W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D.

Xeeldheerayaasha siyaasaddu, waxay dowladnimada ku qeexaan: heshiis bulsho oo ka yimi, ilbaxnimo la kala dhaxlay, oo facba faca xiga, xarigiisa u dhiibay!
Aragtiyo dhawr ah baana jira, oo xeeldheerayaasha siyaasaddu, ka dhigteen tub ay u maraan, bidhaaminta iyo turxaanbixinta, markay doonayaan in dulmar guud ay ku sameeyaan, sooyaalkii fakar ee aragtiyo-curiyayaashaa jilibka u aastay aqoonta cilmiga siyaasadda.
Haddaynu tusaalle u soo qaadanno, dhawr jilba-culusta cilmigaas ka mida, innagoo -akhristaha xushmadda iyo qaddarintaba innaga mudan- u beekhaaminayna wakhtiga.
Waxaynu tusaalaha koowaad aan diiradda ku saari karnaa Caalimkii weynaa ee Carbeed, ee loo tiiriyo: dhidabba-u- aasidda cilmiga bulshada C.rixmaan Ibnu Khalduun (1332-1406) oo dajiyay aragti udub-dhexaad uu uga dhigay cududda iyo baratanka awoodda ku qotonta!
Xaggiisa siyaasaddu waa hardan kii awood roonaada uu xakamaha u qabanayo xukunka!
Waxaa iyana jira xeeldheerayaal aaminsanaa in siyaasaddu tahay: heshiis-bulsho, oo kala ahaa: Thomas Hobbes (1588-1679) iyo john Locke (1632-1704), jean jack Rousseau (1712-1778).
Khuburadaas u dhashay reer galbeedka aragtidoodu hal il bay ka soo burqanaysay, wallow wax yar oo aan sidaas u buurnayn ay ku kala duwanaayeen, misana way ka sinnaayeen in siyaasaddu tahay: mid bulshada maankeeda ka soo maaxatay, oo ay si cad uga tanaasulayn, qaar ka mid ah, xorriyadooda qof ahaaneed; si ay dowladdu ugu arrimiso.
Labadaa tusaale ee bari iyo bogax kala matalaya haddaan dhinac iska dhigo, arartayda waxaan uga golleeyahay, in aan u hollado, iftiiminta dhinac kaloo ay tahay mudnaan in aan siinno, Waa guudmarka taariikheed iyo kufaa-kicii dowladuhu soo mareen.
Awoodihii lahaa qalfoofta dowladeed ee dunidaan ka soo arrimiyay, laga soo billaabo dowladdii “Amawiyiinta” ee uu asaaskeedii lahaa: Mucaawiyah Binu Abii Sufyaan (608- 680) lagu xijiyo “ Cabbaasiyiintii” iyo “Cismaaniyiintii” ilaa la soo gaaro dowladahaan cusub ee casriga ah.
Dhammaan intaan soo sheegnay iyo kuwa kaloo fara badanba waxay wadaagaan in ay soo mareen labo bud-dhigid, kii u horreeyay ee lagu yagleelay iyo ku kaloo cusboonaysiiyay, boorkana ka jafay dowladnimada, dhiig cusubna ku waraabiyay halboolayaasheeda.
Aan u dhaadhaco nuxurka dhambaalkaygan, oo tusaallayaal kooban bixiyo, Macaawiya Binu Abuu Sufyaan wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay asaaskii khilaafadii “Umawiyiinta” waxaa dhiig cusub khilaafada ku waraabiyay oo dib-u-asaasay Al-Waliid Binu Cabdul Malik oo ahaa hoggaamiyihii ballaadhiyay khilaafada, dhinac walibana ka dhisay, baahiyana aragtida xukun ee Islaamka.
Khilaafadii “Cismaaniyiinta” waxaa asaasay Cismaan Khaan Awal Bin Ardaqal (1299- 1324), waxaase sooyaal-baadhayaashu sheegaan in Suleymaan Al-Qaanuuni (1495- 1566) uu ahaa suldaankii 10-aad ee boqortooyadaas, ahaana sidoo kale cusboonaysiiyihii dib u dhisay cududda dowladnimo ee “Cismaaniyiinta”. Haddaanu Soomaali nahay waxaynu ku xasuusan doonaa sida uu badhi-taaray halgamaagii weynaa ee Axmed Gurey.
Dalka dunida maanta ugu tunka weyna ee “Maraykanka” waxaa la aasasay ( 1776-kii), waxaase hubanti ah in Barack Hussain Obama Markii la doortay 2009-kii ay ahayd: dib-u- asaasiddii iyo hoggaamiyihii ka dhabeeyay yiddidiilooyinkii ku qornaa heshiiskii madaxbannaadi ay hoggaamiyaashu saxiixeen taarikhdaan horay u xusnay ee asaaskii Maraykanka!
Haddaba hannaankaan uu daah-furay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ( 25-10-2021) waa kala-bayr siyaasaddeed, waa dib-u-dhiskii Puntland, waa iftiin cusub oo u bidhaamay dadka reer Puntland.
Waxaan sidoo kale caad aanu naga saarnayn, in madaxweyne Deni noqonayo hoggaankii horseedka u noqday Puntland-ta cusub.
W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D.
Email: ashkirnuur84@gmail.com
Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.
Leave a Reply