Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

R/Wasaare Rooble Horta Dastuurka Ma Akhristey?

W.Q. Cismaan X. Maxamed

Dalku markuu ku dhex juro wakhti Doorashooyin ay socdaan, sideedaba waxaa reebban wax carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada in madaxda sare ee Qaranku ku tallaabsadaan. Haddii ay dhacdo in ay qas iyo khalkhal abuuraan, waxaa loo arkayaa in ay rabaan in aanay doorasho dhicin oo ay kursiga sii fadhiyaan. Haddii mas’uuliyiinta sare ee dawladdu ama Midowga Murashaxiintu ay billaabaan abaabul iyo xaalad abuur lagu kicinayo bulshada, taasina keento gacan ka hadal, khasaare naf iyo maal, waxaa dhici karta in Maxkamada Caalamiga ee Hayg la soo taago sidii doorashadii dhiiggu ku daatay ee Kenya mas;uuliyiintii u sababta ahaa maxkamadda Caalamiga ah loo horgeeyey.

RW Rooble

Marxaladdan cusub ee hadda taagan ee khuseysa magacaabidda iyo Xil-ka- qaadista Wasiir ee uu sameeyey R/Wasaare Rooble, ma aha mid uu awood u leeyahay haba yaraatee, maadaama xukuumaddiisu tahay mid xilgaarsiin ah oo ku shaqeynaysa qoddobka 103 ee Dastuurka oo awood u siinaya in Xukuumaddiisu qabato shaqo maalmeedka kaliya ilaa inta R/Wasaare cusub Xafiiska imaanayo. Macnaha Xukuumadda Xilgaarsiintu “waa Xakuumad lagu xadidday kaliya in shaqo maalmeedka dawladda ay sii waddo laakiin ma ah mid awood xukun (govern), magacaabid, xil-ka-qaadis wasiir iyo Sharci soo saarid leh”.

Qoddobada Dastuuriga ah ee R/Wasaare Rooble u cuskadey magacaabidda iyo xil-ka-qaadista Wasiirka amniga ee kala ah 97 iyo 100 isaga ma adeegsan karo qoddobadan, maadama aanu ahayn R/wasaare buuxa ee uu isagu yahay R/Wasaare Xil Gaarsiiye ah. R/Wasaare Xigeenka Mahdi waxuu ku shaqaynayey isla qoddobkan 103 ilaa intii laga soo magacaabay R/Wasaare Rooble. Sidaa darteed R/Wasaare Rooble waxaa laga rabaa in uu ku ekaado ilaa inta Dastuurku u oggolyahay oo aanu isku qaadan in uu yahay R/Wasaare awood buuxda leh. Awooddiisii buuxday waxay dhammaatey 8dii Febraayo 2021, sidaa darteed yaan dadweynaha lagu marinhabaabin qoddobada dastuurka ee uu ka been sheegayo R/Wasaaraha
xilgaarsiiyaha ahi.

Haddii ay dhacdo inta xukuumadda KMG ah ay xafiiska fadhido in wasiir shaqada ka ruqsaysto ama dhinto, waxaa sii wadaya hawsha Wasiiru Dawlaha oo Dastuurku ma oggolo in uu magacaabi karo Wasiir cusub maadaama ooy koobantahay muddada xukuumadda xilgaarsiintu xafiiska sii fadhiyeyso. Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, iyana waa sidoo kale oo wax magacaabis cusub ah ma sameyn karo R/Wasaaraha Xukuumadda KMG ah, sababtoo ah ku-xigeenadooda ayaa sii wadaya hawsha. Murtidu waxay tahay xukuumadda ku Meelgaarka ah waxaa laga rabaa in aanay waxba ka beddalin wasiirrada, taliyeyaasha ciidanka iyo agaasimayaasha guud ee kursiga ku fadhiyey 8da Febraayo ka hor maadama iyagu sharciyad buuxda ay haystaan.

Shalay oo taariikhdu ahayd 09/09/2021, waxaa dhacday taariikhda Soomaaliya markii ugu horreysey in R/Wasaaraha xilgaaarsiiye ah iyo xubnihiisa Golaha Wasiirradu ay ansaxiyeen isla markaana dhaariyeen xubin kale (Wasiirka Amniga) iyadoo sharcidarro lagu magacaabay Wasiirka cusub oo la dhaariyey. tallabaadaas oo baalmarsan qoddabada Dastuuriga ah ee 103, 69(D), 100(c) iyo 104.

R/Wasaaraha Xilgaarsiintu 08 Sebt. 2021, waxuu sameeyey tallaabo aan dawladnimada meelna ka soo galin oo ah in Wasiirka Warfaafinta uu faray in aan Idaacadda iyo Telefishionka Qaranka laga sii dayn karin Madaxweynaha qoraalladiisa, isla markaana waxii horey loo galiyey laga saaro. Idaacadda iyo Telefishionka Qaranka ayaa R/Wasaaraha Xilgaarsiintu ka dhigtey mid isaga uu leeyahay, taas oo keentey fudeyd iyo Diktaatornimo isku jurta.

Waxa la yaab ah niman lagu sheegayo in ay yihiin siyaasiyiin miisaan weyn leh, oo isugu jura musharraxiin Madaxweyne iyo Xildhibaanno oo hal reer ka soo wadajeeda oo qaladaadka R/Wasaaraha xilgaarsiinta taageeraya. Isweydiintu waxay tahay maxaa nimanka halka qabiil ah ee sanad ku dhawaad idaacad walba taagan ee dastuurka R/Wasaaraha xilgaarsiintu ku tumanayo taageersan ay umadda Soomaaliyeed u sheegi karaan?. Wixii afkooda ka soo baxaa waa qas, kicin shacab iyo dagaal qabali ah oogiddiis. Umadda Soomaaliyeed ee kale waxay la yaabbanyihiin nimankan siyaasadda ku wareeray ee aan isqabanayn iskuna xishoonayn.

R/Wasaaraha xilgaarsiinta oo lagu bartay degganaansho iyo hoggaamin suubban, oo caddeynteedu tahay haddaan hal ka soo qaato, siduu u maareeyey ciidankii qabaliga ahaa ee raggan siyaasiyiinta sheeganaya ay soo galiyeen gudaha magaalada madaxda dalka iyaga oo dantoodu ahayd in dib loogu noqdo 1991kii. Hadda sidii ay dhagaha ugaga qaylinayeen nimankan siyaasi isku sheega ah, ayaa R/Wasaarihii xilgaarsinta ay taariikhdiisii fiicnayd saacadihii u danbeeyey ay u beddaleen mid aad mugdi u ah iyaga oo ujeeddadoodu tahay in aan mardanbe R/Wasaare loo soo dooran, isla markaana aanu isku soo taagin Murashax Madaxweyne, waxaanan filayaa in ay ku guuleysteen Mashruucoodii gurracnaa.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.