Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

KHATARTA ADEEGSIGA CIIDAN BEELLEEDKA KA DHALAN KARTA

W.Q. Maxamuud Cabdillaahi Axmed

“Cudurka gala fardaa
Haddii laga gubo dameer
Dawadiisa lama gaadhayo” Hees

Waxa bishan  Sebtember horraamaheedii ee sannadkan 2022da warbaahintu tebinaysay kacdoon ay ciidan-beeleedka Macawisley ku qaadeen xarakada Al-Shabaab.

Kacdoonkani ma aha mid iska yimi ee waa qorshe siyasadeed oo ay si firfircoon u abaabulayso Dawaladda Federalka ee Soomaaliya (DFS), iyadoo uu dhawaan booqday Raysal Wasaare Xamse magaalada Beledweyne si uu u dhiirigeliyo dagaalka ciidan beeleedka Macawisley ka wadaan gobolka Hiiraan ee ay iskaga difaacayaan maleeshiyada Al Shabaab oo dhawaanahan sii xoojisay dagaalada iyo qaraxyada ay ka geysato koonfurta Soomaaliya.

Waxa qorshahan ka digay xubno faro ku tiris ah, oo ku jira baarlamanka DFS; kuwaas oo kasbaday hadallo cadho ah oo kaga yimi taageerayaasha dawladda, oo ku eedaynaya inay ka indho-qarsanayaan dhibaatada Al-Shabaab shacabka ku hayso.

Haddaba si aynu u yar faaqidno waxtarka iyo khasaaraha dagaal-gelinta ciidan beelleed aan dib u jaleecno taariikhda dhow. Waxa jirta deraasad qoto-dheer oo uu mac-hadka The Brookings Institution ka sameeyey dhibta ciidamada maleeshiyada ee Soomaaliya ka hawlgala (The problem with militias in Somalia: Almost everyone wants despite their danger).

Deraasaddani waxay soo bandhigtay in abaabulka ciidamada maleeshiyadu uu astaan u yahay guul-darrada iyo itaal la’aanta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (CQS). Deraasaddani waxay ku doodday in markii laga quustay wax-ku-oolnimada CQS; dawladdaha caalamka ee faraha kula jira arrimaha Soomaaliya, qaarkood, ay midba goonideeda  u taageertay ciidamo maleeshiyeed. Ciidamo maleeshiyeed waxa looga jeedaa waa ciidamo hubaysan oo aan ka tirsanayan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (CQS), laakiin xulafo la ah.

Deraasaddu waxay tilmaantay khatarta ku sugan xulafaysiga maleeshiyaadka/ciidaan-beeleedka sida:
1) daacadnimadooda oo guurguurta (meel taagnayn),
2) sahal cadowgu u dhex-geli karo ama ku shaqaysan karo,
3) iyagoo leh dano hoosaad siyaasaddeed iyo dhaqaale, iyo
4) hubka la siiyo oo ay wax ugu dhimi karaan badbaadada dadka deegaanka ku nool iyo kuwo kale.

Waxa kale deraasaddu intaa ku dartay in maalgelin badan oo ay ahayd in la geliyo Ciidanka Qaranka loo leexiyo maleeshiyooyin kala duwan oo waddanka ka jira sida:
1) Macawisleey, 2) Ahlu Sunnah Wal Jamaaca, 3) Maleeshiyada Maamul gobolleedyada, 4) Puntland Security Force (PSF) iyo kuwo kale.

Khatarta kale ee ku sugan hubaynta ciidan beelleed waa in hubka beellaha u gacan galaa, hubaal, ku dambayn doono inay iyagu dhexdooda isku dagaalaan; waayo beellaha wada deggani, inta badan, aanno iyo utin bay kala tirsanayaan.

Waxa xusid mudan in ciidamada xulafada ahi isku dhacaan sida iska-hor-imaadkii dagaal ee raadkiisii weli qoyan yahay ee sannadkii 2021 ee CQS iyo Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ku dhexmaray gobolka Galguduud. Sidoo kale dagaalladii ku dhexmaray horraamihii sannadkan 2022 gudaha magaalada Boosaaso ciidanka Puntland iyo maleeshiyada gaarka ah ee Maraykanku maal-geliyey ee PSF. Dagaaladaas oo looga aayey khasaare badan oo nafeed iyo maal ba. Ilowsha dhowaa madaxda Soomaalidu!

Haddaba waa maxay sababta ay hadda DFS u abaabulayso maleeshiyo beeleedyada iyadoo weli lala tiicayo xanuunkii dagaaladaas kore? Lama garan karo. Waxay se u dhowdahay, malihii, ugu wacnaan, in lagula tacaalo khatarta sii kordhaysa ee shabaabka, nafis dib-isu-abaabulna la siinayo CQS. Waa qorshe ku aaddan timaadada dhow keliya.

Haddaba, xataa haddii ay sidaa kore tahay, su’aashu waa: maxay qabanayaan ciidamada ATMIS/AMISOM ee tiradooda lagu sheego 20,000- 30,000 oo askari; kharashka tirada badanna lagu bixiyo, taageeradana ka haysta dawladda Maraykan iyo ciidamadeeda AFRISOM. Waxay u muuqataa inay jiraan goobaabo (circles)  difaac oo isku dul-meersan oo midba mid kale gabbaad ka dhiganayso. Ciidanka Qaranku waxay gabbaad ka dhiganayaan ciidan beelleedyada Macawisley; ATMIS waxay gabbaad ka dhiganayaan Ciidanka Qaranka; ciidamada Maraykana iyo ajenebiga ah ee jooga xarunta Xalane waxay, iyana, gabbaad ka dhiganayaan ciidamada ATMIS. 

Halkaa waxa ka cad in dhimashada iyo dhaawaca ugu badani u haleelayo dhalinyarada macawisaha xiran ee safka hore ku jira, tababar fiican aan qabin, saad ku filan haysan iyo hub wacan toona. Sidaa darteed waxa mudan in digniin la siiyo madax-dhaqameedyada si aan beellaha loo isticmaalin sida istaraashada afmariska. 

Isma qabato qaran buuxa oo Soomaaliyeed ayaan soo noolaynayaa iyo waxaan dib u abuurayaa iniintii dumisay qaranka: ciidan beelloodyo. Ciidan beelleed qaran ma dhisi karo. Ciidan qaran oo qabiiloobay waa dawo bukootay. Waxa beri hore inooga digay abwaan Xasan Sheekh Muumin (AUN): Hadday dawo bukooto maxaa lagu daweeyaa?

Waxa kale oo ay abwaanadu inooga digeen waqti lumiska dawo aan loo meel deyin: 

“Cudurka gala fardaa
Haddii laga gubo dameer
Dawadiisa lama gaadhayo” Hees

W.Q. Maxamuud Cabdillaahi Axmed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.