SANNAD HOODAALE

SANNAD HOODAALE

Hal abuurkaa
Maansa hudiyoo
Hidde weeyee

Sida haradoo
Gugu heegada
Ku haraatiyay
Dirka Hoobaan

Dar haloosiya
Oo haraaciya
Marka loo horo
Heesta geeliyo

Hoobaleydaa
Loo hawadiyaa
Hambalyayntiyo
Anna hirashada

Huri maayee
Sanad hoodale
Oo hagaag iyo
Hibo lagu ladhay

Oo hanaan wacan
Ood ku hodantaan
Hidiyoon gacal
“Hoo” ku leeyahay

W.T. Abwaan Gammuute