Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saboolnimada Damaiirka!

Waa Soomaali. Dilka, dhaca iyo barakicintu waa u joogto. Oohin, calaacal iyo qaylo way ka dhammaatay. Waa la wada arkaa dadweyne iyo dawladba haddana cid dan ka lihi ma jirto. Indhahaa laga wada qarsaday. Waxay noqdeen looma ooyaan.

Taas micnaheedu ma ahan in ay yihiin dad lagu xaqiray maamulka oo cid ku matasha, dhibtoodana wax ka qabata ama ugu yaraan ka hadasha aan haysan balse waxay ka soo jeedaan beel weyn oo lafdhabar u ah beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka ayna ka dhasheen mas’uuliyiin haya xilal sare hadday noqon lahayd heer deegaan iyo heer federaalba.

Waa xaqiiqo qof si caadi ah u fikirayaa aanu malaysan karin, waana arrin ka turjumaysa waaqica iyo saboolnimada damiirka mas’uuliyiinta maamulka Jigjiga ee uu horgalaha ka yahay Mustafe Cagjar.

Waa shacab ay ku dheertahay, kuna caan baxay Soomaalinimada muddo qarniyo ahna hortaagnaa dhulballaadhsiga Oromada iyo Canfarta. Shacab aan dhalan-rogmin si aaddana ugu dheggen dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida, lehna xeer iyo xaddaarad qoto-dheer.

Waxaan xasuustaa sannadkii 1991kii wax yar ka dib markii xukunka laga tuuray maamulkii Mingiste maalin aan Bas ka soo raacay magaalada Jigjiga annagoo u socona Dirdhaba. Waxay ahayd intii aanu saldhigan maamulkii ay horseedka u ahayd jabhaddii TPLF.

Kooxo hubaysan ayaa markaan Harar dhaafnay Baskii joojiyay. Waxay ahaayeen maleeshiyo Oromo ah oo qaarkood af Soomaali ku hadlayeen. Wixii Soomaali baska saarnaa ayay ku amreen in ay ka soo dagaan.

Waxay qof walba weydiinayeen qabiilkiisa, waxaanay fiirinayeen ilkahayaga iyagoo naga dhex raadinaya cid ka soo jeedda qabiilka Ciisaha. Hadda ogow iyagu waa Oromo meel walba isaga timid oo gaalo iyo muslin ba leh, annaguna Soomaali baanu nahay haddana Soomaalidii ayaa intay kala saareen ay qayb ka mid ah oo ay colaad gaar ah u qabaan raadsanayaan.

Soddon sano ka dib dhacdadaas mid la mid ah ayaan maalmahan baraha bulshada ku arkayay. Maxaabiis ay darxumo ka muuqato oo la sheegay in ay yihiin ciidamada gaarka ah ee Soomaalida oo Canfartu qabatay oo ay si bahdilaad ah u soo bandhigeen ayay weydiinayeen qabiilkooda iyagoo markanna ka dhex raadinaya Ciise. Waa dhibta qabiilku innoo keenay in maalin walba qabiil Soomaaliyeed iyo qawmiyad dhan la isku daawado.

Waxay ahayd xilli colaad weyn ka dhex aloosnayd Oromo iyo Ciise, la iskuna hayay lahaanshaha iyo gacankuhaynta magaalada Soomaalida laga dhaxal wareejiyay ee Dirdhaba.

Muddo kooban oo aan xilligaa Dirdhaba joogay marka aan makhaayadaha laga shaaheeyo imaado waxaan la sheekaysan jiray dhalinyarta reer Dirdhabe oo iyagoo magaalo ku dhashay haddana xidhnaa dharka dhaqanka iyo Golxob, qaarkoodna AK-47 degta u saarnaa. Waxaan aad uga fajacay geesinimada iyo Soomaalinimada ka muuqata iyadoo ay ahayd xilli qarankii Soomaaliyeed burburay Soomaaliduna dhexdeeda isgumaadayso.

Magaaladoodii iyo qaddiyaddii Soomaalinimo ee dhallinyaradaasi xilligaas difaacayeen waxay god gashay markii ay waayeen Soomaali garab istaagta oo la difaacada magaaladaas muhiimka ah.

Haddaba maanta oo shacabka deegaanku ka awood badanyahay kana hanti badanyahay, leeyihiina maamul dhisan oo ciidankiisu difaaci karo shacabka Galbeedka Siti iyo guud ahaanba deegaanka waxaa ii muuqda ifafaale aan waxba ka duwanayn kii 1991kii lagu jiray.

Maxaa shacab iyo maamulba indhaha looga qarsanayaa dhibta joogtada ah ee maamulka Canfartu muddada dheer ku hayo dadkeena Galbeedka Siti. Miyaanay qaddiyad iyo dhul Soomaaliyeed ahayn.

Gunnimada iyo bahdilaada uu maamulka Mustafe Cagjar u horseeday Soomaalidu waa mid aan weligeed hore loo arag. Maxaa ka hortaagan in sida qawmiyadaha kale ay dadkooda u damqadaan.

Waa dhibta ay leedahay marka hoggaanka ummaddeed aanu ku iman rabitaanka shacabka ee uu yahay mid meesha la keensaday. Inay ka shaqeeyaan danaha dadkooda waxaa kala weyn in ay kursigooda ilaashadaan, kabo-leefna u noqdaan cidda meesha keensatay, hantida yar ee shacabka loogu dhiibayana ka faraqabsadaan.

Waa nasiib darro in maanta guud ahaanba galbeedka Siti ay u gacan gasho maamulaka canfarta oo aynu ka dad, hanti iyo awoodba badanahay. Iyadoo hadda ay xaalad colaadeed kaga furantahay Canfarta dhanka xuduudda Tigreega, la sheegayana in dhul laga qabsaday la yaabi maynu in aan aragno ciidamo Soomaaliyeed oo maamulka Cagjar u diro si ay u difaacaan Canfarta iyo Amxaarada halka difaacid iska daaye xataa aanu ka hadli karin weerarada dhul ballaadhsiga ah ee Canfarta iyo Oromadu ku hayaan deegaanka Soomaalida.

Waa hubaal in damaca dhul-ballaadhsi ee Canfarta iyo Oromadu aanu intaas ku ekaan doonin ee ay dhul kale oo Soomaaliyeed qabsashadiisu u qorshaysantahay, maamul Soomaaliyeed oo difaaciisa u diyaar ahina aanu jirin. Sidaadarteed waxaa lagama-maarmaan ah in shacabka Soomaaliyeed isku tashadaan naftooda iyo maalkoodana u huraan sidii ay dhulkooda udifaaci lahaayeen.

Taasina waa dariiqa keliya ee xilligan lagu badbaadin karo dhulka Soomaaliyeed maadaama ayna jirin dawlad danka leh oo difaaci karta.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.