Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

GORFEYN: DHIGANAHA CALAF & CUGASHO

Gorfeyntii: Cali M. Cartan

Qoraha buugga: Maxamed Ibraahim Jaamac(Xaaji)

Waxaa DHL-ku i soo gaarsiiyay dhiganaha loogu magacdaray Calaf iyo Cugasho, annaga oo dabayaaqo toddobaad oo saddex maalmood oo nasasho ah ku jirna. Calaf iyo Cugasho waxaan u helay jawi deggan oo aan ku akhriyo, maxaayeelay, dhiganayaal badan, oo Af Soomaali ah, oon hore u akhriyey oo xigmado fiicanina dhex-jiifeen, waxaan kala kulmay gefaf higgaadeed iyo hab qoraalka Af-Soomaaliga oo aan loo aabo yeelin.

Waxaan u bogay, hab qoraalka heerka sare u farshaxamaysan, ee qoraagu hodanka uga yahay afka hooyo. Maadaama ay nolosha Saxardiid siyaabo kala duwan ii taabanaysay markii uu dalanbaabiyey Afrika, aniguna aan bariga Yurub marba carro cusub cagaha dhigayey, si aan Galbeedka Yurub u galo. Waxaad la yaabaysaa sida Saxardiid, waa jilaha sheekada ee ay Saxarla’i ku weheliso’e, mar kasta oo caqabadi la kulanto uu u milicsanayo kaydka dhacdooyinkii hore ee uu kala soo kulmay nolosha. Tusaale ahaan, markuu ka gudbayo xuduudka u dhexeeya Koonfur Afrika iyo Zimbabwi, ee wax walba oo tabaabusho ah ee uu safarka soo maalgeliyey daqiiqad gudaheed isku bedeli-karayeen, buu dib u jaleecayaa dhacdadii xanuunka badnayd ee ka qabsatay markuu xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ka soo tallaabayey, oo u noqonaysa karaar qaadasho hor leh, kuna dhiirigelinaysa hadduuba taa ka soo gudbay inuu tanna ka gudbi karo.

Marar waad qoslaysaa, marar waad qiiroonaysaa, mararn kalena waad amankaagaysaa. Waad qoslaysaa oo markuu 20-ka senti Saxardiid teleefanka ku cabudhinayo si uu Saxarla ugu fududeeyo inay hooyadeed iyo ehelkeeda oo Addis Ababa ku nool ula hadashiiyo, dabadeedna intay Saxarla fajacdo weydiinayso siday arrintani ku dhacday, markaasaa Saxardiid oo is xariifinayaa ugu jawaabayaa “Ii dulqaado waxyaabo kale oo la yaab leh baad igala kulmi doontaa haddaan sii wada socono’e…” Anna waxayba tani isoo xasuusisay ushii Nebi Muuse (NNKH) ee uu mar ku tukubi jirey, mar qabcada xoolaha ugu daadin jirey, marna Fircoon iyo sixiroolayaashii kula dagaalami jirey oo weliba uu hawlo kalena ku qabsan jirey.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Saxarla taa la yaabanayd buu ciroole Masaajid Zimbabwi ku yaal joogaa’i ku soo boodayaa Saxardiid oo oranayaa Saxardiidow codkaagaan gartay adiga oo duleedka Masjidka maraya, Saxarla tii hore tanna waa uga sii dartay, amankaag.! Tolow maxaa tan xigi bay ku hamiday.

Inkastoo bulshada Soomaaliyed kuftey oo waxyaalo badani ka burbureen haddana Calaf iyo Cugasho wuxuu iftiiminayaa in dadnimada iyo damiirka dadka Soomaaliyeed gadgadoonka noloshu qaarkood bedelin. Ha ahaadeen reer Qudhac amaba Qansax’e. Dhiganahan waxaad kaloo ka dheehanaysaa labeenta Soomaalida inaan marxaladaha maalintaa taagani beddelin fikirkooda marka la tixgeliyo sida Dr. Cali ula dhaqmi jirey barakacayaashii safarka magaaladiisa ku soo mari jirey.

Qoraagu waa xariif afaf badan ka bartay erayo kooban oo afka suuqa ah balse wax badan u taray marka la fiiriyo. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa markuu Charles-kii Zimbawi ay dhowr erey is dhaafsanayaan, markalena uu kuwii Zimbabwi nin ciyaal xaafadda ah isaga dhigayo amaba uu dhowr weedhood oo af-xabashi ah kula hadlayo haweeney itoobiyaan ah si uu eheladuu raadinayey ula hadlo.

Gebogebadii qoraagu dhowr su’aalood oo shaqo guri ah buu inoo diray oo ay ka mid yihiin meeshii ay Saxarla ku danbeysey, iyo wixii uu ka shaqayn jirey markii uu Afrika hal maalin saddex waddan isu mari jirey iyo qaar kaloo badan oo akhristayaasha kale inala wadaagi doonaan.

Wax badan oo tabnaan ah kuma arkin dhiganahan aan ka ahayn inuu mararka qaarkood erayo waaweyn isticmaalay. Aniga iyo aynigaygu waa fahmi karaan laakiin jiilalka cusub ee “Say Wallahi-du” ka midka yihiin inay ku wareeraan baa suurogal ah.

Waan ku boorin lahaa Calaf iyo Cugasho qof kasta oo jecel inuu akhriyo qiso jacayl oo dhab ah, oo qoraa af-maal ahi ku soo gudbiyey afka Soomaaliga.

Gorfayntii: Cali M. Cartan

Email: [email protected]

Qoraaga buugga: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.