Monday, October 03, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MADXAFKII MIYAA DUMAY?! 

W.Q. MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI

Labeenta iyo miidda hadalku waa godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho. 

Maxamed Ibraahim Hardaawi (AHUN)

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha iyo seeskeeda. Waxa uu ahaa durdur burqanaya oo lagu oonbaxo. Waxa uu ahaa webi deeqsi ah. Waxa uu ahaa badweyn hodan ah iyo miid, magas iyo mullaax leh. 

Mar kale, waxa uu ahaa abwaan gaasabaxay, cabqari anuug ah, suugaandhaadhi hela duxda hadalka iyo giraanta baanaha. Waxa uu ahaa buuni baxdow ah, oo aan looga maarmin golaha iyo geedka lagu gorfeeyo ama la isku dhaafsado dhacdooyinka kala duwan. 

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu astaan u ahaa caddaaladda, sinnaanta, garsoorka cuddoon, xorriyadda, is-ahaanshaha, nabadda iyo nolosha middeeda wanaagsan. Waxa uu ka guban jiray dulmiga, eexda, gaboodfalka, kelitaliska iyo aabiga lagu la kaco aadanaha karaamaysan. 

Ilaahay waxa aan uga tuugayaa inuu ka waraabiyo durdurkii iyo ishii jannadii Fardowsa. Denbidhaaf iyo naxiis mug leh ayaan Eebbe-Weyne u weydiinayaa in uu ku galllado. Eebbow adaa awood  leh, oo Qaadir ah; Eebbow adaa bixiya naxariis guud iyo mid gaar ah, ee huwi addoonkaagan martida kuu ah. Eebbow adaan kaa tuugayaa in aad galiso jannadda ilwaadka iyo ugbaadka leh, farxadda iyo nolosha wanaagsan leh. Ugu dambeyn bal aan idin la wadaago tixdan gaaban ee baroordiiqda ah.

  • Suugaan duxdeediyo
  • Damalkii harka lahaa
  • Dadweynuhu ku hiran jirey 
  • Madxafkii miyaa dumay?! 
  • Garashada dirkeediyo
  • Durdurkii macaanaa 
  • Dadweynuhu ku hiran jiray 
  • Madxafkii miyaa dumay?!
  • Dalmarkii adduunkiyo
  • Daawadii cuddoonayd
  • Dadweynuhu ku hiran jiray 
  • Matxafkii miyaa dumay?! 
  • Diricii astaantiyo
  • Dacwadii sinnaantiyo
  • Dayrkii dugsoonaa
  • Dadweynuhu ku hiran jiray 
  • Madxafkii miyaa dumay?! 
  • Hadduu maanta iga dumay
  • Yaa dirirta hadalkiyo
  • Duurxulkeeda wadi kara?! 
  • Dabarrada isdhaafiyo
  • Dildilaha isgarabyaal 
  • Dacal yaa ka garan kara? 
  • Yaa darmaanta shaaximan
  • Iyo duubcad waranlaha 
  • Dusha sare ka hubin kara? 
  • Yaa diinta hodonka ah
  • Hadba dacal ka eegoo
  • Sirta daahan helayoo
  • Diiwaanka nuurka leh 
  • Dusha sare ka hubin kara? 
  • Yaa gaboodfal daahiray
  • Iyo aabhi damac dhalay
  • Iyo eex dad lagu gubay
  • Iyo dawlad guriso ah 
  • Duhurkii ushaw luli 
  • “Dib u joogso” oran kara? 
  • Dadweynaha saboolka ah
  • Danyartiyo agoomaha 
  • Diirkooda dhalanrogan 
  • Dakharradu ka muuqdaan
  • Dusha sare ka hubin kara? 
  • Ku maa awrka dabi kara?
  • Duddo yaa wax siin kara? 
  • Yaa dayaxa  sare iyo 
  • Najmi dumay wax fari kara? 
  • Yaa qardhaasta daabacan
  • Danta guud ka hubin kara? 

MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI

Email: [email protected]

Muqdisho, Soomaaliya.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.