Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xalka Is Mariwaaga Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha

W.Q. Cismaan X. Maxamed 

Xaaladda Siyaasadda ee Dalka  Hadda Meesha ay Taagantahay iyo wixii sababay

MW Farmaajo iyo RW Rooble

Khilaafka ka dhexaloosan labada guri ee iska soo horjeeda, ee Madaxtooyada ku wada yaal, waa wax aad looga xumaado.   Madaxweyne iyo R/Wasaare isqabqabsada Shacabka Soomaaliyeed kuma cusba laakiin waxaa ku cusub sooyaalka siyaasadda Soomaaliya kuwa isqabqabsada xilli labada Xafiisba ku shaqeynayaan Xil-gaarsiin oon midna awood buuxda lahayn. Intaa waxaa ka sii daran, muddada xilhayntooda waxa u hareyba waa laba ama saddex bilood keliya.

Dhibtan ka kacday tuhunka dilka Ikraan Tahliil, marbay xal fiican lahayd haddii in yar uu dulqaad sameyn lahaa R/Wasaaraha Xilgaarsiintu. Markuu Agaasimaha NISA  ka soo jawaabay amarkii Roble, waxay ahayd in Guddiga Amniga loo fariisiyo oo warbixinta laga dhageysto si loo ogaado xaqiiqda iyo sida ay wax u dhaceen, ka dibna iyada oo war la hayo talaabada xigta la qaado. Nasiib darro R/Wasaaraha Xilgaarsiintu saacad gudaheed, isaga oon horgeyn Golahiisa Wasiirrada, ayuu shaqo ka joojin ku sameeyay agaasimahii NISA oo isla markaana magacaabay Sarkaal sare oo sii haya hay’adda NISA.

Sida Shuruucda  Aduunweynahu iyo kan Soomaaliya qabaan, Agaasimaha NISA waxuu xaq u leeyahay in marka hore la dhageysto warbixintiisa, ka dibna go’aan lagu qaato hadba  waxii warbixinta ka soo baxa. Hadda isaga oo xaqa dhageysiga la siin  ayuu ruqseeyey. Waa tallaabo aad u qaldan oo siyaasadeyneysa xaq u raadintii dhibbane Sarkaalad Ikran Tahliil. Go’aankan degdega ahaa ee aan xataa Golaha Wasiirradu la socon, ayaa  dhibaatadan hadda taagan dhalay. Runtii iyada oon tii hore meel la dhigin ayuu haddana    xilka ka qaadey Wasiirka Amniga, is la markaana magacaabay Wasiir Amni oo cusub, oo isagu ansaxiyey isla markaana dhaariyey isaga oo og in tallaabadiisani sharciga baal marsantahay. Waa tallaabo argagax iyo yaab inteeda le’eg abuurtey in qaladkii horey u galay  uu haddana ku daro magacaabid iyo xilkaqaadid Wasiir uuna haba yaraatee awood u lahayn maadaama aanu ahayn R/Wasaare Sharciyad buuxda haysta ee uu yahay R/Wasaare Xilgaarsiin.

Anigoo ahaa taageerayaasha R/Wasaare Rooble waxaa isukay qaban la’  maqaamkuu ila joogey iyo  hadda siduu u dhaqmayo  oo aad mooddo in uu taariikhdiisii fiicnayd mid aad uga gadisan hadda qoranayo. R/Wasaare Rooble, waxaan ku taageersaneyn hoggaaminta uu muujiyey wakhti dalka khataro waaweyn la soo darseen. Waxaan hoos ku xusayaa Saddexda qoddob ee ugu muhiimsanaa , ee khilaafkan ka hor, R/Wasaare Rooble uu shacabka ku kasbaday:-  

  1. Xafiiska markuu la wareegey degganaansho ayeey heleen Golaha Wasiirradu markii ugu horreysey.
  2. Magaaladda Muqdisho oo ciidan beeleed iyo Maleeshiyaad reereed murashaxiin kursi doon ah ay soo dhoobeen oo Shacabka Muqdisho rubuc Malyuun ka mida  ah barakaceen, R/Wasaare Rooble waxuu ahaa ninkii khatarta, in uu dalku dib ugu noqda 1991, ka badbaadiyey.
  3. Markii madaxweynaha  JFS iyo madaxweynayaashii Dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland is fahmi waayeen, R/Wasaare Rooble soo maaha ninkii shantii Dawlad Goboleed ul iyo diirkeed ka dhigay.

Waxaan aaminsanayn In R/Wasaare Rooble afar sano ka bacdi noqon doono shakhsiyaadka aadka ugu dhaw in ay hantaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,maadaama oo sidaan kor ku soo sheegey taariikh fiican ku kasbaday muddo  gaaban.

Hadda halka xaalka siyaasaddu  marayo, waa mid hadalhayn badan ka dhex abuurtay bulshada inta indhaha u ah islamarkaana qaarba si u macnaynayaan fudeydka Rooble.

Dadka qaar waxay qabaan in  Isfahan la’aan dabadheeraatey  oo dhex martey isaga,  Madaxweynaha iyo Fahad Yaasiin uu muddo u dulqaadanayey, laakiin hadda uu gaarey heer uu qarxo. Qofku heerkaas markuu gaarana tallaabooyinka uu qaadayaa waa kuwo caro keentay; oo maskax fayoow oo arrimaha rogrogaysa ay meesha ka maqantahay. Dadka qaar kale waxay qabaan in uu lacag ka timi dalka Imaaraadka qaatey,  oo shardigeedu yahay in uu Madaxweyne Farmaajo qoorta isaga maro si aanu wakhti ugu helin diyaarsashada xildhibaano taageersan . Dadka qaba fikirkan lacagtu waxay sheegaan in lacagta uu soo gaarsiiyey  madaxweynaha Puntland oo ah murashax xilka madaxweynaha JFS. Intaas waxaa la sii raacinayaa in madaxweyne Deni u ballanqaadey in uu R/wasaare ka dhigan doono hadduu isaga dhiso.

Gunaanad iyo Cidda Xalka Mushkiladan Gacanta ugu Jurto

Dalka Soomaaliya waa Dal Fedreraal ah oo ka kooban Dawladda Dhexe ee Federaalka iyo Dawlad Goboleedyo qayb ka ah Dawladda Faderaalka. Wakhtigan xaadirka ah waa la shaaciyey jadwalka doorashooyinka oo waxa dhiman kaliya in Dawlad Goboleedyadu billaabaan 25 Sebtember Doorashadii Golaha Shacabka. Mar haddi R/Wasaarihii doorashooyinka iyo amnigeeda lagu wareejiyey marxaladda aad la socotaan ku suganyahay, waxaa looga fadhiyaa Dawlad Goboleedyadu in ay hoggaanka doorashooyinka la wareegaan, isla markaana degdeg u billaabaan iyaga oon waxba ka sugeyn raggan isdagaalaya.

Si waddanku u dago siyaaso ahaan, waxaa laga rabaa Dawlad Goboleedyadu in ay masu’uuliyaddooda qaataan oo ay dalka ku hagaan in ay ka hirgaliyaan doorasho daahfuran, xor iyo xalaal ah oo la mid ah doorashadda ka dhacday Dawlad Goboleedka Hirshabeele, si Ilaahay caddaalad darradii foosha xumeyd ey ka sameeyeen doorasho ku sheegtii Aqalka Sare uga cafiyo iyo in ay kalsoonida dhimatey ee shacabka ay madaxda u yihiin dib ugu soo nooleeyaan.

Hadii (Dawlad Goboleedyada) ay doorashada billaabaan, waxaan aaminsanahay in mushkiladdan aan dhammaadka lahayn ee ka dhex aloosan labada Xafiis (Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha) ee Xilgaarsiinta ah ay barteedaa ku dami lahayd. Maanta Dalku hiil buu idiinka baahanyahay ee u hiiliya oo ka baxa musuqmaasuqa idin dishooday. Mar uun taariikhda meel fiican isaga qora sida madaxweyaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele (Guudlaawe) oo Dawlad Goboleedka ugu fac yar madax u ah, haddana noqday ka keliya ee Doorasho xor iyo xalaal ah qabtey laga soo billaabo doorashadii 2016 ilaa maanta. Waa nasiib darro in Dawlad Gobleedkii ugu fac weynaa ee Puntland uu tusaale u noqdo musumaasuq, sidoo kale  Dawlad Gobleedka Jubbaland lagu xasuusan karo keliya in doorashada 2021ka ay sunne  ka dhigatey    boob kuraas iyo Minxiis aan horey loo aqoon, taas oo Dawlad Goboleedyadii kale ku daydeen macalinka xumaanta ee  Axmed Madoobe.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.