W/Q Cabdiraxmaan Yusuf Cabdi (Soome)
HORDHAC
Soomaalida oo dawladnimada casriga ah iyo hab maamulka toolmoon si magac ah u qaadatay 1960kii, ayaa ku jira lixdan sano oo fadqalalo siyaasaddeed, daganaansho la`aan, dagaalo iyo qudbax ummadeed. Dhibaatooyinka nololleed ee ay qabatimeen dadka Soomaliyeed nus qarnigii tagay, waxa ay isugu jiraan kuwo ka dhashay jahawaeer siyaasaddeed, maamul xumo iyo kuwo dabiici ah oo markii cid maaraysa la waayay isu bedelay aafo la qabatimo.
Darxumooyinkaa ku habsaday dadka Soomaaliyeed waxaa kamida colaaddo hubeysan, abaaro soo noqnoqday, musuqmaasuq, saboolnimo baahsan, barakac joogto ah iyo ku tiirsanaan gargaarka hay`adaha. Dhibaatooyinka waxaa ugu riiq dheer is-haysiga siyaasaadda, waxaana ugu halis baddan abaaraha.
Siyaasadda dalka ayaa ah mid sanadba sanadka kasii danbeeya noqonaysa mid aan xasiloonayn oo halkii ay kasoo rayn iyo wada noolaanshaha dadka xoojin lahayd, waxa ay noqotay mid ku astaysan loolan iyo kala ridasho awooddeed. Is-haysiga siyaasadda iyo in xukun laysku qabsadaa waa wax aadamaha oo dhan wadaagaan, waxaase anfariir ah qoys qarniyo is haysta oo aan heshiin. Waayadii hore siyaasaddu ismaan dhaaf uun bay ahayd, haddase waa af kalaqaad iyo kala irdhaynta dadka, oo dooddu haddii ay ahaan jirtay aan kuu taliyo iyo ii taalin maysid, hadda waa cunay ama ciideeyey. Taasi oo uu siyaasigu ku gor-gortamo; sidaan doonayo la ii yeel ama wanaag dhammaa ee aan kala irdhayno dadka.
Is-haysiga siyaasaddu kuma koobna oo kaliya arrimaha gudaha, ee waxa uu u baxay banaanka oo dalku waxa uu hadda marayaa inuu noqdo bogcado dhuleed oo dalba in lee yahay, danihiisa uu ku fushado kana ilaashado. Soomaali isma tabar dhaanto, base siyaasi kastaa waxa uu doonayaa cid uu qabbaan u noqdo oo dadka iyo dalka ku wareejiyo, si uu uga helo sandareerto dhaqaale iyo muddo dheeraysi xukun.
Kakanaanta abaarta
Cimilada dhulka Soomaaliya intiisa baddan waa qalayl ama qalayl xigeen biyo yar (arid to semi-arid climate), marka laga reebo saddexda webi (Shabeelle, Juba iyo Ganaane) ee Soomaliya mara iyo dhul kooban. Dalka Soomaaliya oo juquraafi ahaan xaaladiisa cimilo sidaa u kakan tahay, ayaa inta baddan dadku ku tiirsan yihiin helitaanka laba xili roobaad (Gu’ iyo Deyr) oo hadii mid kamida lawaayo, nolosha aadamuhu halis gasho illaa uu ka da`o xili roobaadka kale.
Isbeddelka cimilada iyo kororka kulayla oogada dhulka aawadii, waxaa yaraaday xaddigii roobaad ee di`i jiray, waxaana soo noq-noqday in tiraba ah dhawr xili oo isxiga la waayo roob. Arrintaa oo keentay in qalaylka dhulku bato, abaartuna ay noqoto mid joogta ah. Waayadii hore abaartu waxa ay ahaan jirtay wax qarnigiiba ama nus qarnigii mar la arko, beryo dhexena waxa ay ahayd wax 20-kii ama 10-kii sanno mar la arko, haddase abaartu waa joogto la arko 3-dii ama 2-dii sannaba mar.
Sannadkii tegey ee 2025, dhammaan dalka Soomaaliya deeganadiisa waxa ay u ahayd sanad roob yaraani ka jirto, deegaanada qaybtood saddex xili roobaad raxmadi kama di`in, halka deeganada qaybna roob aad u yari ka da`ay. Taas oo keentay in hayaanku is qabsado oo naqii fufka ah inta lagu dago maalmo gudahood dhulkii roobsatay uu ka naruuro yaraado dhulkiii aan roobsan.
Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) oo soo saartay maqaal wartabin ah oo ay kaga warbixinayso xaaladda abaareed ee ka taagan dalka, waxa ay sheegtay in abaar baaxad lihi ku dhufatay dhammaan dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in deegaanada qayb ay halis ugu jiraan in ay ka dhacdo macaluul galaafata malaayiin dad ah, iyadoo lagu qiyaasay in dad ku dhaw ilaa 4.4 malyan, ay wajayahaan cuno yari. Halka deeganada qaybtood ay ka dayriyeen, biyo la`aanta kajirtaana aykeensan karto in boqolaal iyo kumaan noole ahi asqo iyo haraad ugu dhintaan.
Dhanka kale qaylodhaanta bulshada miyiga ayaa ah mid isasoo taraysa taas oo dhammaan deegaanada dalka intooda baddan ay wadaagaan. Biyo yaraaantu si guud dalka oo dhan waa xaallad cakiran oo uu baahan gurmad, deegaanada qaar foostada biyaha ahi waxa ay ka maraysaa 8 doolar, waana xadi lacageed oo ku adag in ay dadka reer guuraaga ahi iska bixiyaan. Dhanka cuntada iyo quutal daruuriga reer guuraagu wax ay ku tiirsanaayeen xoolaha oo ay siyaabo kala duwan uga faa`iidaystaan hadase xooluhu wa naashif oo caano iyo manfac kale oo loogu hirto maleh, waana ta keensatay in reer guuraagu noqdo dad intooda baddan halis ugu jira cunna yari keensan karta macaluul. Beeralayda ayaa iyaguna wajayahaya xaalad taa lamida oo ah in wabiyadii ay qalaleen, dalag wanagsanna uusan usoo go`in labbadii xili ee tagay.
Waxaa intaa sii dheer in deeqdii hay`adaha ee la tacaalidda arrimaha abaaraha ay iyana intoodii badnayd joogsadeen ama gaabis noqdeen sababo la xidhiidha duruufaha dhaqaale ee dunidda ka jira iyo is-haysiga juquraafi siyaadeed ee aduunka.
Dhibaatooyinka ay keentay abaartu waxaa kamida:
1. Biyo la`aan iyo haraad daran
Abaarta ba’an ee ka jirta dalka waxa ay sababtay in ilihii biyaha ee bulshada ku tiirsanayd ay si weyn u engegeen ama u yaraadeen, taasoo dhalisay haraad daran oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha dadka, xoolaha iyo wax soosaarka beeraha. Xiliga hadda lagu jiro oo ah jiilaal ay dhacdo dhaxanta dayra dhaafku, dadka iyo duunyaduba xaga biyaha cabistood uma badna, waxaase aad looga dayrinaya kaliisha iyo qorax dheeraha oo kusoo beegmaya xilli dad iyo duunyaba aad loo jilcay oo abaartu muddo soo haysay. Arintaas oo hadii aan raxmaadka Eebbe inoo hoorin, noqon doonta abaar aad u daran oo biya helistu ay kasii adkaato xaalada hadda lagu jiro ee kakan.
Sida lagu sheegay warbixin wadajir ah oo ay soo saareen SODMA iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in biyo la`aan daran ay wajayahaan bulshada Soomaaliyeed ha ahaadaan beeralay ama xoolo dhaqataba. Warbixinta SODMA waxay tilmaamaysaa in ka yar 30% dadka Soomaaliyeed ay heli karaan ilo biyo oo ammaan ah, taasoo ka dhigan in xaalad biyo la`aan ah oo aad u darani kajirto dalka.
2. Burbur baaxad leh oo ku dhacay beeraha
Beeruhu waa laf dhabarta dhaqaalaha iyo wax soosaarka ugu weyn ee dalka gudihiisa, inta badan bulshada Soomaaliyeed oo u badan xoolo dhaqato ayaa haddana aad ugu tiirsan wax soo saarka beeraha oo raashinka lala soo dago mooyee inta kale waxaa lagu tiirsan yahay dalagyadda ka soo go`a dalka gudihiisa.
Wax soosaarka beerha dalka ayaa ku tiirsan biyaha roobka oo inta baddan waxaa lagu waraabiya ilo biyoodyo aan waaritaan dheerayn, ilo biyoodyadda oo ay ugu waa weyn yihiin wabiyada iyo togagga ayaa qalalan, markii uu yaraaday xaddigii biyaha roobka ee di`i jiray. Afar xili roobaab oo isxiga roobka da`ay aad ayuu u yaraa, waana sababta keensatay in bara biyooodyo badani ay gudhaan, dalagyadii beeruhuna ay waaayaan biyo ay ku baxaan.
Beeraha oo ah il wax-soosaar oo ay quutaan dad aad u badani ayaa noqday kuwo aan la goosan muddo ku dhaw labo sanno, taa oo ay ka dhalatay in dad aad u badani halis u jiraan gaajo iyo macaluul aad u daran.
3. Xoolo aad u badan oo le`day
Abaartu waxay si weyn u saameysay xoolihii noolaa, kuwaa oo ah laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha reer miyiga. Roob la’aanta iyo qalaylka ba`an ee jira waxa uu keenay in daaqii iyo biyihii xooluhu in ay yaraadaan ama gebi ahaanba baaba’aan. Taas oo sababtay in xoolo badan ay la kulmaan haraad iyo gaajo daran. Deegaanno badan oo dalka ah, ayaa laga soo sheegay dhimasho ballaaran oo ku dhacday meesiyadda kala duwan ee xoolaha.
Bakhtiga xooluhu waxa uu noqday mid meelkasta yaala taas oo ay sababtay cudurro ka dhashay nafaqo-xumo iyo biyo la’aan. Halka qaar kalena raqdooda lagaga tago wadooyinka iyo guri madhanada hayaanku maro, madaama aysan socodka dheer ee gaajada iyo haraadka u dheer yihiin aysan u adkaysan karin.
Caydhnimada xooluhu ma ahan mid ku koobantay kaliya xoolaha baxay, balse waxay si toos ah u taabatay nolosha qoysaska ku tiirsan xoolaha. Xooluhu waxay u yihiin reer miyiga isha ugu muhiimsan ee cunto (caano iyo hilib), dakhli iyo badbaado nololeed. Marka xooluhu meesha ka baxaan, qoysas badan ayaa waaya ilihii ay ku noolaan jireen, taasoo ku riixda faqri, deyn iyo ku tiirsanaan gargaar bini’aadantinimo.
Khasaaraha ballaaran ee ku yimid xoolaha wuxuu horseeday barakac iyo burbur dhaqaale oo baahsan, maadaama reer guuraa badan ay ku qasbanaadeen inay ka tagaan deegaannadoodii si ay u raadsadaan gargaar iyo nolol kale. Abaartu waxa ay muujisay nuglaanta nidaamka xoolo-dhaqashada ee ku tiirsan roobka, waxayna soo bandhigtay baahida degdegga ah ee loo qabo in deeq iyo biyo dhaan deg dega lala gaadho bulshadada dayacan ee xooluhu ka baxeen, islmarkaana aan lahayn cid u maqan iyo dawlad u diirnaxda toona.
4. Nabaad guur ku dhacay dhulka
Afar xilli roobaad oo isxiga ayaa deegaanada qaybtood wax roob ahi ka di`in, laga soo bilaabo gu`gii 2024 oo seeg seega ahaa ilaa iyo dayrta hadda inaa waydaaratay dalka Soomaliya waxa intiisa baddan ka jirtay abaar adag oo dad iyo duunyaba loo baqayay.
Xilliyada abaartu sidan u adkaato waxaa dhulku noqdaa mid aad u qalalan oo si fudud u jaba islamarkaana yeesha bus iyo boodh ka dhasha fur furka ciida, kuwaa oo taayirka baaburta biyaha reer guuraagu ku dhaansadaan aad usii dilo, marka danbena waxa ay noqdaan boholo iyo dhul go`yo aan hadhaw maare loo helin.
Waxaa iyana aad u badata dhir jarista, reer miyigu marka ay waayan ishii dhaqaale iyo wax soosaarkii xoolaha, wax ay isku dayaan in waxkasta oo ay ka heli karaan il dhaqale in ay iibiyaan. Wakhtigan oo kale ee ay dhirtu qalalan tahay waxaa aad usoo bata iibinta xaabada iyo dhuxulaysiga. Kuwaa oo ah labo aafo oo gaaguun tira dhirtii tirayada yarayd ee deegaanka.
Dayaca kale ee deeganka waayadan aad ugu faafa waxaa kamida faafitaanka geedka garanwaaga, oo xooluhu abaarta aad u daaqaan kadib ay saaaladoodu geyso meelo aad u fog-fog. Sidoo kale xiliyadan geedka Garanwaagu waxaa uu helaa fursadda ah inu si xawli u faafo maadama uu yahay geed doog iyo abaar aad u tarma oo baxa, halka dhirta kale ee xero dhaladka ahayd ay ku adkaato in ay qabatimaan xaaldaha kakan ee abaartu keensatay.
Kadeedka siyaasadda
Soomaaliya waa dal soo maray burbur dheer, dagaallo sokeeye, kala qoqobnaan aragtiyeed, bur-bur hay’adeed iyo dhibaatooyin bini’aadantinimo aad u daran. Bur-burkii iyo qaranjabkii aadka u adkaa ee lasoomaray 1991, kadib dalka wuxuu galay marxalad adag oo ay adkeyd in dib loo soo celiyo dowladnimo taabagala oo laysku waafaqsan yahay islamarkaana haysata wada ogol iyo tageero ay ku shaqayn karto.
Dhisiddii Jamhuuriyadda Saddexaad oo Federaala, Soomaaliya waxay u martay waddo qodxo baddan leh. Waxa ayna ku timid jawi ay ka jireen amni darro, kala aragti duwanaansho siyaasaddeed iyo kalsooni darro ka dhexeysa hoggaanka iyo shacabka.
Hannaanka federaalka oo loogu talagalay in uu noqdo xal mideeya dalka, haddana wuxuu noqday mid muran badan dhaliyay, iyadoo ay soo noqnoqdeen khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada, gaar ahaan dhinacyada awood-qaybsiga, kheyraadka, maamulka iyo doorashooyinka. Mararka qaar khilafaadku waxaa uu gaara in deeqaha iyo gargaarada dalka loogu deeqo loo adeegsado cuno qabatayn lagu dhibaateeyo maamulo iyo dadyaw tabaalaysan.
Maanta, dalku wuxuu ku jiraa hardan siyaasaddeed iyo is-haysi aad u adag. Murannada ku saabsan doorashooyinka, muddada xil-haynta, iyo sharciyadda hay’adaha dawladda, ayaa sababay in siyaasaddu ay noqoto mid istaagta ama dib u socoda. Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka, oo ahaa tiir lagu dhiso dowladnimo waarta, weli waa mid laalaada oo aan dhammeystirnayn, cid isku raacda dhamaytirkiisana aan lahayn, taas oo sii xoojisay khilaafaadka siyaasadeed iyo fasiraado is khilaafsan oo sharciyeed.
Xaaldaddan siyaasadeed ee cakiran waxa ay ku soo beegantay xilli ay dalka ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay malaayiin qof. Abaartu ma ahan oo keliya masiibo dabiici ah, balse waa mid muujisay tabar-darrada dowladeed iyo masuuliyad la’aanta siyaasadeed. Ma jirto istiraatiijiyad qaran oo midaysan oo wax looga qabanayo abaarta, iyadoo siyaasiyiinta badankoodu ay ku mashquulsan yihiin loollan awoodeed iyo dano gaar ah. Taasi waxay keentay in shacabka ay dareemaan in aysan jirin cid si dhab ah ugu heelan badbaadintooda.
Isbiirsiga abaarta, siyaasadda aan deggenayn, dastuurka jaban iyo kalsooni darrada shacabka ayaa dalka gelisay xaalad aad u adag. Dowladda iyo siyaasiyiinta midkoodna ma muujinayaan hoggaan mideysan ama aragti cad oo lagu wajahayo dhibaatooyinkan.
Masuuliyad darrada siyaasiga iyo masiirka dadka tabaalaysan
Hardanka siyaasaddeed ee Soomaaliya ayaa maraya heer aad u adag, waxaana barbar socda dhibaato bini’aadantinimo oo sii xooggaysanaysa, gaar ahaan abaar aad u kakan oo saameysay malaayiin qof. Xaalladdan taagan, bulshada Soomaaliyeed waxay indhaha ku hayaan hoggaanka siyaasaddeed, iyagoo sugaya cid u damqata kana jawaabta baahiyaha degdegga ah iyo noloshooda halista ku jira.
Dhibaatooyinka iyo culayska la soo darsay shacbiga in ay helaan cid u hagarbaxda daaye, waxaa isa soo taraya aragtida iyo qiraalka guud ee ah in siyaasiga Soomaaliyeed uu inta badan ka hormariyo danihiisa gaarka ah, kursi, xil iyo awood, kana gaabiyo mas’uuliyaddii ka saarnayd badbaadinta iyo daryeelka bulshada tabaalaysan ee uu u dhaartay samatabixintooda.
Barlamaanka Soomaaliya oo hadda Kujira kulan ay ku ansixinayaan dastuur baal marsan sharciyadda dalka, halmarna iskama aanay waraysan xaaladaha taagan iyo abaarta aadka u daran ee dalka ka jirta, sidoo kale xukuumadda ayaan ilaa haddda aan dhaafin in ay samayso balan qaadyo guud, wax gurmad ahna aan illaa hadda laga arag.
Iskusoo wadda duuboo masuuliyiinta waddanka oo idil waxa boog iyo canbaar ku ah, in aysan dadkooda u gurman xiligii ay u tabar liiteen.
Gabagabo
Abaarta ka jirta Soomaaliya waa masiibo qaran oo u baahan samata-bixin iyo gurmad aad u ballaadhan, siyaasinyiinta oo laga sugayay door hoggaamineed, adeeg iyo gargaarka dadka ayaa ku mashquulay kalaridasho kursi iyo dano gaara. Hardanka siyaasaddeed ee Soomaalidu ma aha mid dhamaad leh halkiii ay wuxuun garaad iyo garasho ahi u kordhi lahayaeen, ayaa weli laysku haystaa aragtiyihii nus qarni kahor ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku haysatay oo ahaa xukun iyo kursi jacayl iyo kala ridashada sandareerto dhaqaale.
Abaaartu waa xaallad aad u kakan oo hadii la dhayalsado isu dhalan rogi karta dhibaato nololeed oo aad u daran iyo in mashaqooyin aan la arki jirin kas oo baxaan meelo badan, sida in ay galaafato nolosho dad aad u baddan, coldaado daba dheeraadda iyo hayaan ay dadku kusoo galaan magaalooyinka kaas oo kensan kara culays iyo fadqalalo amni.
Si guud dadka Soomaliyeed oo u badan reer miyi ayaa xoguhu sheegaan 52% ay yihiin dad ku dhaqan baadiyaha halka 48% dadka Soomaaliyed yihiin kuwo ku dhaqan magaalooyin iyo tuulooyinka. Bulshadaa tirada badan ee baadiyaha ku nooli waxaa ay u baahan yihiin gargaar iyo jihayn degdega. Siyaasiga haysta metalaadana intii waxgarada lagu baraarujiyo, intii danayste manaxe ahna dadka laga qabto.
Abaartu waa kakan tahay oo ka riiq dheertahay inta inoo muuqata, siyaasadda dalkuna maalinba maalinta kasii danabysa waa sii kadeedmaysaa jiha kasii qodxo baddan intiina waa usii hiranaysa.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi (Soome)
Email:cycsoome@gmail.com
