Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashada Ruto: Maxay guushiisu lama filaan u noqotay?

Qore: Xamda Cigaal

Kenya waxa ay ka mid tahay, waddammada dimuqraadiyaddoodu ay hanaqaadka tahay marka la joogo Geeska Afrika ama guud ahaanba Afrika, haddana mar kasta oo ay doorasho dhacdo waxaa natiijadeeda hadheeya muran iyo ismaandhaaf!

Tan iyo markii ay xornimada qaadatay Kenya sannadkii 1963kii, waxaa la doortay 4 madaxweyne. Dimuqraadiyadda iyo doorashadan casriga ahina, waxa ay la cimri tahay doorashadii uu Muwai Kibaki kaga guulaystay, madaxweynihii muddada dheer xukunka haystay ee Danial Arab Moi.

Ruto iyo Odinga

Sannadkan doorashada Kenya waxa isku hirdiyayay laba nin oo hore isku xisbi u ahaa; Raila Odinga iyo William Ruto. 2007dii William Ruto waxa uu dhisayay Odinga. Doorashadaas waxa aad loo saadaalinayay in uu ku guulaysan doono Raila Odinga, waxaase soo baxday natiijo Kibaki u aqoonsanaysa madaxweyne. Natiijadaas waxaa ka dhashay ismaandhaaf markii danbena isku beddelay gacankahadal dhex mara qowmiyadihii ay kasoo kala jeedeen labada isbahaysi.

Murankaas waxaa lagu xalliyay in labadii musharrax ee tartamayay midna madaxweyne laga dhigo oo Kibaki ah, Railana loo aqoonsado Raysalwasaareha, islamarkaana waxkabeddel lagu sameeyo dastuurka dalka.

Raila waxa uu mar kale 2013kii tartan la galay isbahaysi ay samaysteen Uhuru Kenyata iyo William Ruto, labadan nin doorashadii tan ka horraysay waxa ay kala taageerayeen Muwai Kibaki iyo Raila Odinga, kaddib heshiiskii Uhura iyo Odinga ayay xisbi samaysteen, oo la tartameen Raila, islamarkaasna kaga guulaysteen Odinga.

Tartan kale ayuu Odinga 2017kii la galay madaxweynihii xilka hayay ee Uhura Kenyata, iyadana markii Afraad ayaa laga guulaystay. Raila Odinga markiisii shanaad ayuu u orday tartanka madaxweynenimo ee dalka Kenya, natiijadii soo baxdayna waxa ay sheegtay in laga adkaaday!

Maxaa hadda sababay guuldarrada Raila Odinga oo aad loo saadaalinayay guushiisa?

Kenyatta iyo Ruto

Doorashada sannadkan la galay aadbay uga duwanayd kuwii hore u dhacayay, aadna way uga xiiso badnayd. Waxa ay ahayd doorasho aan la kala sheegi karin cidda mucaaridka ah iyo cidda muxaafidka ah. Madaxweynihii xilka ka degayay, waxa uu dhisayay Raila Odinga oo xisbi mucaarad ah ka sharraxnaa, madaxweyne/xigeenkii xilka hayayna waxa uu u tartamayay madaxweynenimo, isaga oo uu ka hiilinayo madaxweynihiisii ay soo wada shaqeeyeen.

Raila Odinga iyo qoomiyaddiisa uu kasoo jeedaa muddo dheer ayay ku taamayeen in ay hoggaanka Kenya mar uun gacanta ku dhigaan, mar walbase waxaa dhacaysay doorasho ay dareemayaan in laga xaglinayo. Raila aabbihii oo mar madaxweyne ku xigeen noqdayna kuma uu raagin xilkaas.

Doorashadii 2017kii oo tabasho badani ka timid deegaannada uu Odinga metelo, madaxweynihii xilka ku fadhiyay ee Uhuru Kenyata, waxa uu go’aansaday in uu dhiso Raila, markii xogtaasi soo baxdayna waxaa muuqatay sansaantii uu Raila madaxweyne ku noqon lahaa. Taasise ma dhicin sida natiijadii dhawaan lagu dhawaaqay ay sheegtay. Waxaana la isweydiin karaa sababtu waxa ay tahay.

Qoomiyadda Kukuya oo tiro ahaan ah cidda ugu badan qoomiyad ahaan, islamarkaana dhaqaalaha iyo aqoonta Kenya hoggaanka u haysa, waxa ay indheergaradkoodu jaangoyn jireen qofka talada qabanaya, qoomiyaddan oo Madaxweyne Uhura uu kasoo jeedo, mar haddii uu Raila go’aansaday in uu taageero, waxa dad badan oo siyaasadda falanqeeya u muuqatay in ay markan u fududaan doonto inuu muddo dheer kaddib kursiga ku fadhiisan doono.

Markii uu ololaha doorashadu bilawday, waxaa la arkay madaxweyne kuxigeenkii Kenya oo la yaraysanayay awood ahaan, oo olole nidaamsan oo ujeeddaysan ku hawlgelaya, William Ruto oo ah nin aan kasoo jeedin qoys ladan ama sooyaal siyaasadeed leh, waxa uu arrin loo arkayay in ay ku tahay iin, u beddelay fursad. Ruto waxa uu ku dedaalay in uu gado sheekada sooyaalkiisa, ee nolosha adag iyo loollanku ay ku gedaamanyihiin. Sheekada waxa uu u dhigay qaab iyo luuqad ay si fudud u fahmi karaan jiilka da’ yarta Kenyaanka ah ee la daalaadhacaya duruufaha adag ee shaqo la’aantu ay ugu horrayso.

William Ruto waxa uu si qurux badan usoo bandhigay kala duwanaanshaha u dhexeeya isaga iyo huwanta uu la tartamayo, oo marka iyaga sooyaalkooda dib loo milicsado la arkayo inay kasoo jeedaan qoysas ladan oo siyaasadda Kenya tan iyo xornimadeedii ku lammaannaa, Uhura iyo Raila oo isku dhinac ah waxa uu bulshada u tusiyay, inay yihiin madaxweyntii oo hammigoodu yahay in ay Kenya mar walba gacantooda ku jirto oo aan taladeeda lala yeelan.

Waagii hore ubadku goobta ugu horraysa ee ay xogta ka helaan waxa ay ahayd gurigooda, marka ay weynaadaanna saxaafaddii qadiimiga ahayd, labadaas meeloodba waxaa saamaynta ugu weyn ku lahaa, waayeel ay nafsadoodu samaysantay oo haybta keli ah ee ay leeyihiin ay tahay ta isirka, wax walbana ku qiimeeya sida ay dadku dhalasho ama diin wadaag u yihiin.

Intii baraha bulshadu ay soo baxeen, waxa fursad isku helay, dad horusocod ah ama metelaya doorkaas, iyo dhallinyaro nafsad ahaan iyo hayb ahaanba ka go’an waalidkood iyo madaxweyntii tirada yarayd ee wacyi wadareedka bulshada samayn jirtay.

Jiilasha danbe ee la garaadsaday baraha bulshadu, waa dadka doorashooyinka Kenya iyo Afrikaba kasoo saari doona, natiijo aan cidina ku tashanaynin..

Tanina waxa ay bilaw u noqon doontaa, dhammaadka cahdigii, ay go’aanka iyo talada qabiil ama qoomiyad dhan, uu hal qof ama tiro koobani jaangoyn jireen. Afrikana waxaa hoggaamin doona, hadba ciddii sheeko gadmaysa suuqa siyaasadda keenta.

Xamda Cigaal, Muqdisho.

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.