Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Farmaajo iyo Qays

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir)

Dhawaanahaan warbaahinta adduunku waxay mashquul ku ahayd fallanqaynta dhacdo dhabannahays ku noqotay dadkoo idil! 

MW Qays Siciid

Arrinka filanwaa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid, madaxweynaha jumhuuridda Tuunisiya ( Tunisia)  uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta dastuurka, dhammaan shaqooyinkii hay’adaha garsoorkana uu isagu gacanta ku dhigay. 

Tallaabadaas filanwaa’ga ku noqotay dunidoo idil, waxay muujinaysaa keligii-talisnimo uu la soo baxay macallinkii “qaanunka dastuuriga ah” ee jaamacadaha Tuunis.

Waa dalkii keliya ee ka badbaaday hirarkii “Gu’ga Carabta”. Waa dalkii xorriyadda ee uu maansayahankii caanka ahaa “Abuul-Qaasim Al-Shaabi” ka tirayay tixdii taarikhda gashay ee “IDAL SHACBU YOOMAN ARADAL AL-XAYAAT). Maantase, Tuunisiya waxay u muuqataa in ay god mugdiya ku dhacday. 

Qays Siciid waa 63 jir, wax ku bartay dalkiisa iyo dibaddaba, isagoo shahaadada sare ee takhasuskiisana ka  soo qaatay Talyaaniga. Wuxuu Bare-sare ka noqday qaar ka mid ah jaamacadaha dalka Tuunisiya. 

Dayrtii 2019-kii ayaa doorasho dadweyne uu ku noqday madaxweynihii 7-aad ee jamhuuriyadda Tuunisiya. Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed, wuxuu hantay quluubta dadweynaha Tuunis, wuxuuna ka sheekayn jiray sida uu barwaaqo u gaarsiin doono muwaadiniinta aan heli karin nolol-maalmeedkooda, ugu qareemi doono, waxna uga qaban doono dhibaatooyinka haysta. 

Badiba, wuxuu ku hadli jiray Afka Carabiga fasiixa ah, wuxuu iska dhawri jiray adeegsiga “lahjadda” arrinkaas ayuu ku macnayn jiray: in uu yahay ruux aan haybtiisa doorin, welina ku faro-adaygaya dhaqankiisa iyo afkiisa hooyaba! 

Dhammaadkii bishii Julay  sannadkan aan ku guda jirno ee (2021) ayuu Qays Siciid soosaaray wareegto uu ku kala diray golayaashii dowladda Tuunisiya, isagoo cuskaday -siduu sheegay-  qoddobka 80-aad ee dastuurka dalkaas! 

Haddaba, aan u dhaadhacno ubucda dhambaalkayga ee nuxurkiisu yahay: is-bar-bardhigga labada hoggaamiye ee kala ah: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qays Siciid.

Maxay wadaagaan xagga aragtida siyaasadeed? Sidee u maareeyeen dalalkooda? Muxuu yahay raadka ay ka tageen?!!

Su’alahaas iyo kuwa kaleba ayaa ka guuxaya maankayga, waxaanan in badan u fiirsaday sida labadaa hoggaamiye ay u maran-habaabiyeen dadkooda, sida ay ugu ciyaari karaan caqliga shacabka, u adeegsan karaan warbaahin u durbaan tunta, ugu dadaalayaan, labaduba in ay noqdaan madaxweynayaal aan waligood kursiga bannayn!

Ku dayasho

Ma aha arrin ugub ah in hoggaamiye kastaa uu yeelan karo mid kaloo uu ku daydo (role model), waana taxane soo jireen ah. Haddaan tusaale dhow u soo qaadanno madaxweynihii Tuunisiya ee kacdoonkii “Gu’gii Carabta 2011” talada dalka qabtay “Abuu Munsif Al-marzuuqi”  waxaan in badan ka akhriyay dhambaalladiisii joogtada ahaa ee uu qori jiray in hoggaamiyihii Koonfur Africa Nelson Mandela (1918-2013) uu ahaa ruux uu ku daydo xagga siyaasadda, ma ahayn arrin uu qarsan jiray dhaqtarkaas bidixda fog ahaa, dabadeedna la shaqeeyay xisbi Islaami ah (Al-Nahda oo ah xisbiga aqlabiyadda barlamanka Tuunisiya), noqdayna hoggaamiye si xushmad iyo nabadba ku dheehan tahay u wareejiyay taladii dalka Tuunis. 

Anigu, qof ahaan, waxaan xaqiiqsaday in “Abuu Munsif Al-Marzuuqi” uu ahaa hoggaamiye ka dhabeeyay aragtiyadii uu qori jiray ee lagu daabici jiray warbaahinta dunida Carabta kuwooda ugu afka dheer. 

MW Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu sheegay in Aadam Cabdulle Cismaan (1908-2007) madaxweynihii ugu horreeyay markaan madax-bannaanida qaadannay uu yahay hoggaamiye uu ku daydo, sawirkiisa ayuuna ku xardhay darbiyada madaxtooyada “Villa Somaaliya” ficillada ka soo fulayase, dhammaantood waa kuwa aad uga fog habdhaqankii madaxweyne Aadan Cabdulle, ayna ka muuqato xil isku dhajin, awood maroorsi, la dagaallanka waxay Soomaali ku heshiisay, dhinac-mar dastuurka ah iyo kuwo kaleba. 

Haddii Alle ha u naxariistee madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uu xilka si nabad ah ku wareejiyay, Farmaajo uma muuqato arrinkaas, waxa uu hammuun iyo harraadba u qabaa kursiga. 

Madaxweyne Qayska Tuunisiya, markuu loolanka doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in maamulka uu baahin doono, ogolaynna in awoodaha dowladnimo ku aruurto gacan kaliya; maanta oo uu yahay madaxweynaha Tuunisiya isaga ayaa xukuumaddii madax u ah oo ay wax kasta ku soo dhammaadaan; wuxuuna guluf-colaadeed la galay raysul-wasaarihii dalka, guddoomiyihii baarlamaanka, madaxdii garsoorka, meel uu dalka u wadana cid saadaalin kartaa ma jirto! 

Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu uga horyimid wax kasta oo uu ballanqaaday. Labada hoggaamiye waxay wadaagaan nacaybka dastuurka ay madaxda ku yihiin, midkoodna ma oggola ku dhaqankiisa! 

Qodobbo Dastuuri ah! 

Markii uu Qays Siciid kala dirayay golaha sharci-dajinta ee dalka Tuunisiya, wuxuu cuskaday qoddobka 80-aad ee dastuurka dalkiisa; kaas oo qeexaya in madaxweynuhuu kala diri karo baarlamanka marka uu dalka xaalad khatar ahi ay soo foodsaarto. 

Tuunis iminka wax halis galin kara jiritaankeeda qarannimo kama dhicin, madaxweyne Qaysna wuxuu cuskaday qoddob aan wax xiriir ah la lahayn tillaabada uu qaaday! 

Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo saaray wareegtooyin uu ku carqaladaynayay xafiiska raysul-wasaaraha intii lagu guda jiray baaritaankii gabadhii la afduubay Ikraam Tahliil.

Waraaqihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Farmaajo soosaaray waxaa dhammaantood uu ku xusay qoddobka 87-aad oo farqaddiisu “C” qeexayso in madaxweyne Farmaajo uu yahay ilaaliyaha guud ee mabaa’dida dastuurka. 

Qoddobkaas cuskashadiisu ma aha mid ku habboon arrinta meesha ka dhacday, ee waa ka shaqaynta nidaamka Federalka ee dalku leeyahay iyo dhammaysirka dastuurka ku-meel-gaarka ah. 

Farmaajiyo Qays waa laba hoggaamiye oo aad u yaqaan humaag isku qarinta, fasiraadda dastuurka sida ay iyagu doonayaan.

Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban

Labada hoggaamiye waxay aad u jecelyihiin adeegsiga warbaahinta, md. Qays muddo markuu joogaba wuxuu la kalmaa warbaahinta dalkiisa ka hawlgasha, isagoo dhoolatus xagga aftahammada luuqadda ah soo bandhiga, ma ogola in saxafiyiintu su’aalo weeydiiyaan, taa beddalkeed wuxuu ku dul akhriyaa casharro xagga dowlad-wanaagga ah iyo in warbaahintu ka shaqeyso dowlad-dhiska, dulucduse, waa in warfidiyeenku u sawiraan isagu in uu yahay hoggaamiye aragti leh! Waa barti-yaqaan, tiisa mooyee, aan tu kale aqoon! 

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ma laha isagu aftahammo uu ku xardhan karo tiraabtiisa, wuxuuse la wadaagaa Qays, in aanu jeclayn weeydiimaha warbaahinta, dhammaan khudabadihiisu waa kuwa diyaarsan. 

Waxay labaduba xoogga saaraan in ay majaraha ka lumiyaan shacabka, adeegsadaan caadifad waddaniyadeed, xagga Soomaaliya waxaa aad u faafay “Farmaajo ii geeya” , Tuunisiyana wuxuu Qays ku qalbi-diirsadaa “KULUNAA QAYS SICIID” oo iyadu tan hore la macne ah!

Raadka ay ka tagi doonaan labadan oggaamiye waa mid foolxun, kaas oo dhaawici doona dareenka shacabka ay xukumaan, waxayna horseed u noqon karaan in aan la aaminin qof kastoo Sheegta hufnaan iyo dhawrsanaan. Labuduba dadka waxay ku sireen is-dabcin, qunyar socod aan dhagar ka marnayn. Horay bay Soomaalidu u tiri “ Abeeso dhul u eki bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki.”

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.