Eexaysi Qaraabo Maalintii Koowaad-ba: Hoggaanka KMG ee Koonfur Galbeed oo Ku Bilaabmay Magacaabis Qoys

Eexaysi Qaraabo Maalintii Koowaad-ba: Hoggaanka KMG ee Koonfur Galbeed oo Ku Bilaabmay Magacaabis Qoys

Baydhaba (WDN) — Haddii ay jireen rajooyin yar oo laga qabay in hoggaanka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed uu muujin doono karti, dhexdhexaadnimo, ama xitaa wax yar oo isla xisaabtan ah, waxay si degdeg ah u burbureen saacado gudahood.

Magacaabistii ugu horreysay ayaa xaqiijisay waxa dad badan ka baqayeen: in awoodda la qabsaday aan lagu qaybinayn aqoon iyo karti, balse lagu qaybinayo xiriir qoys.

Ilo badan ayaa sheegaya in mas’uulka maanta la magacaabay Md. Cali Cabdullaahi Isaaq, uusan kaliya ahayn qof siyaasad ahaan la jaan qaadaya hoggaanka cusub, balse uu yahay qof qaraabo dhow la ah, iyadoo wararka qaar tilmaamayaan inay ilma adeer yihiin, hoggaamiyaha KMG ah, ee loo magacaabay Dowlad Gobolleedka Koonfur Glabeed.

Magacaabista Cali Cabdullaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa durba dhalisay caro iyo dhaliil, ma aha oo kaliya waxa ay ka dhigan tahay, balse waxa ay si cad u muujinayso: dhaqan hoggaamineed ku dhisan eex, ee aan ku dhisnayn maamul iyo hufnaan.

Arrintan ayaa sidoo kale dib u soo nooleysay hadallo hore oo laga hayay hoggaamiyaha KMG, kuwaas oo uu ku sheegay in haddii uu xil qabto, dadka ugu horreeya ee uu xil siinayo ay noqon doonaan qaraabadiisa. Hadalkaasi oo maanta noqday ficil muuqda. Daawo: Wasiir si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo | Arrimaha Bulshada

“Tani qalad ma aha, waa qorshe cad,” ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed.

Xilligan xasaasiga ah ee Koonfur Galbeed ay wajahayo muran siyaasaddeed, su’aalo sharciyadeed, iyo eedeymo ku saabsan faragelin dibadeed, tallaabadan ayaa fariin culus diraysa—fariin ay dhaliilayaashu ku tilmaameen mid muujinaysa jahawareer iyo ujeeddooyin qarsoon.

Waxaa intaa dheer, taariikhda shaqo ee ninka la magacaabay ayaa iyaduna dood dhalisay. Cali Cabdullaahi I hore ayuu u ahaa Taliyihii Nabad-sugidda Koonfur Galbeed, taasoo keentay su’aalo ku saabsan sababta mar kale loogu soo celinayo xil sare, iyadoo nidaamkii horeba lagu muransan yahay. Qabiilkiisa, oo lagu sheegay Garre, ayaa sidoo kale qayb ka noqday doodda, taasoo muujinaysa sida ay arrimaha qabiilka weli door muhiim ah uga jiraan magacaabista xilalka dowladeed ee Soomaaliya.

“ Arintani waxay astaan ​​u tahay bilowga qorshaha fog ee Madaxweyne Xasan  ee Koonfur Galbeed, isaga oo qorsheynaya in  uu dhiso madaxweyne ku xigeen ka soo jeeda beeshiisa, iyadoo ay la socoto dhaqdhaqaaqyo kale oo badan oo uu rabo in uu gacanta ugu galo  Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed,” Siyaad Sh. Cumar oo ka mid ah xubnihii dhidibada u taagay maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay WardheerNews.

“Nidaamyada shaqeynaya, awoodda waxaa loo isticmaalaa in lagu dhiso hay’addo u adeega shacabka,  Xukuumadda Xasan Sheekh waxay loo isticmaalaa in lagu abaalmariyo daacadnimada iyo qaraabo-kiilka.” Siyaad ayaa ku daray hadalkiisii.

Inkasta oo ciidamada DFS, ay haatan gacanta ku hayaan magaalada Baydhabo, haddana waxaan  muran ka taagneyn qaabka sharciga darada ah ee dowalddu u qabsatay, haddana ay u maamuleyso, iyada oo dad u magacaabeyso xilal.   Waxa ugu weyn ee la dareemayaa waa qaabka Maxdaxweyne Xasan wax u wado:

Hoggaan muran ku yimid.
Sharciyad la’aan weli taagan.
Iyo tallaabadii ugu horreysay oo noqotay eex qoys.

Marka Koonfur Galbeed gasho marxaladdan cusub ee aan la hubin, fariinta ka timid hoggaanka cusub waxay u muuqataa mid cad, o odurba la akay.

Dad badan  waxay u arkaan arimahan caddeyn kale oo muujinaysa in uu socdo  hirgalinta dhaqan-kii Villa Soomaaliya ee Madxweyen Xasan, ee  ahaa in xilalka dowladda loo adeegsado dano gaar ah.

WardheerNews