciyadda la isku qabto, amnigu ma sii ahaan karo arrin ka madax-bannaan siyaasadda. Khilaafka dastuuriga ahi wuxuu si fudud isugu rogi karaa khilaaf amni, gaar ahaan marka hay’addaha siyaasaddeed ay lumiyaan awoodda dhexdhexaadinta iyo isku haynta nidaamka.
Waxaa laga yaabaa in casharka ugu weyn ee maanta laga baran karo xaaladdan uu yahay in tiro badani aanay mar walba ka adkaan karin tiro yar; waxa guuleysta waa cidda aragtideedu mideysan tahay. Haddii kuwa ka biyo-diiddan jihada hadda wax loo wado aanay ku heshiin beddel cad, hawlgal leh, oo siyaasad ahaan la isku raacsan yahay, waxay ku dambayn karaan in ay si dadban u xoojiyaan waxa ay diiddan yihiin.
Soomaaliya waxay marar badan ku dhacday dabinka kala-qaybsanaanta iyo ajande mideysan la’aanta; taas ayaana mar kasta fursad siisay awood urursi aan ku dhisnayn heshiis qaran.
Marka xaaladda si deggan loo miisaamo, umadda iyo hoggaankeedaba waxa u furan saddex waddo:
Waddada koowaad: Waa is-afgarad: in la aqoonsado baahida degdegga ah ee loo qabo heshiis siyaasaddeed oo ku-meel-gaar ah, dib-u-heshiisiin qaran, iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku wada jiraan. Tani waa waddada ugu adag marka la eego tartanka siyaasaddeed, balse waa tan ugu badbaado wanaagsan marka la fiiriyo jiritaanka qaranka.
Waddada labaad: Waa dib-ugu-noqosho sharciyadda: in si ku-meel-gaar ah loogu laabto qaabkii 2012 si looga hortago faaruq dowladeed. Tani waxay damin kartaa dabka taagan si degdeg ah, balse ma xallinayso xuddunta mushkiladda.
Waddada saddexaad: Waa tan ugu khatarta badan: in aan wax heshiis ahi dhicin, khilaafkuna isu beddelo jahawareer siyaasaddeed iyo mid amni. Taasina waxay dib u soo celin kartaa xusuus qaraar oo dalku hore ugu soo dhaawacmay.
Dooddaydu ma aha in dhinac keliya la saxo ama la eedeeyo. Ujeeddadu waa in la aqoonsado in dowladnimada Soomaaliyeed ay ka qiimo weyn tahay guul kasta oo kooban oo hal dhinac oo gaar ahi sheegan karo.
Haddii geeddi-socodka siyaasadeed uu noqdo mid lagu kala adkaado halkii uu ka ahaan lahaa mid lagu wada badbaado, qaran-dhisku wuxuu isu beddelayaa mashruuc ku tiirsan awood sheegasho, ee ma aha heshiis bulsho. Soomaaliyana qolo keli ahi kuma hoggaamin karto siwaarta, iyadoo la iska indho-tirayo baahida loo qabo wada-oggol iyo kalsooni la wada leeyahay.
Halkaas ayay qiimaha fikradda dhexdhexaadka ahi ka muuqanaysaa. Soo-jeedinta ah in awoodda fulinta si ku-meel-gaar ah loogu wareejiyo Ra’iisul Wasaare dhexdhexaad ah, ee ay soo kala jeediyeen si gooni gooni ah , RW hore Cabdiwali Sh. Axmed iyo Dr. Cabdinur Sh. Maxamed, waa fikir qumman, laguna dhisi karo Xukuumad Midnimo Qaran oo soo celisa kalsoonida. Ma aha oo keliya xal farsamo; waa isku day lagu badbaadinayo jawiga siyaasaddeed ee lagama maarmaanka u ah in dalka laga ilaaliyo burbur iyo kala-jab cusub.
Xalka noocan ahi wuxuu u baahan yahay geesinnimo siyaasaddeed. Laakiin geesinnimada saxda ahi ma aha ku dhegganaanshaha kursiga; waa aqbalidda in qaranku ka horreeyo qofka, kooxda, iyo xisaab kasta oo kooban oo dano gaar ahi hagayaan.
Soomaaliya maanta waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah. Su’aashu ma aha yaa guulaysanaya; su’aashu waa yaa badbaadinaya qaranka inta aan la gaarin meel laga soo noqon waayo. Haddii hoggaanka siyaasaddeed uu doorto tanaasul, mas’uuliyad, iyo heshiis qaran, Jamhuuriyadda Saddexaad weli way badbaadi kartaa.
Haddiise la doorto ad-adayg, kala-qaybsanaan, iyo sharciyad lagu muransan yahay, dhaawaca ka dhasha arrintani ma ahaan doono mid ku ekaada hal xilli-doorasho; wuxuu dhaawici doonaa aasaaska mustaqbalka dowladnimada Soomaaliyeed.
Qore: Nur Xasan Gure (Nurdiin)
Email: nurgure87@gmail.com
