Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 11
Puntland: Madaxweyne Akhri Qodobka 80-aad!
Post

Puntland: Madaxweyne Akhri Qodobka 80-aad!

W/Q:  Siciid Maxamed Axmed “Carafaad” Hordhac. Wadatashiyo badan oo ay yeesheen cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaa lagu go’aamiyey in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay, oo ujeedadiisu ay ahayd in laga tashado ayaaha dadka degan deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya iyo in...

Puntland: Asaaskii labaad!
Post

Puntland: Asaaskii labaad!

W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D. Xeeldheerayaasha siyaasaddu, waxay dowladnimada ku qeexaan: heshiis bulsho oo ka yimi, ilbaxnimo la kala dhaxlay, oo facba faca xiga, xarigiisa u dhiibay! Aragtiyo dhawr ah baana jira, oo xeeldheerayaasha siyaasaddu, ka dhigteen tub ay u maraan, bidhaaminta iyo turxaanbixinta, markay doonayaan in dulmar guud ay ku sameeyaan, sooyaalkii fakar ee...

Labo kulan: Danjire Maxamed Cali Ameerika iyo Wiilkii kurayga Ahaa ee Reer Ifo
Post

Labo kulan: Danjire Maxamed Cali Ameerika iyo Wiilkii kurayga Ahaa ee Reer Ifo

W/Q Axmed Cabdidool Xerada qaxootiga ee Ifo oo la leeyahay ‘Ifo-Nuuro’ haddii aad maqashay, kulayl mooyee wax kale looguma bixinin magacaas. Maalmuhu waa isku mid sanadka oo dhan. Maalin maalmahaas isku eg ka mid ah, ka dib markii aan qadeeyay ayaan huurka iyo qoraxda kulaylka badan geed ka hoos harsanayay. Waxaan dhageysanayay idaacada FM-ta. Waxaana...

Kheyraadkeena dabiiciga ah – Laaca aragtaye laagga ma ogtahay?
Post

Kheyraadkeena dabiiciga ah – Laaca aragtaye laagga ma ogtahay?

W/Q Nuuradiin Aaden Diiriye Ka faa’iideysiga kheyraadka dalka, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah sida Saliida iyo Gaaska, waxaa ay intii mudda ah ay bartanka uga jirtey laba dood oo iska soo horjeedda. Dood waxaa ay qabtaa in si degdeg ah loo soo saaro kheyraadkeena loogana faa’iideysto. Hammuun dheeraad ah ayey dooddaasi u qabtaa in ay...

KHATARTA ADEEGSIGA CIIDAN BEELLEEDKA KA DHALAN KARTA
Post

KHATARTA ADEEGSIGA CIIDAN BEELLEEDKA KA DHALAN KARTA

W.Q. Maxamuud Cabdillaahi Axmed “Cudurka gala fardaaHaddii laga gubo dameerDawadiisa lama gaadhayo” Hees Waxa bishan  Sebtember horraamaheedii ee sannadkan 2022da warbaahintu tebinaysay kacdoon ay ciidan-beeleedka Macawisley ku qaadeen xarakada Al-Shabaab. Kacdoonkani ma aha mid iska yimi ee waa qorshe siyasadeed oo ay si firfircoon u abaabulayso Dawaladda Federalka ee Soomaaliya (DFS), iyadoo uu dhawaan booqday...

Saboolnimada Damaiirka!
Post

Saboolnimada Damaiirka!

Waa Soomaali. Dilka, dhaca iyo barakicintu waa u joogto. Oohin, calaacal iyo qaylo way ka dhammaatay. Waa la wada arkaa dadweyne iyo dawladba haddana cid dan ka lihi ma jirto. Indhahaa laga wada qarsaday. Waxay noqdeen looma ooyaan. Taas micnaheedu ma ahan in ay yihiin dad lagu xaqiray maamulka oo cid ku matasha, dhibtoodana wax...

GANACSIGA XOOLUHU WAA KU KHAMAAR XOOLO-DHAQATADA
Post

GANACSIGA XOOLUHU WAA KU KHAMAAR XOOLO-DHAQATADA

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed “Marka duunyo nooshahay ayaa dad nool yahay” Murti Soomaaliyeed Sida aan maqaal hore ugu soo baxay WardheerNews ku xusay, waxay xoolo-dhaqatada Soomaalidu la falgaleen suuqyada badeecadaha ee mgaalooyinka; taasoo ay ka dhalatay lacagaynta neefka xoolaha ahi. Qoraalkani wuxu isku koobi xidhiidhka qoyska xoolo-dhaqatada ahi la leeyahay sicirka suuqa ee raashinka la...

MADXAFKII MIYAA DUMAY?! 
Post

MADXAFKII MIYAA DUMAY?! 

W.Q. MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI Labeenta iyo miidda hadalku waa godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho.  Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha...

Doorashada Ruto: Maxay guushiisu lama filaan u noqotay?
Post

Doorashada Ruto: Maxay guushiisu lama filaan u noqotay?

Qore: Xamda Cigaal Kenya waxa ay ka mid tahay, waddammada dimuqraadiyaddoodu ay hanaqaadka tahay marka la joogo Geeska Afrika ama guud ahaanba Afrika, haddana mar kasta oo ay doorasho dhacdo waxaa natiijadeeda hadheeya muran iyo ismaandhaaf! Tan iyo markii ay xornimada qaadatay Kenya sannadkii 1963kii, waxaa la doortay 4 madaxweyne. Dimuqraadiyadda iyo doorashadan casriga ahina,...

Post

MA KA BIXI KARNAA DAGAALKA DIINTA KU SALAYSAN?

W.Q: CabiRaxmaan Cilmi Xaashi Ururrada hubaysan ee Wahaabiyada/Salafiyada waxay maalin kasta xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ayadoo Alle loogu dhawaanayo xasuuqaas. Waxay ku andacoonayaan in dadka Soomaalidu riddoobeen dhammaan, dhiiggooduna bannaan yahay. Sida maafiyada ayey qof kasta oo bulshada ka dhex muuqda waxay ku tooganayaan suuqa dhexdiisa. Inta badan waxaa dadka la sugaa markay salaadda kasoo baxaan,...