Jigjiga (WDN)- Dowlad Deegaanka Soomaaliada Itoobiya ( DDS) oo soo saaray qorshe ay ku sameeyeen Gobollo, degmooyin iyo maamul magaalo bishan July 24-dii, kaasi oo ay ka soo hor jeesteen beelaha iyo hoggaanka dhaqanka ee deegaanada Ismaamulka Soomaalida, iyaga oo ku tilmaamay cadaaalad daro iyo sadbursi ay wadaan Madaxweyne Mustafe iyo koox yar oo ku...
Dagaal ka dhacay Balad-Xaawo oo u dhaxeeya DFS iyo Jubaland
Muqdisho (WDN)- Dagaal xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada ku taala xuduudka Kenya ee Beled-Xaawo, gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Ciidamadan oo laga soo daabulay magaalada Muqdisho, ayaa dagaal fool ka...
Puntland oo ku qabatay xeebta Bareedo markab hub siday xili ay jiraan Xiisado Siyaasaddeed
Boosaaso (WDN)- Markab xamuul oo wata Calanka jasiiradda Komoro, isla-markaana lagu magacaabo Sea World oo la sheegay in uu siday hub iskugu jira baabuurta Gaashaaman iyo gaadiidka gurmadka, ayaa ciidamada Illaalinta Xeebaha (Puntland Maritime Police forece-PMPF) ee Puntland ay ku qabteen waxkhti uu ku sugnaa xeebta Bareedo. Markabka ayaa la sheegay markii uu ku soo...
Safarka Amb. Gamaal Maxamed Xasan iyo Dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo
Laascaanood (WDN) – Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo haddana ah Madaxa Xarunta La Qabsiga Isbadalka Cimilada ee IGAD, Danjire Gamaal Maxammed Xasan. Safarkiisu waxa uu ku soo aadayaa xilli la hadal hayo in uu isu sharixi doono jagada madaxweynaha maamulka Khaatumo –Maakhir...
Iska-horimaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Dhahar
Dhahar (WDN)- Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ku dhex maray magaalada Dhahar laba ciidan oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Maakhir. Ciidanka Puntland oo isugu jira PMPF iyo Ciidan Turubataariyo ah ayaa doonayay in ay magaalada Dhahar galaan, waxa ayna isku aadiyeen saldhigga ciidanka Maakhir oo uu haysto taliye Jaamac Ok. Halkaasi...
Shirkii Dhamaystirka Maamulka SSC-Khaatumo oo Furmay
Laascaanod (WDN)- Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si rasmi ah uga furmay shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, xilli ay jiraan xiisad siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo shirkaasi. Shirkan oo markii hore lagu waday inuu furmo 10-ka bishan July balse dib u dhac uu ku yimid dhowr jeer, ayaa waxaa isugu yimid wufuud...
Mawqifka Sanaag iyo Qorshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo
Badhan (WDN)- Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Laascaanood ka socday qabanqaabada shir ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku qorshaynayso dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaasi oo ku aadan in gobolka Sanaag uu qayb ka noqdo maamulka SSC-Khaatumo. Siyaasiyiin uu hor kacayo gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo haddana ah xildhibaan ka mida Baarlamaanka Puntland Md Cabdirashiid Yuusuf Jibriil...
Jubaland: Beeraley iyo reer miyi ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura
(ERGO) – Maryan Cabdi Budul oo 45 jir ah iyo shan ka mid ah carruurteeda oo ku nool deegaanka Janaa-cabdalle ayaa ka faa’iideystay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Wuxuu iskugu jiray daawayn ka caawisay in ay ka soo kabtaan cudurro iyo tallaal ay wadajir u heleen. Adeeggan oo ay waddo wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo taageero ka...
Qorshayaal Siyaasaddeed kala duwan oo la soo darsay Bulshada Gobolka Sanaag ee Maakhir
Badhan (WDN)- Wararka ka imanaya magaalada Badhan ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xil Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu ka shaqeynayo qorshe ay wado Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in maamul loo wada sameeyo Khaatumo iyo Maakhir. Taasi oo ujeedada ugu weyn ee ka dambaysa lagu sheegay sidii xildhibaannada Sool iyo Sanaag looga...
Hambalyo: Usbuuca Xoriyadda Soomaaliyeed
WardheerNews Bahda WardheerNews waxay ummadda Soomaaliyeed la qeybsanaysaa dabaad degga Usbuuca Xoriyadda 26-ka Juun- 1-da Julay, 1960, oo ku beegan maalintii xoriyadda gobolada Waqooyi ( British Somaliland), isla markaana Calan Soomaaliyeed laga taago ciid Soomaaliyeed oo xor ah, xoriyaddii gobollada koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur. Haddaba waxaanu dhamaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa Usbuuca xoriyadda...









