Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble: Yaa Diidey Tanaasul?

W.Q. Cismaan X. Maxamed 

Marka aan iska dhaafno dhacdooyinka yaryar ee marwalba aan maqallo oo aan duljoogsano qoddobada nuxurka leh ee miiska wadahadallada dulyaaley, ee hoos ku qoran, ayaan garan karnaa qofka ay ka socon waayeen wadahadalku ee fashilka keeney.

  1. Xilkaqaadista Md. Fahad Yaasiin – R/Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa ka dalbaday in Fahad Yaasiin 48 saac uu warbixin ku keeno ku saabsan arrinta Sarkaaladda Ikraan Tahliil, isaga oo farriinta u sii mariyey Telefishionka, taas oo aan ahayn qaab dawli ah. Muddadii oo aan dhammaan ayuu Md. Fahad Yaasiin qoraal u soo direy uu ku dalbanayo in Guddiga Amniga loo fariisiyo si uu warbixinta uga hor akhriyo. Laba saacadood gudahood ayuu R/Wasaaraha Xilgaarsiintu xilkii ugu qaadey Md. Fahad Yaasiin isagoo Janaraal Bashiirna u magacaabay siihaye, Golaha Wasiirradana aan marsiin go’aankiisa. Arrintan Madaxweyne Farmaajo ayaa fududeeyey oo oggolaadey Xilka Qaadista R/Wasaaruhu kaligiis si qaldan u sameeyey ee uu ku horjoosaday in Kiiska Ikran Tahliil Warbixin laga bixiyo.
  2. Jan. Bashiir Goobe: oo ay qurux badnayd in uu iska diido in xil lagu muransanyahay qaato maadaama uu yahay Sarkaalka ugu Sareeya Soomaaliya muddo dheerna qaranka u soo shaqeeyey. Nasiib darro maqaamkii laga filayey Jan. Bashiir hoos ayuu uga soo dhacay oo waxa taariikhdiisa galaya sida uu isku qiimo jabiyey. Muddadii ay socotey dhexdhexaadintu waxuu R/Wasaaraha Xilgaarsiintu codsaday in Jan. Bashir loo magacaabo Wasiir Dawle. Codsigaasna Madaxweyne Farmaajo waa ka oggolaadey.
  3. Danjire: R/Wasaaraha Xil-gaarsiintu waxa kale oo uu codsaday in AVV. Cumar Maxamed Cabdulle oo xafiiska RW, runtiina ah nin u qalmo loo magacaabo safiir waddan muhiim. Madaxweyne Farmaajo waa ka oggolaaday middaasna.
  4. Xil. Cabdulaahi – Wasiirka Amniga – Magacaabidda Wasiirkan oo muran ka taagnaa Sharciyadda lagu Magacaabay oo aanu R/Wasaare Xilgaarsiin awood u lahayn, ayaa arrintiisi la galay. Wadahadal dheer ka bacdi waxuu Madaxweynuhu oggolaaday in uu Wasiir ahaado, laakiin loo wareejiyo Wasaaradaha kale maadaama uuna dhexdhexaad ahayn oo uu ka mid ahaa raggii Ciiddanka Qabaliga ah Xamar soo galiyey si Soomaaliya 1991kii dib ugu noqoto. R/Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa diidey in uu badalo isaga oo og in magacaabiddiisu marka horaba Sharci darro ahayd.
  5. Agaasimaha NISA: Waxaa la duljoogsadey qoddobkii ugu dambeeyey ee ahaa magacaabidda Agaasime cusub oo NISA. Waxaa Guddiga Dhexdhexaadunta isla gartey in uu Madaxweynuhu magacaabo qof labadooduba raalli ku yihiin (consensus candidate), laakiin nasiib darro R/Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa diidey oo yiri lama fariisanayo Madaxweynaha ee aniga ayaa soo magacaabaya. Halkaa markey mareyso ee R/Wasaaraha Xilgaarsiintu diidey haba yaraatee
    wax tanaasul ah, ayey burbureen wadahadalladii Shacabku ka dhursugayey .

Xaaladdan Waddanku kuma sii juri karo, ee maxaa xal ah?

  1. Ugu horreyn, R/Wasaaraha Xil- gaarsiintu waa Wasiirka 1aad ee Golaha Wasiirada. Waxaanu leeyehey hal cod marka goa’an golaha wasiirradu gaarayaan. Madaama R/Wasaaraha Xilgaarsiintu aaminsanyahay una dhaqmayo in uu isaga kaliya yahay Golaha
    Wasiirrada , waxaa loo baahanyahay in Golaha Wasiirradu awooddooda dastuuriga isticmaalaan, oo aanay oggolaan sinnaba in uu R/Wasaaraha Xilgaarsiintu dastuurka iyo shuruucda dalka ku tunto, isla markaana dalka iyo doorashada khalkhal iyo dib-u-dhac galiyo.
  2. Faderaalka Soomaaliya waa laba heer. Heer Dawlada Federaalka ah iyo heerka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Faderaalka. Haddaba haddaan arkayno heerka murugada leh ee dawladdii heer faderaal mareyso, waxaa loo baahanyahay in dawladaha xubnaha ka ah dawladda faderaalku la wareegaan hirgalinta doorashooyinka Golaha Shacabka iyaga oo kaashanaya saaxiibbada Soomaaliya ee maalgalinaya doorashooyinka 2021. Guddiyadii doorashooyinka ee labada heer iyo Jadwalkiiba waa soo baxeen, ee kaliya mashruuca
    doorashada waxaa ka dhiman dhammaystirkiisa, in aad degdeg u biloowdaan idinka oo ku billaabaya khidmadda murashaxiinta laga qaadayo inta lacagta Saaxiibbada Soomaaliya idin soo gaareyso. Sidaas ayey badbaadada Soomaaliya ku jurtaa oo ay taariikhduna qori doontaa hadba sida aad caddaaladda ugu dhawaataan ama uga fogaataan.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.