Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News

Maxaa Innaga Hortaagan Wax Akhriska?

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Wax akhrsku sidiisaba faa’idooyin tira badan ayuu dadk u leeyahay. Aqoonta uu akhristuhu ka korodhsanayo ka sokow, waxay Cilmibaarayaashu  xaqiijiyeen in faa’idooyin kale oo badan uu qofku ka helayo wax akhriska. Akhrintu waxa ay kordhisaa xusuusta … Continued

Ku soo laabashada Israa’iil ee Midowga Afrika

W/Q ACabdiraxmaan Dhuxul Gogol-xaadh Wixii ka dambeeyey1960-kii, markay waddamada Afrika badankood ay xornimada qaateen, Israa’iil waxay bilawday inay xiriir la sameyso waddamada Afrika. Waxayna markiiba safaarado ka furatay 33 waddan oo Afrika kamid ah. Sidey sheegtay Ra’iisal Wasaarihii Israa’iil ee … Continued

Gabay: Dekanadi Ikraan Tahliil

W/Q Abwaan Xuseen Cabdi Xalene (Xalane) Ikraan Tahliil Faarax ( AHN) oo u shaqayneysey hay’adda Sirdoonka ee NISA, ayaa la waayey 26 Juun 2021. Inkastoo hayaddu war ka soo saarin, haddana qoyskeeda ayaa bilaabay inay Baraha Bulshada ku baroortaan. Muddo … Continued

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen DUCO HOOYO Hooyo wiilkeeda oo safraya usii ducaynaysa ayaa tidhi:Hooyo, belaayada hore riixan..Tan dambe reeban..Tan sare raaran..Tan hoose radeeban..​Tan hareeruhu rooran..Jidku toobiye, qorraxdu dallaalimo, dadku aabbe iyo hooyo. Xilligu waa xagaa dheeraaday oo kulaylku geesa bixiyey, … Continued

Jawaab: Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haystaa?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed Qormadan waxaan jeclahay in aan wax ka idhaahdo maqaal ku soo baxay WardheerNews 28dii Ogost 2021, oo uu qoray Cabdiftaax Xasan Maxamed “Barawaani” , cinwaankiisuna ahaa “Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haystaa? ” Waxa uu maqaalku saray … Continued

Doorasho Aan Waxba Lakala Dooranayn

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Sheegashada ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiga ah iyo qabashada doorasho magac-uyaal ah, oo aanay jirin wax lakala doortaa, waa tabaha ay inta badan adeegsadaan nidaamyada fashilma ee aan isku kalsoonayn, si ay ugu sharciyaystaan xukunkooda. Haddaba doorashadii … Continued

Farmaajo iyo Qays

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir) Dhawaanahaan warbaahinta adduunku waxay mashquul ku ahayd fallanqaynta dhacdo dhabannahays ku noqotay dadkoo idil!  Arrinka filanwaa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid, madaxweynaha jumhuuridda Tuunisiya ( Tunisia)  uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta … Continued

Xalka Is Mariwaaga Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha

W.Q. Cismaan X. Maxamed  Xaaladda Siyaasadda ee Dalka  Hadda Meesha ay Taagantahay iyo wixii sababay Khilaafka ka dhexaloosan labada guri ee iska soo horjeeda, ee Madaxtooyada ku wada yaal, waa wax aad looga xumaado.   Madaxweyne iyo R/Wasaare isqabqabsada Shacabka Soomaaliyeed … Continued

GORFEYN: DHIGANAHA CALAF & CUGASHO

Gorfeyntii: Cali M. Cartan Qoraha buugga: Maxamed Ibraahim Jaamac(Xaaji) Waxaa DHL-ku i soo gaarsiiyay dhiganaha loogu magacdaray Calaf iyo Cugasho, annaga oo dabayaaqo toddobaad oo saddex maalmood oo nasasho ah ku jirna. Calaf iyo Cugasho waxaan u helay jawi deggan … Continued

R/Wasaare Rooble Horta Dastuurka Ma Akhristey?

W.Q. Cismaan X. Maxamed Dalku markuu ku dhex juro wakhti Doorashooyin ay socdaan, sideedaba waxaa reebban wax carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada in madaxda sare ee Qaranku ku tallaabsadaan. Haddii ay dhacdo in ay qas iyo khalkhal abuuraan, waxaa … Continued