Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorasho Aan Waxba Lakala Dooranayn

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Sheegashada ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiga ah iyo qabashada doorasho magac-uyaal ah, oo aanay jirin wax lakala doortaa, waa tabaha ay inta badan adeegsadaan nidaamyada fashilma ee aan isku kalsoonayn, si ay ugu sharciyaystaan xukunkooda.

Haddaba doorashadii Bishii Juun ee aan soo dhaafnay ka dhacday qaybo ka mid ah dalka Itoobiya iyo tan hadda la filayo in ay dhawaan ka qabsoonto deegaanka Soomalidu, waa doorasho ay iska caddahay cidda guulaysanaysa oo aanay shacabku si xor ah iyo xalaal ah codkooda u dhiiban karin.

Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisa, ayaa hadda ku keliyaystay doorasho ku Sheegtan ka dib markii ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ka jira deegaanku.

Waxaa maalmahan la arkayay rag lagu sheegayo musharrixiin ka tirsan xisbiga Abiy Axmed samaystay ee PP, laantiisa deegaanka Soomaalida oo gaafwareegaya gobollada iyo degmooyinka, iyagoo ku jira wax ay ugu yeedheen olole doorasho aanay jirin cid lula loolamaysa oo uu musharrax kasta hadhkiisa keliya la tartami doono.

Waa arrin yaqyaqsi leh iyo wax laga xishoodo in xataa magaca doorasho loo isticmaalo waxa hadda ka socda deegaanka Soomaalida.

Qaabkii diiwaangelintu uga dhacday deegaanka iyo kaadhashii ay Kusime cagjar iyo adeegayaashiisu jawaannada ka buuxsadeen, waxay ifafaale dhab ah innaga siin kartaa xaaladda ay ku soo gabagaboobi karto natiijada doorashadu.

Sidaadarteed waxay ahayd arriin ay ku saxsanaayeen ONLF iyo urrurada kale ee mucaaradka deegaanku in ay qaadaacaan doorasha ku sheeegtan, iskana diidaan in ay xubnaha musharrixiinta xisbiga PP minxiis u noqdaan.

Kusime Mustafe cagjar oo isaga uu xilka horjooganimo ee deegaanka u dhiibtay Abiy Axmed, ka dib isbeddelkii lagu khasaaray ee ka dhacay Itoobiya, ayaa intii uu xilka hayay ku caanbaxay kabaqaadnimada qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, indhokaqarsashada dhibaato kasta oo soo gaadha shacabka deegaanka Soomaalida, Soomaalinimo afka baarkeeda ah, boobka hantida ummadda, been, ballanqaadyo aanu fulin iyo qaraabakiil.

Kusimahah oo baadari u ducaynayo

Waxaa shacabka yaab iyo argagax ku noqday ka dib markii Kusiime Cagjar ay dabadhilifnimadu la gashay in uu baadariyada Kiniisadaha xabashida soo barakaysto una sujuuddo, ciidamo Soomaali ahna u diro si ay dhiiggooda ugu huraan difaaca Amxaarada oo la ogaa dhibtii iyo gumaysigii ay muddada dheer ku haysay shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka.

Way iska cadddahay in maamulka uu horjoogaha ka yahay shakhsiga noocaas ah, in ay adagtahay haddii doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo la doorto. Sidaadarteed waxaa hubanti ah in uu ku dhaqaaqayo wax walba oo u suurtogelinaya in xisbigiisu ku guulaysto doorashada sharci iyo sharcidarroba.

Ugu dambeyntii, isbeddelka keliya ee doorashadan laga filan karo, ayaa noqon doona xilka uu Cagjar ku magacaabanyahay ee uu waraaqaha ku saxeexo ee madaxweyne ku xigeenka iyo kusimaha madaxweynaha oo isu beddeli doo madaxweynaha deegaanka.

Taasina waxba kama beddeli doonto qaabkii looga bartay iyo habdhaqankii silloonaa ee kusime cagjar deegaanka ku maamulayay saddexdii sano ee aan soo dhaafnay.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.