Shirka Madasha Wadatashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada oo Muqdisho ka Furmey

Shirka Madasha Wadatashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada oo  Muqdisho ka Furmey

Muqdisho (WDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furey shirka Madasha Wadatashiga ee Dawladda Federaalka iyo madaxda Dawlad Gobolleedyada xubnaha ka ah. Shirka ayaa a diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka ka jirta.

Shirka Madasha Wadatashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada oo Muqdisho ka Furmey

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shirka goobjoog ka ah, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu kaga qeybqaadanayo aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka.

Shirka oo laba maalin socon doona ayaa in lagaga  hadlayaa khilaafka soo kala dhexgalay xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedyada, xaaladda abaaraha, amniga, hawlgalada ka dhanka ah xarakada Alshabaab iyo xoojinta xiriirka wada shaqeynayd labada dhinac.

Shirka Madasha Wadatashiga ayaa imanaya xilli dhawaan kulan fashilmey uu magaalada Muqdisho ku dhexmarey  wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii wasiiraddu ay gaadhi waaayeen wax is afgarad ah, sidoo kale shirka ayaa qabsoomaya xilli maleeshiyaadka Alshabaab ay dhawaanahaan ay kordhiyaan weerarada bulshada lagu dhibaateynayo.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.