Gorfeyn: Adan Makina
Odhaahda Gorfeeyaha: Buug ahmiyad taariikheed leh, kana warramaya waxyaabihii halakeeyay Afrika dhammaanteed siiba Geeska Afrika oo uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo goor dhow la daabacay waana buug xanbaarsan duruufooyiin taarikheed oo kala geddisan. Buuggan oo ku qoran af Soomaali, wuxuu anfacayaa cid kasto oo dooneysa in ay wax ka ogaato ama ka barato taariikhda Geeska Afrika. Qoraaga oo ah dalmareen abaabulan, wuxuu ka sheekeynaya la kulankiisi madax ka kala timid adduunka dacalladiisa, dareenkoodi iyo damacoodi dahsoonaa, feejignaan la’aanti madaxda Soomaaliyeed iyo kala durugsanaantooda dhanka arrimaha bulshada, siyaasadda, iyo dhaqaalaha guud. Wuxuu qeexay qoraaga in uu yahay qofki ugu horreeyay ee Soomaalida Kiiniya ku qora buug afkiisa hooyo–kaas oo ah afka hodanka ah ee Soomaaliga ee soo jireenkaa ahaa. Waa suugaan da’ weyn oo u soo hoyatay Soomaalida Kiiniya, waayo, waxay horseedi doontaa in jiilka da’da yar ee maanta iyo kuwa soo socda ay ku mahadiyaan una kuur galaan muhiimadda afka Soomaaliga uu leeyahay. Buuggan oo lagu tarjumay afka Ingiriiska ayaa la filaya in uu soo baxo bisha Abriil ee sannadkan aan ku jirno. Haddaba si aad uga dhugato Gorfeynta buugga, hoos ka akhri.
_____________
Waxaa ii Sharaf iyo mudnaan ah in aan gorfeeyo buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika” ee uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Maxamed Cabdi Afey waa qoraa, isla markaana ah Danjire ama dibloomaasi, horeyna u ahaa Mudane Baarlamaan ka soo jeeda degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kiiniya haddana loo yaqaan “Wajir County” afka qalaad oo la mid ah Gobolka Wajeer. Hordhaca buugga wuxuu faahfaahinayaa duruufihii adkaa ee uu qoraaga la kulmay, waxayna ahayd Qarnigii 20aad oo ahaa xilli Afrikada dhammaanteed ay la tacaaleysay xurriyad u dirir–taas oo ay sabab u ahayd kala qaybinta Afrika oo ay hormuud ka ahaayeen waddamada Yurub qaarkood.
Buugga wuxuu ka koobanyahay 13 cutub ayadoo cutubka ugu danbeeya ay ka muuqdaan sawirro xiiso badan. Sidoo kale, dhexda cutubyada qaarkood waxaa ka dhex muuqdaa sawirro aad ku arki doonto qoraaga oo la kulmaya madax Soomaaliyeed, kuwo Kiinyaan ama Kinyaati ah, iyo qaar kale oo caalamka daafihiisa ka kala imid. Qoraaga waa qof ku talaxtegey derejooyiin isku wada eg marka af Soomaali ahaan loo eego–waana kuwa aynu u naqaano ergey, dibloomaasi, safiir, ambashatoor, xildhibaan ama hoggaamiye.
In qofka yeesho hannaan xigmadeed oo kala duwan ama taqasusyo kala nooc ah waa lama huraan. Inta badan, madaxda Soomaalida waxay isku mushquuliyaan ama isku maaweeliyaan hal nooc oo derejo ah.
Dibloomaasi Maxamed Cabdi Afey waa qof aqoon ballaaran leh ama wax baranaya. Qofka noocaas afka qalaad waxaa loo yaqaan Polymath. Sido kale, waa Philomath oo la micne ah qof jecel waxbarashada iyo culuunta kala duwan. Sideedaba, cilmigu siyaasadda, cilmi nafsiga, iyo barashada dib-u-heshiisiinta aadanaha waxay horseeddaa u kuur gal wax hor leh.
Qoraaga, maadaama uu ku dhex jiray muddo dheer arrimo la halmaala dad leh jinsiyado iyo afaf kala geddisan, waxaa garashiisa ku soo kordhay aragtiyo u gaar ah oo lama ilaawaan ah.
Waa buug qofka akhrista indhihiisa soo jiidanaya maadaama loo daabacay hab casriyeysan isla markaana ka warramaya duruufo kala geddisan. Waxa laga yidhi buugga ayaaba ah mid aan hore loo arag. Tusaalle ahaan, dhowr qof oo madax ka ahaa Soomaaliya ayaa ka bixiyey hadallo dhaxal reeb ah.
Dhanka Milicsiga Sooyaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ah Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Danjire Afey, wuxuu muujiyay karti, daacadnimo, hufnaan iyo adkeysi, taaso dhaxalsiisay in uu ku guuleysto waajibaadkii loo igmaday (Afey, 2025, p.12).” Ereyga dhaxalsiin waxaa loo fasiri karaa wax uusan horey u aqoon oo ku soo kordhay garaadkiisa ama garashadiisa.
Sidoo kale, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya, wuxuu qiray in Danjire Maxamed Cabdi Afey ahaa dibloomaasi muhiim noo ahaa wakhtigii maxkamadaha, iskuna dayey in uu ka midho dhaliyo in Soomaalidu heshiis gaarto. Sheekh Shariif wuxuu hadalkiisa sii raaciyay, “Aniga saamayn gooniya ayaa hawlihiisa igu lahaayeen (Afey, 2025, p.13).” Saameynta gooniga ah ee uu Sheekh Shariif tilmaamay waa hal-ku-dheg ama dareen u gooni ah. Waxaa jiraa cutub ka sheekeynaya gelitaanki Sheekh Shariif xuduudda Dalka Kenya.
Mudane Sacid Cabdullaahi Deeni oo ah Madaweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland wuxuu sidoo kale yidhi “Danjire Maxamed Cabdi Afey wuxuu qayb libaax ka soo qaatay hanaqaadka nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya waxaa sidoo kale dhigaalka muujinayaa dadaalkii uu galiyey Danjire Muxammad sidii uu ku horumarin lahaa hamigiisa ka qeybgalka siyaasadda Dalka Kenya (Afey, 2025, p.14).” Hamiga uu sheegay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deeni, waa la jaanqaad u hor lahaa ama ku cusbaa qoraaga, waana tallaabo uu ku guuleystay.
Waxaa kaloo xusid mudan hadal aan ka soo xigtay buugga waana hadalkii Mudane Danjire, Xuseen Cabdi Xalane oo buugga ku xardhan, wuxuuna yidhi, “Diiwaanka uu taariikh nololeedkiisi ku soo miinguuriyay Danjire Maxamed Cabdi Afey, wuxuu xanbaarsan yahay taxanaha dhacdooyiin mug leh oo wax ku soo kordhiyey geeddi-socodka siyaasadeed ee Geeska Afrika siiba Soomaaliya.” Danjire Xuseen Xalane wuxuu hadalkiisa sii raaciyay hadal wax-ku-ool ah kaas oo ah “Saameynta Danjire Afey ku lahaa dib-u-yagleelka Dawladda Soomaaliyeed waa mid ajnebi iyo Soomaaliba ka marag kacayaan (Afey, 2025, p.15).” Dib-u-yagleelka ee uu magac dhabay Danjire Xuseen Xalane waa ciyaar labaad ama ciyaar u dhaxaysa laba kooxood ama ciyaartoy loolameysay, taasna waxaa marag u ah in qoraaga ku hawlanaa dib-u-heshisiin labo kooxood oo siyaasad ku loolameysay.
Sidoo kale, Mudane Fahad-Yaasin Xaaji Daahir oo ahaa la taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu iftiimiyey hadalkan qiirada badan: “Danjire Afey waa qof naftiisa sameeyey, oo nolosha inta ka hor timid xoog u soo jiiray, ilaa uu yoolkiisa soo taabtay waana sababta uu magaca iyo maamuuska uu hadda huwan yahay ku gaarey.” Mudane Fahad Yaasin wuxuu kaloo yiri, “Sida taariikh nololeedkiisa ka muuqata, Safiirka wuxuu wakhtigiisa u huray danaha qawmiyadda Soomaaliyeed, dhiig iyo dhalasho run ah ayuu muujiyay (Afey, 2025, p.16).” Mudane Fahad-Yaasiin Xaaji Daahir wuxuu oodda ka qaaday in qoraaga uu muujiyay oraahdii ahayd “dadaal gaadhi doontide.”
Adan Makina
WardheerNews
Email: adan.makina@gmail.com
