Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kheyraadkeena dabiiciga ah – Laaca aragtaye laagga ma ogtahay?

W/Q Nuuradiin Aaden Diiriye

Ka faa’iideysiga kheyraadka dalka, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah sida Saliida iyo Gaaska, waxaa ay intii mudda ah ay bartanka uga jirtey laba dood oo iska soo horjeedda.

Dood waxaa ay qabtaa in si degdeg ah loo soo saaro kheyraadkeena loogana faa’iideysto. Hammuun dheeraad ah ayey dooddaasi u qabtaa in ay maanta noqoto soo saarista inta aan beriba la gaarin. Xujada ugu weyn ee ay dooddaasi cuskaneyso ayaa ah in mar uun kheyraadkaasi aan wax ka aragno, ummadda Soomaaliyeedna wax ka dhadhamiso. Waxaa u muuqda in ay sidaasi tahay sida keliya ee faqriga looga bixi karo, si degdeg ahna ummadda loogu adeegi karo.

Laaca aragtaye laagga ma ogtahay?

Waxaa dooddaa barbar yaalla mid taxadar ku dheehan oo oraneysa “Laaca aragteye laagga ma ogtahay”.

Waxaa ay ka duullaysaa fikirka ah in xaaladda dalkeenu uu maanta ku sugan yahay oo aan aheyn mid deganaansho buuxdaa ay si dhab ah uga jirto. Sidaa darteedna shirkadaha ama wadamada dal saas ah nafac u soo raadsanayana aysan aheyn kuwo si buuxda loogu kalsoonaan karo. Waxaa ay dooddaasi qabtaa in arintaasi ay noo keeni karto wax badso wax beel leh. Tusaallooyin badan oo sidaas ahna ay dunida ka jiraan oo aan hadaba isheena ku arki karno.

Anigu shakhsi ahaan waxaan qabaa in dhabtu ay dhexdhexaadnimo u badan tahay. Waa gar in Soomaaliya ay ka faa’iideysato kheyraadkeeda, faqrigana uga baxdo. Sidoo kalena waa dhab in arimaha Saliida iyo Gaaska aysan aheyn badeecooyinka caadiga ah. Waa ganacsiyada istraatiijiga ah ee keeni kara wax badso wax beel leh. Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in inta aan laaca loo boodin shantan shardi laagga lagu eego;

  1. Waa in wadanku ay nabadgelyo ka jirtaa: Haddii nabadgelyo la’aan heshiis lagu galo, waxaa sahllan in la is tuso in nabadgelyo la’aantaasi ay dan ugu jirto dhinac heshiiska ka mid ah. Hadey saa noqotana maxaa u diiddaya in ay markaa ka shaqeeyaan nabadgelyo la’aantaasi in ay joogto ahaato?
  1. Dowladda Soomaaliya waa in ay leedahay aqoon ku fillan: Waa in ay si fiican u darsi kartaa heshiiska ay ummadda Soomaaliyeed magaceeda ku galeyso. Waa in ay yaqiinsan kartaa in si dhab ah danta Soomaaliyeed – midda dhow iyo midda fogb a- ay ugu jirto. Dhadhamada degdegga ah ee maanta waa in aysan na indha sarcaadin.
  1. In si fiican loo yaqaan shirkadaha lala heshiinayo: Waa in awooddooda (cilmi iyo dhaqaale) si fiican loo yaqaan, taariikhdoodana loo qiimeyn karo. Dheef iyo dhib maxay horey ugu soo geysateen wadamada kale? Mise dhib iyo dheef waxey leeyihiinba lama yaqaanee waa ku nasiibso?
  1. In laga heshiiyo siyaasadda qeybsiga iyo maareynta: Waa arrin noo wada cad haddii aan siyaasadda qeybsiga iyo maareynta aan si dhab ah looga heshiin uu kheyraadkaasi laf ahaantiisu noo keeni doono colaad sokeeye. Faqri iyo waxyaraan colaaddeeda aragnaye colaadda kheyraadka Ilaah nama tuso.
  1. Waa in heshiiska meel madal ah lagu galaa: Waa in Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Dowlad-Gobolleedyada, Saxaafadda iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay si waafi ah uga warqabaan. Xallaal barqaa la qashaa. Wixii la qariyana qurun baa ku jira. Wax ay dhowr qof og yihiin, qol mugdi ah lagu galeyna waa hubaal in aysan dan Soomaaliyeed ku jirin.

Waxaan qaba in haddii shantaa shardi la kaafiyo in anynu si anfac leh kheyraadkeena dabiiciga ah uga faa’iideysan karno. Iyadoo aan shantaa la qancin, haddii si mugdi ah oo hammuun iyo degdeg ku jirtaa loo galo heshiis, waxaan qabaa in ay Soomaaliya ku khasaareyso in badanna culeyska dhaqaale, kan degaan iyo kan bulsheed ee ka yimaadana ay jiilasha danbe tunka ku qaadi doonaan.

Nuuradiin Aaden Diiriye

__________________
Nuuradiin Aaden Diiriye waa siyaasi iyo diblomaasi soo noqdey la taliyaha sare ee Qaramada Midoobey, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.