Hoggaan dheelliga iyo Hufnaan La’aanta: Soomaaliya

Hoggaan dheelliga iyo Hufnaan La’aanta: Soomaaliya

WQ Dayib Sh. Axmed, warbixin baaritaan

“Musuqmaasuq Soomaali waa,
 meheraddeediiye.” Sayid Maxamed

“Waayeel gurracan oo caqligu,
gaasir ka ahaaday Aan labadagallin,
dambiga, marnaba dhaafaynin,
Gujiyo ceeb ma waayee,
 bahdiis wuxuu u geystaaba.
 Goortay gefkiisa istusaan,
 yaw garnaqi doona?”   Gabaygii Garnaqsi,Cismaan Yuusuf Keenadiid

Hordhac

Taariikhda & waaya’aragnimada dawlad dhiska adduunku waxa ay na bartay in ummaduhu dib u xisaabtamaan oo ay hadba halka hannaan-kooda maamul ka debecsan yahay ay is weydiiyaan jihada uu usocdo, isla markaana ay qiimeeyaan qaab hoggaamineedka madaxdooda.

Maanta, Soomaaliya waxay u muuqataa inay joogto meel-xasaasi ah; oo ay su’aallo culus ka taagan yihiin hannaanka dowladnimo, isla xisaabtanka, iyo kalsoonida dadweynaha ee siiwiiqmaysa. Waxaa isa soo taraya dhaliilaha la xiriira eedeymaha eex qoys iyo qaraabo,  musuqmaasuq, iyo qaab maamul oo u janjeera in hantida iyo awoodda dowladdeed lagu koobo dad gaar ah.

Eedeymaha ugu xooggan ee la xiriira maamulka hadda jira waxay diiradda saarayaan wax loo arko eex qaraabo kiilnimo baah-san. Waxaa si joogto ah loo tilmaamayaa in xubno ka tirsan qoyska madaxweynaha loo dhiibay jagooyin muhiim ah oo taabanaya masiirka guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dibadda, amniga, iyo hay’addaha dhaqaalaha.

Dhaliilayaashu waxay ku dooddayaan in tani aysan ahayn oo keliya arrin sharci daro ah balse ay tahay mid khuseysa anshaxa dawladnimo iyo kalsoonida lagu qabi karo hay’addaha qaranka oo ay ahayd in lawada yeesho. Markii xilalkii qaranka lagu saleeyey xiriir qoys iyo qaraabanimo iyo saxiibtinimo halkii lagu salayn lahaa karti, aqoon, hufnaan, iyo waayo aragnimo, si waafaqsan sharciga dalka , waxaa hoos u dhacaya  sumcadii iyo karaamadii hay’addaha dowladda lagu qabay ee bulshada loogu adeegi lahaa.

Sidoo kale, waxaa isa soo taraya caddaymo ku saabsan qaabka loo maareeyey hantida iyo dakhliga qaranka, gaar, ahaan heshiisyo lagu naas-nuujinayo xubno ka mid ah qoyska, caruurta, iyo ehelalda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saxibadisa siyaasadda.

Adeegyadii dowladdu sida tooska ah u maamuli jirtay sida canshuur ururinta, adeegyadii laanta socdaalka, maamulkii dekedda Muqdisho, iyo gacan ku haynta dakhli dhallinta garoonka Aadan Cadde ayaa gacanta loo geliyeyay dhammaantood shirkado ay gaar u leeyihiin ama wax ku leeyihiin qoyska madaxweynuhu. Inkasta oo ay dowladdu mararka qaar adeegsan karaan iskaashi noocan oo kale ah, haddana su’aasha taagan waxay tahay: ma jiraan habraac, tartan furan, iyo kormeer dhab ahi?  Mise waa nidaam dhaqaale loogu ururinayo dad kooban oo isugu jira qoyska madaxweynaha iyo xigtadooda?

Dhaliilo culus ayaa sidoo kale ka jira iibinta iyo ku takri-falka hantida guud, gaar ahaan dhulka dadweynaha. Warbixino kala duwan ayaa tilmaamaya in dhul dowladdeed la iibiyay ama loogu wareejiyay dad gaar ah, si aan sharci ahayn, iyadoo arrintani la socoto barakac iyo caburin loo geysto shacabka danyarta ah. Kuwaasi oo si toos ah u dhaawacaya kalsoonida muwaadiniintu ku qabi karaan guud ahaan dawladnimada. Intaa waxaa dheer, waxaa jira cabashooyin la xiriira maamul-xumo ku saabsan agabka ciidanka iyo qandaraasyada dawladda. Waxaa jira heshiisyo lala galay waddamo badan sida Turkiga oo shidaal baaris ah, hase yeeshee  cidna aanay wax ka ogayn, xitaa Baarlamaankii Federaalka ee  korjoogteyn lahaa heshiisyada ay xukuumaddu la gasho dalalka dibada,  iyada oo waxa lugu heshiiyay cidna la socon! Waxaa la sheegaya in aan la kala aqoon boqolleyda (%) saamiyada loo kala leeyahay.

Safarkii RW/xigeenka iyo wafdigiisa ee gobolka West Virginia

Sidoo kale waxaa jira bishii Maarso 14, 2026 kedii in Ra’iisal Wasaare ku xegeenka DFS Md. Saalax Jaamac oo ay waheliyaan Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka, Dahir Shire Maxamed iyo gabadha madaxweynah Jihaan Xasan, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC, Daahir Xasan Cabdi kulan la soo qaateen aqal hoosaadka gobolka West Virginia ee Maraykanka,oo ay dabadeed iclaamiyeen in ay heshiish la soo galeen dawladda Maraykanka, taas oo ahayd been abuur.  Dawladda Marakanku meelna kuma ayan arag lamana, fariisan, waxa ay heshiis aan la aqoon la soo galeen gobol ka mid ah Maraykanka, taasina waa qayb ka mid ah jahawareerinta bulshda iyo caadeysiga xubnaha dawladda ee ah boor iskuqarinta.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Saalax wuxu uu qornaa sidatan:

“Waxa aan maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joognay dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka West Virginia, halkaso aan goobjoog ka ahayn fadhi Baarlamaanka gobolku kumeel-mariyey qaraar la gu dhiirragelinayo maalgashiga ! Soomaaliya. Intii uu fadhigu socday, waxa dhacay saxiix is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo la xidhiidha iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi.

Fadhigan waxa sida oo kale khudbad fogaan-arag ah ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Diblomaasiyadda dhaqaaluhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda ay Xukuumadda Dan-Qaran maalgelin caalami ah u gu raadinayso ajandayaasha waaweyn ee horumarinta dhaqaalaha ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarnijirka ee 2060, si dadweynaha Soomaaliyeed loo ga faa’iideeyo fursadaha dhaqaale ee dalka ka jira. Duniduwaa ay ka gudubtay xidhiidhkii ku saleysnaa gargaarka aadanaha, waxa na ay u wareegtay iskaashi ku dhisan maalgashi iyo wax-wada-qabsi.


Dawladda Federaalka Soomaaliya oo isticmaalaysa xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed waxa ay isbeddelkan u aragtaa fursad muhiim ah oo dalku kusoo jiidan doono maalgashi caalami ah. Iskaashiga soojireenka ah ee Soomaaliya iyo Maraykank aayaa furaya jiho cusub oo ku saleysan maalgashi iyo isweydaarsiga danaha wadaagga ah.’’


Waxaa muuqata dowladda hadda xilka joogta in ay ka aradantay waxna aysan ka aqoon, xidhiidhka arimaha dibada iyo dublomasidaya. Runtii West Virginia waa gobalada Ameerika ugu dhaqaalaha liita ama faqrisan, waxuun kaga jiraa gobala Ameerika kan 49 xaga wax- soosaarka. Dadkiisana waxay ku tiirsanyahiin 70% dowlada dhexe ee fedarelka Ameerika, Soomaaliya waxba kuma soo kordhin karaan.

Heshiisyada la xidhiidha Macdanta iyo Batroolka ee adduunka, gaar ahaan reer galbeedka, waxa heshiis lala galaa shirkadaha caanka ku ah maalgashiga wax-soosaarka iyo technoolajiyada casiraysan ee baadhista Shiidaalka ama waxaa heshiis gala laba dowladeed, hase yeeshee wali taariikhda laguma arag dowlad heshiis lagashay Barlamaan gobolleed yar, oo Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir u soo galaan safar dheer, madaxweynahii \qaranku-na uu u soogalo aalada fogaan araga oo goobta shirka ka hadlo. Arintani wa waji gabax iyo bahdil mansabka iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, waana qorshe xume, waayo aragnimo la’aan iyo marinhabaabis dadka Soomaaliyeed hoggaaanku xilka hayaa kula kacayo.

Waxaa jira edaymo, sheegaya in sahay ciidan la leexiyay ama qandaraasyo lagu bixiyay si eex ah, taasi oo keenaysa khatarta baah-san ee musuq-maasuqa oo keliya mahaa, kuwa taabanaya amniga qaranka iyo awoodda dowladda ee ilaalinta dalka. Marka la eego dhammaan arrimahan, waxa soo baxaya sawir ballaaran oo ku saabsan ku tagrifal awooddeed, ama ka tabcasho, dowladnimada oo ay sameeyaan kooxo gaar ah. Tani waxay keentaa nidaam ay awoodda siyaasaddeed, dhaqaale, iyo kheyraadka qaranku ku ururaan gacmaha dad tiro yar, halka shacabka intiisa badan ay sii dareemayaan culays dhaqaale iyo adeegyo liita. Canshuuraha kordhaya iyo adeegyada la bixiyo oo mararka qaar dib looga iibiyo shacabka waxay sii xoojin kartaa dareenkaas kalsoonidarada, shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladooda.

Dhanka kale, waxaa jira Madaxweyne Xasan Sheekh in uu meel fagaare ah ka sheegay in caruurtiisu ay yihiin mawadiniin oo ay ka shaqayn karaan dowladda laakiin waxuu iloobay caruurtiisu in ay yihiin caruurtii madaxweynaha oo aysan jirin jago ka saraysa oo ay gaarilahayeen.

“Soomaalidu waxay ku maah-maahda ‘’ Hadey tani eex kaa tahayna aakhiraa loo ba’ay, hadey aqoon darro kaa tahay aduunkaa la ba’ay.’’

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si weyn loogu eedeeyay in jagooyin muhiim ah lagu magacaabay xubno ka tirsan qoyskiisa, taas oo dhalisay dood ku saabsan hufnaanta iyo cadaaladda maamulka.

Kol haddaan wadnuhu kuu gaarrayn, geydha kugu yeedhye,
 Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe.
 Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto.
 Geestayda waafulay ninkii, goob ka saahidaye.
 Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar ufaashadaye.
 Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye.
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.”
“Inkastoo gayigu waa xormee, gaadhka lagu meershe.
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay.
Xaajada god-raaca lehi haddii, loo gab-bala eego.
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye.
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda.
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.”
Abwaan Maxamed  Warsmae Ibrahim(Hadraawi) Gabaygii  Gudgude.

Boosaka ay haysataan qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh

Maxamed Cabduqaadir Cali, waxuu qabaa gabadha Xasan xaskiisu dhashay oo uu soo korsday xilka uu hayo: waa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud– Gabadha Madaxweynaha udhalay, Xilka ay hayso: lataliyaha garka ah ee madaxwehnaha ee Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga(2023) .iyo  La-taliye Sharci ee qusliyadaha wasarada. Waxaa lagu eedeeyaa inay ushaqeyso sidii Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan rasmi ahayn iyadoo da’ yar oo aan waayo aragnimo shaqo lahayn, waxaa kaloo la sheegaya inay saameyn ku leedahay magacaabista diblomaasiyiinta isla markaana ay ka reebtay safiiro khibrad leh shirar muhiim ah.

Subayda Xasan Sheekh Maxamuud– Gabadha kale ee Madaxweynaha , Xilka ay hayso; Qunsul & La-taliye Sharci, Ergada QM (2025), iyadoon lahayn Khibrad maamul dowladeed iyo diblomaasiyad midna.

Kornayl Cabdifitaax Xasan Sheekh Maxamuud – Wiilka Madaxweynaha

xilka uu hayo; Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee madaxweynaha ahna hoggaanka saadka iyo sahayda ciidanka  ilaalada villa Soomaaliya, isagoo ku biiray ciidanka(2025), intii ujiray xukunka aabbihiis; wuxuu helay dallacsiin degdeg ah oo ka hormarisay, saraakiil khibrad ciidan leh.

Cabdiqani Xasan Sheekh Maxamuud – Wiilka Madaxweynaha oo lagu eedeeyay ku lug lahaansha dhul-boobka, gaar ahaan deegaanka Sinai. waxaa lagu xiriinayaa, barakaca baahsan ee dadweynaha Muqdisho.

Xaaska Cabdiqani – Xaaska wiilka madaxweynhu xilka ay hayso waa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Fayo-Dhowrka Soomaaliya(2025). wax khibrad shaqo oo la ogyahay malaha.

Aadan Rooble – oo madaxweynhu soddog uuyahay (seyga Jihan). Xilka uu hayo waa Agaasimaha Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (10/2024). waa xil dhaqaale oo culus oo lagu helay magacaabis siyaasaddeed.

Cabdirisaaq waa wiilka uu Xasan Xaaskiisu dhashay oo uu soo karsaday, waxuuna leeyahay shirkada Arimas Group of Companies, oo la wareegtay Garoonka Aaden Cadde  qeybta adeega agabka iyo VIP

Hinda Culusow –qaraabo dhow, xilka ay hayso waa; Madaxa habmaamuska (Protocol-ka) Villa Somalia. waxaa lagu eedeeya xakameynta iyo musuqa gelitaanka madax-toyada, daka raba inay arkaan Madaxweynaha, iyo ka reebidda diblomaasiyiinta shirarka qaarkood. Walaalaha Madaxweynaha, Waxaa lagu eedeeya helidda qandaraasyo dowladeed sida shidaalka militariga iyo nidaamka taar-kada gaadiidka dadweynaha.

Xaasaska Madaxweynaha– Waxaa lagu eedeeyaa ku lug lahaanshaha dhul-boob-ka iyo qandaraasyo dowladdeed.

Qaar ka mid shirkaddaha ay saamiga ku leeyihiin qoyska iyo qaraabada madaxweynuhu:

1) Shirkada Baasaboorada ee  Empire Company- Shirkadaasi oo la haanshaheeda lala xiriiriyay qoyska madaxwaynaha, saamiga 55% shirkada, halka 45% ay leedahay dowladdu.
2) Fiisaha deganaanshaha- shirkadda saamiga qoyska madaxweynaha 40% dowladda 60%.
3) Shirkada ganaaxyada dadka sharci-darada ku jooga- qoyska madaxweynaha 80%,  dowladda 20%.
4) Shirkada maamusha E-Visa- Saamiga qoyska madaxweynaha 45%, dowladda wax ka yar 55%.
5) Maamulka Hawada (Airspace)- Saamiga qoyska madaxweynaha 40%, dowladda 60%.
6) Shirkada Adeega Maareynta Garoonka Muqdisho:  Qoyska madaxweynaha ee  Arimas Group of Companies,  iyo shirkada Turkiga- Favori LLC 60%,  dowladda 40%.
7) Albayrak Group (Turki) Adeega Dekedda Muqdisho– shirkadda qoyska madaxweynaha iyo shirkada Turkiga 62%, dowladda 38%. Albayrak Group Turkish company iyo Favori LLC contract wuxuu dhacay, sanadkii 2020 buu ku akaa.
8) MGS Soft Inc. Adeega Cashuurta kirada waxay ku dartay 30%, shirkada hashiiskeedu wuxuu dhacay June 2025, walina waxay shaqaysaa sharci daro.
9) Waayeel Consulting service- Shirkada oo la shaqaysa Wasaarada Maaliyadda,  waaxda canshuur arurinta. Waxa wada leh qoyska madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda 30%,  dowladda 70%.
10) Ifi Waste Management: Adeega Nadaafadda Muqdisho Kharash: 5–10 bil kasta. Waxa wada leh qoyska madaxweynaha iyo Yasiin Dhagool oo  ay qaraabo yihiin.
11. Adeeg dhan $40 million oo laga qaaday isticmaalka hawada Soomaaliya (airspace fee)- Waxaa la sheegay in lagu shabtay akoon- Navpass- oo ku yaal UAE.

Arimahan aan kor ku soo xusay, waxa ay keeneen awoodda iyo dhaqaalaha oo ku ururay koox yar oo qaraabo iyo saaxiib la ah madaxweynaha. Musuqa iyo hufnaan la’aanta adeega, dakhliga oo aan si cad loo xisaabin karin, culeys shacabka la soo darsay, canshuur iyo adeegyo laba-laab ah,

Arrimahan oo idil waxay mudan yihiin in laga yeesho dood cilmiyeed qoto dheer oo albaabka u fura mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Hadaba Su’aashu ma aha oo keliya dhinaca sharci oo kaliya balse waa dhinca cadaaladda, iyo isla xisaabtanka, iyo ilaalinta hantida qaranka. Haddii aan si dhab ah loo abbaarin, waxay halis gelin kartaa kalsoonida shacabka iyo dhismaha dowlad shacabka u adeegta oo aayatiin waara yeelata.

Ugu dambeyn, xaaladda maanta Soomaaliya waxay si cad u muujinaysaa baahida loo qabo hoggaan leh xil gudasho dhab ah, ku dhaqma shuruucda dalka, hufnaan, karti cadaalad, aqoon iyo damiir ku dhisan mas’uuliyad iyo Alle ka cabsi.

Hoggaanka noocaas ahi waa inuu ka madax bannaanadaa eexda qabyaaladda iyo ku milanka falalka musuqmaasuqa, kuwaas oo muddo dheer caqabad ku ahaa horumarka dowladnimo. Sidoo kale, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo mabaadi’da daahfur-naanta, isla xisaab-tanka, iyo maamulka ku dhisan cadaallad iyo sinnaan. Hoggaan ka sarreeya dano qoys, qabiil ama koox ayaa ah tiirka kaliya ee lagu dhisi karo hay’addo dowladdeed oo shaqeynaya, isla markaana kasban kara kalsoonida shacabka. Haddii aan si cad oo daah-furan loo wajihin su’aalaha la xiriira maamulka, huf-naanta iyo mas’uuliyadda, waxaa sii adkaan-doonta dadaallada lagu dhisayo dowlad u adeegta dadka oo leh sharciyad iyo taageero bulsho.

Maamul-xumada iyo cadaallad-daradu waxay khatar ku tahay geeddi-socodka dib-u-dhiska dowlad-nimada, gaar ahaan marka kalsoonida dadweynuhu ay tahay saldhigga ugu muhiimsan ee dowlad shaqeysa. Masiibada dhabta ah ma aha oo keliya eedeymaha la soo jeediyo, balse waxay si qoto dheer ugu jirtaa suurta gal-nimada in kalsoonidii dib u soo noqoto iyo kabashada dowladni-mada oo si tartiib tartiib ah u wiiqantay, haddii aan la helin xal muuqda oo wax ku ool ah.  Sidaas darteed, waxaa lagama maar-maan ah in la qaado tallaabooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtan dhab ah iyo dib-u-soo-celinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Dayib Sh. Axmed
Email: Dayib0658@gmail.com