Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dagaal culus oo u dhaxeeya Macawisleyda iyo Alshabaab oo ka qarxey gobolka Hiiraan

Muqdisho (WDN)- Dagaal  xooggan ayaa saaka lagu soo waramayaa inuu ka qarxey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya maleeshiyaad ka tirsan xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawisleyda.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Macawisleyada ay saaka weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo  ku yaala  degmada Jalalqasi iyo deegaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaasi, waxaana  labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan xilii dadka degaanka ay soo food saartay cabsi aad u weyn oo ku aadan aargoosi kaga yimaado kooxda Alshabaab.

Goor sii horeysay oo shalay ahayd ayaa madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe waxa uu amar ku bixiyey in si deg ah wax looga qabto maleeshiyaadka Alshabaab ,oo weerar arxan daro ah ku dilay dad kor u dhaafaya 20 oo rayid ahaa isla markaana gubey gaadiidkii iyo xamuulkii saarnaa.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.