Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa Innaga Hortaagan Wax Akhriska?

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Wax akhrsku sidiisaba faa’idooyin tira badan ayuu dadk u leeyahay. Aqoonta uu akhristuhu ka korodhsanayo ka sokow, waxay Cilmibaarayaashu  xaqiijiyeen in faa’idooyin kale oo badan uu qofku ka helayo wax akhriska.

Akhrintu waxa ay kordhisaa xusuusta iyo awoodda wax fahmidda ee qofka iyadoo  sidoo kalena baaris lagu caddeeyay in akhristuhu dareemo ladnaan iyo nafis kuna raaxaysto akhriska.

Waxaa kaloo cilmi ahaan loo ogaaday akhrintu in ay keento faa’idooyin dhanka caafimaadka ah, ayna ka mid yihiin iyadoo yaraysa iskubuuqa iyo culayska maskaxeed, islmarkaana dhinta fursadda uu qofka ku haleeli karo cudurka asaasaqu(Dementia) marka uu gaboobo. Akhrisku waxa kaluu keenaa in aad si fiican u seexato.

Iyadoo haddaba aynaan halkan ku soo koobi karin muhimadda uu akhrisku u leeyahay bani’aadamka iyo faa’idooyinka tirada badan ee akhristuhu ka helayo, ayaanay haddana badiba dadkeenu ku baraarugsanayn arrintaas.

Soomaalidu wax ma akhrido, waa weedh aan had iyo jeer maqalno. Taas macnaheedu ma ahan in aanay wax akhriyi karin balse waa in aanay jeclayn akhriska. Sidaa darteed waxaan shaki lahayn in qofka Soomaalida wax u qoraa xataa haddii uu afkooda ugu qoro in aanu dad badan oo akhrista heli karin.

Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax mar uu wareysi siiyay BBC-da laanta af Soomaaliga, oo la weydiiyay sababta buuggaagtiisa uu ugu qori waayay af Soomaali, waxa uu ku jawaabay, in xataa haddii uu Soomaali ku qori lahaa aanay Soomaalidu akhrideen oo aanay ahayn dad sabir u leh in ay akhriyaan buug 300 oo bog ah, islamarkaana uu buug qorista ka helo qawtulyawmkiisa.

Haddaba iska daa in qofka Soomaaliga ahi uu dulqaad u yeesho in uu akhriyo buug dhawr boqol oo bog ahe, xataa waxaa dhib ku ah akhrinta maqaal laba ama saddex bog ah.

Meelaha ugu badan ee xilligan Soomaalidu wararka iyo wacaalaha ka helaan waa baraha bulshada. Haddaba waxaan in badan arkay dad Facebook ku soo qoray maqaallo kooban oo hal ama laba bog aan ka badanyn, haseyeeshee ay dadka faallooyinka (Comment) ka bixinayaa ka cabanayaan in qoraalku dheeryahay oo aanay wakhti u hayn ay ku akhrin karaan qoraalkaas. Kuwo kale waxay codsadaan in qoraalka hadal ahaan loogu soo bedello si ay u dhegystaan halkii ay ka akhrin lahaayeen.

Waxaa la yaab leh in saacado tiro badan uu qofka Soomaaliga ahi makhaayad iska fadhin karo, dhegeysan karo qof hadlaya haseyeeshee aanu u adkaysan karin wakhti yar oo uu wax akhriyo.

Haddaba in qofku wax akhriyo iyo in uu dhegeysto keebaa wakhti badan u baahan, waa su’aal la isweydiin karo.

Waxaa baadhis cilmiyeed lagu ogaaday in akhrintu ay ka degdeg badantahay dhegysig. Waxa uu qofku akhrin karaa celcelis ahaan 250 ilaa 300 oo eray daqiiqaddii, halka marka si caadi ah oo deggan qofku u hadlo uu sheegi karo 150 ilaa160 erey daqiiqaddii. Waxaan ognahay in marka qofka hadlayaa uu si degdeg ah u hadlo  in uu luminayo maskaxda dhegeystaha. Sidaadarteed waxaa muhiim ah in qofka hadlayaa uu si deggan oo qofkasta oo dhegysanayaa fahmi karo u hadlo, taasi oo dheeraynaysa waqtiga uu hadlayo.

Dhanka kale waxaan ognahay in qofka Soomaaliga ah aanu inta badan wakhti ku xisaabtamin. Sidaa darteed wax akhris la’aanta Soomaalida, waxaan ku sababayn karnaa dulqaad yari iyo in aanay ahayn dad ilaa yaraantooda lagu soo ababiyay in ay wax akhriyaan maadaama aynaan dhaqan u lahayn arrintaas, haysaninna buuggaag carruureed tiro badan oo afkooda ku qoran.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa waddamadan reer Galbeedka in cunuga yar ee aan wax akhrin karin habeen walba inta aanu seexan  waalidku u akhriyo sheeko uu ku seexdo (bed time story), haddii uu gaadhay da’da uu wax ku akhrin karona isaga ayaaba haysta buug uu sariirta korkeeda ku akhristo. Aqoonta iyo korriinka maskaxeed ee uu cunugga ka helayo wax akhrinta kasokow, tani waxay kobcinaysaa aqoontiisa afka uu wax ku akhrinayo.

Haddaba maadaama sida aan aragnay ay Soomaalidu wax akhriska ku liidato, waa dhab in qofkii isku daya in uu Soomaali wax u qoro uu ku khasaarayo mar haddii cidda akhriyaysaa aad u yar tahay.

Qoraa Soomaaliyeed oo qoray dhawr buug oo af Soomaali ku qoran, oo aan ku kullanay madal buuggaag lagu soo bandhigay, ayaan weydiiyay in uu wax cusub  qoray, waxaanu si dhib yar iigu yidhi, “ maxaan wax cusub qoraa kuwii hore ayaa guriga ii dhex daadsan oo si aan idhaa garan la’ahay”. Waa nasiibdarro iyo dhibaato haysata qorayaasheena badankood siiba kuw buuggaagta qora.

Waxay arrintani sidoo kale inoo caddaynaysaa in wax akhris la’aanta Soomaalidu ay dhanka kale niyadjab u keento, qof kasta oo isku daya inuu wax ugu qoro Soomaalida afkooda hooyo siiba buuggaagta.

Sidaadarteed ha la yaabin hana eedayn haddii aad aragto qof Soomaaliyeed oo af qalaad wax ku qoraya si uu u helo akhristayaal badan, qawtulyawmkiisana uga dheefo.

Runtii ammaan iyo dhiirigelin ayay innaga mudanyihiin qorayaasha Soomaaliyeed iyo shirkadaha wax daabacaaba dadaalka ay muujiyeen iyadoo ay duruufahaas adag ee aan kor ku xusnay ku gadaamanyihiin.

Ogow qoraalku waa dhaxal ummaddeed oo ay ka faa’idaysan doonaan jiilalka dambe.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.