Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Kulan looga hadlayo nidaamka diiwaangelinta madaniga oo maamulada dalka uga furmay Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta DFS Axmed Macalin Fiqi iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale, ayaa maanta daah furey kulan looga hadlayo nidaamka diiwaangelinta madaniga ah. Kulankaasi oo ay ka soo wada qeybgaleen maamul goboleedyada dalka ka jira.

Kulankan oo socon doona muddo 4 maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa hirgelinta nidaam diiwaangelineed oo mideysan oo casri ah, oo ay kawada  shaqaynayaan hay’addaha tiro koobka iyo dawladdaha hoose si loo helo tiro koob sax ah.

Md.  Axmed Macalin oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkan uu qeyb ka qaadanayo helitaanka tiro koob sax ah oo bulshada Soomaaliyeed lagu sameeyo, sidoo kalena uu kaalin mug leh ka qaadanayo sugidda amniga dalka.

Kulankaan ayaa la filayaa in lagu gaaro aragti mideysan oo wada ogol ah si ay u suurto gasho in diiwaan gelin midaysan la hirgeliyo, islamarkaana uu uga wada shaqeeyo guud ahaan deegaanada maamulada dalka ka jira ee qeybta ka ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa uuna noqonyaa tan iyo intii ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markii u horeysay ee nidaam mideysan oo diiwaangelinta madaniga ah dalka laga hirgeliyo,  oo ay ka wada soo qeybgaleen maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.