Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Jawaab: Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haystaa?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Qormadan waxaan jeclahay in aan wax ka idhaahdo maqaal ku soo baxay WardheerNews 28dii Ogost 2021, oo uu qoray Cabdiftaax Xasan Maxamed “Barawaani” , cinwaankiisuna ahaa “Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haystaa? ” Waxa uu maqaalku saray hardanka aragtiyaha siyaasadeed ee bulshada Soomaalida ka dhex-socda. Aad baan u soo dhoweynayaa falanqaynta afkaarta siyaasadeed ee Soomaalida.

Mudane Barawaani wuxu maqaalka ugu qaybiyey aragtiyahaas siyaasadeed ee Soomaalida, sida aan u fahamay, islaamiyiin iyo bidix-raac, jirtoo uusan midna si cad u qeexin. Laakiin qeexiddiisa waxa laga soo dheegan karaa halka uu iska taagay maqaalku xabsiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, inkastoo aanu toos u magac-dhebin, iyo falcelintii wadaaddada Somaliland ka bixiyeen eedaymihii loo soo jeediyey hab-dhaqanka macalimiinta ajenebiga ah ee dugsiga Abaarso iyo jaamacadda hablaha ee Barwaaqo.

Maqaalku wuxu si badheedh ah iyo rayn-rayn xambaarsan ugu digtay, uguna tiiq-tiiqsaday, xorriyad ka qaadka iyo cabbudhinta dadka uu ugu yeeray islaamiyiinta, isagoo ugu ladhay labo tuduc oo hees ah: “Adiguba dharaaraad ka qoslaysay dhooshee/dhibka la isku eegaa way inoo dhaxaysee“. Waa tacbiir ku arooraya colaad fogaatay! Maqaalku waxa kale oo uu xusay inay jiraan dugsiyo u janjeedha falsafadda reer Galbeedka (Yurub iyo Maraykan), isla markaana difaacooda iyo u rixintooda uu aad ugu taagsaday, halka uu dugsiyada Islaamiyiintu maamulaana ku asteeyey inay bulshada ku hayaan halis weyn.

Waxaan qoraha maqaalka, Md. Barawaani, xasuusin lahaa erayadii faylasuufka Faransiiska ahaa ee Voltaire oo u dhigmi kara sidan: “Kuguma raacsani oraahdaada, laakiin waxaan naftayda u huri difaaca inaad sheegto bareerahaaga aad qabto“. Waana mid ka mid ah xikmadaha asaasiga ah ee Liberaaliyiinta. Waxaan filayaa in qoraaga maqaalku xikmaddaas hayey, ayse madax-martay jidh-diidka uu u qabo kuwa uu ugu yeeray islaamiyiinta.

Laakiin waxa uu maqaalku billaabay, si dadab ah, mudanna in lagu hambalyeeyo, doodda ah: waa maxay ujeeddada aynu, Soomaali ahaan, ka leenahay waxbarashada carruurta iyo dhallinta? Ilaa inta su’aashaas jawaab loo helayana, gebi-dhaclayntu waa ay iska badnaan.

Maqaalka Md. Barawaani waxa uu ku xoogsaday in weedhihii wadaaddada Somaliland ka dhaheen eedaymihii loo soo jeediyey dugsiyada ay maamulaan kooxaha u janjeedha falsafadda Galbeedku (Yurub iyo Maraykan) ay dibedda u soo saartay halista iyo bahalnimada ku hoos jirta fekerka islaamiyiinta; oo aanay dadweynuhu hore u dhaadanayn, kana didi jirin. Sababta dadku uga didi waayeen waxbarasahada islaamiga wuxu u nisbeeyey inay tahay, in dabarkii shaadhka islaamiga ahi weli haysto garaadkooda. Taasi waxay u dhacaysaa sidiiyoo ay islaam-nimadu tahay xadhig garaadka dadka dabra. Cajiib!

Dhanka kalena dugsiyada Galbeed-raaca ah, waxa uu maqaalku ku sifeeyey, ama ugu cudur-daaray, inay gacanta ku hayaan dad akhyaar ah oo siyaasad ahaan u janjeedha bidix. Macnihii afkaarta islaamiga ahi waa bahalnimo, kuwo bidixduna waa akhyaarnimo. Subxaanallah!

Maqaalku wuxu is -weydiiyey dugsiyada reer galbeedku ma yihiin kuwo loo baahan yahay? Haddana maqaalku wuu ka gaabsaday inuu “HAA” ku tiraabo. Wuxuu se dabo-dhigay waxtarka dugsiyada Galbeed-raaca ah, oo ah: in ardayda lagu baro dugsiyadaas aqoonta maadiga ah oo badhaxtiran. Talow, maxay ka badhaxtiran yihiin? Ma barashada diinta islaamka? Subxaanallah!

Maqaalku wuxu intaas raaciyey in dugsiyada Galbeed-raaci ahi ay ardada baraan la dhaqanka iyo is-fahamka dunida. Labo isku feker ah, markeeda horeba uma baahna inay is-fahmaan, Ileyn waa isku feker bee.

Sida cinwaanka maqaalka ku xusan erayga qalood ayuu sabab uga dhigay maqaalku is-faham la’aanta ka dhaxaysa waxbrashada Galbeedka iyo shacabka Soomaalida, macnihii way isku cusub yihiin shacabka Soomaalida iyo waxbarashada Galbeedku; sidaa darteed shacabku way ku qaloodaan. Laakin erayga ku habbooon, sida aan qabo, waa erayga qalayn (alienation). Qalayni waxay dhacdaa marka hab-dhaqan bulsho ay ku soo kordhaan isiro cusub oo saamayn weyn ku yeesha habsami-socodkii macaamilka dhexdoooda, keenana in kooxo bulshada ka mid ahi gooniyoobaan. Runtii dad faro badan oo la falgalay waxbarashada iyo macaamilka reer Galbeedku way ku qaloodaan mujtamacooda, qofba heer ay u joogtaba. Talow, eeddaa yaa iska leh?

Waxaan qabaa, haddii cid la qaleeyey, waxa qaloobay qof ilaa dugsi sare ama jaamacad wax ku bartay luqadaha reer Yurub (Ingiriisi/Talyaani/Faransiis iwm). Waa dhif iyo naadir wiil afafka reer Yurub wax ku bartay oo waalidkii geela kula raaca miyiga.

Kaftan baa jira yidhaahda: wiilka muslimka ahi marka uu barto biyuhu inay ka kooban yihiin labada curiye ee Haydrojiin iyo Ogsajiin (H2O), ayuu tukashada salaadda joojiyaa. Taasi waxay i xasuusinaysaa jaamacaddii Gaheyr, Xamar, ee aan wax ku bartay, waxa u soo hoyan jiray ilaa 600 arday ugu yaraan, mana lahayn hal masjid oo lagu tukado, laakiin waxay lahayd hool weyn oo madaxdu noogu khudbayso, waxna lagu cuno (meenso). Talow ma tirada ardada tukata baa yarayd, mise wax kale ayaa jiray?

Dhanka kalena dugsiyada reer Galbeed-raaci ahi kuma haystaan kooto (monopoly) barashada sayniska. Ogoow, in dugsiyada islaamiga ah, lagu dhigto afka Carabiga, in sayniska lagu barto ama lagu baran karo cilmiga maamulka iyo maaraynta. Xusuuso culimadii muslimka ahayd, af-Carabigana wax ku qortay, ee cilmiga sayniska salka u dhigtay sida: Alkhwaarizmi, Alkindi, Yacquub Ibn Isxaaq, Ibn Al-Haytam, Alzahraawi, Ibn Sina, Al-Bathaani, Cumar Al-Khayam (xisaabyahan) iyo kuwo kale oo badan. Qirasho: aniguba dhowaan ayaan bowsaday magacyadaas, midna ma maqal xilligii waxbarshada yaraantaydii.

Md. Barwaani waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in ujeeddada waxbarashda Galbeed-raaca ahi tahay inay xididdada u siibto asal-raacnimada bulshada Soomaalida, abuurtana bulsho casri ah (modern), isla markaana la helo arday aqoon u leh waddankiisa iyo dadkiisa. Ma aan garan sida ay isu qaabilayso in xididdada loo siibo dhaqankeenii asalka ahaa, haddana ardayga loo bari karo dadkiisa. Xidid-siibtay bee, maxaad bari! Mana uu sheegin sida ay u eg-tahay bulsho casri ahi.

Maqaalku waxa uu dhaleecayn dusha ka huwiyey shacabka Soomaalida, oo uu ku asteeyey dad bidaa’iya (primitive), aqoon lagu ogeyn, tixraac aqooneed na lahayn. Ogoow, awoowayasheen aqoon iyo farsamo hiddood ayey lahaayeen oo ay kula falgalaan deegaankooda, kuna maarayn jireen noloshooda. Nidaamkii waxbarasho ee aynu dhaqanka u lahayn waxa uu ku dhisnaa habka dugsi-quraanka, rixlada, kitaab-raacashada, xalqadaha masaajidda, xerowga iwm. Waa mowduuc kale isbeddelka ku dhacay nidaamka waxbarsaho, aqoonta iyo farsamada hiddaha ilaa maalintii saan-caddaalihii gumeysigu geyiga Soomaalida soo galay. Taariikh-yahannada ayaan u daayey taas.

Md. Barwaani waxa uu ka dul-booday, anigu se aan ku dari, in hardanka aragtiyeed ee wadaaddada Soomaalida iyo dhiggooda Galbeed-raaci ahi uu inta badan ku waajahan yahay doorka iyo meeqaanka la siinayo haweenka. Ogow labadooda midkoodna haweenka waxba ma weydiiyo. Ma jirto bulsho horumar gaadhay oo kala-badh xooggeeda (work force) khasaaraysaa. Sidaa darteed waa waajib in hablaha wax la baraa, si buuxda oo hagar la’aan ah. Laakiin maanta way caddahay in aan mar walba saaxadaha waxbarsaho loo kala qoqobi karin wiilal iyo gabdho, ilayn maalgelintaas looma ba hayee.

Dareenka muslinnimo wuu diidayaa, jaantaa rogan iyo ha isdhex-dabaaashaan wiilasha iyo gabdhuhu meel walba, sida ay qabaan Liberaaliyiinta xag-jirka ahi. Taasoo jidayn karta in ragga iyo haweeku masjidka isku saf wada galaan, dhinacana isa saaraaan!

Gabagebadii, waxaan ka digayaa in aan lagu wiirsan tacaddiga ku dhacaya walaalkaaga aydin kala fekerka tihiin; haddii kale midkiinba mar baa goonidiisa loo heli. Waxaan si weyn u soo dhoweynayaa doodda uu sida dadban u billaabay walaakeen Md. Barawaani oo ah: horta waa maxay ujeeddada aynu, Soomaali ahaan, ka leenahay waxbarashada, sideedaba. Akhristaayasha WardheerNews waxan ku boorinyaa inay ka qayb-qaataan.

Wa Billaahi Towfiiq

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email:  [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.